Talaado, July 08, 2008(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay weerar madaafiic loo adeegsaday, kaasi lagu qaaday shan goobood oo magaaladaas ku yaala.
Meelaha Madaafiicda lagu weeraray ayaa waxaa ka mid ah Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, Garoobka Diyaaradaha Baydhabo, Xaruntii Warshadda Oomada Avv. Xasey, Saldhig-weynaha Baydhabo iyo Suuqa Xoolaha, meelahaas oo dhamaantood fariisimo u ah Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah.
Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa xalay saqdii dhexe waxay ku soo baraarugeen madaafiic ku dhaceysa qeybo ka mid ah Magaalada, waxayna taasi si weyn u argagax gelisay Dad badan oo ku nool magaalada Baydhabo.
Ilaa iyo haatan khasaaraha ay madaafiicdaas geysteen ayaa lagu sheegay dhimashada Askari ka tirsan Ciidamo jooga Xarunta Madaxtooyada iyo dhaawaca lix kale, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Baydhabo.
Ka hor intii uusan dhicin weerarkaas loo adeegsaday Madaafiicda ayaa waxaa xalay fiidkii magaalada Baydhabo ka dhacay weerar kale oo Bambo Gacmeed loo adeegsaday, kaasi oo lagu qaaday guriga Taliyaha Ciidamada Nabad-sugidda Magaalada Baydhabo Maxamed C/raxmaan, waxaana la sheegay in uu weerarkaas dhaawac ka soo gaaray Taliyaha iyo Xaaskiisa.
Dhacdo kale oo xalay ka dhacday Magaalada Baydhabana waxay ahayd rasaas ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay ku fureen gaari ay dad rayid ah saarnaayeen, waxaana rasaastaas ku dhintay qof ka mid ah dadkii gaariga saarnaa, iyadoo sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray shan ruux oo kale oo afar ka mid ah ay isku qoys ahaayeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia