Talaado, July 08, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalka kala soo horjeeda Dowladdiisa in ay la qaataan oo ay ku soo biiraan Heshiiskii Jibouti.
Ra’iisal Wasaaare Nuur Cadde oo wariyayaal kula hadlayay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa wuxuu sheegay in Heshiiskii Jibouti uu ahaa mid furayay albaabada nabadda Soomaaliya oo muddo 17 sano ka badan dhibaato ku soo jirtay.
Xoogagga Dagaalka kala soo horjeeda oo uu ka xusay Ururka Al-Shabaab ayuu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursaddii ka soo baxday Wada hadalladii ay Qaramada Midoobay soo qaabeysay ee bishii hore ka dhacay Dalka Jibouti.
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee ay Heshiiska wada saxiixdeen ayuu sidoo kale sheegay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde inay isku dayayaan sidii ay isugu qancin lahaayen inay heshiiskaas wada qaataan, laakin waxaa uu xusay in Ururka Al-Shabaab uu taasi diidan yahay.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu cambaareeyay dilalka iyo af-duubka loo geysanayo Shaqaalaha Hay’adaha Samafalka, wuxuuna sheegay in ay aad uga xun yihiin dilalka micno darrada ah ee sida xulashada ah dadka loogu geysanayo.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay heshiiska Jibouti ku wada saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa sii kordhay dagaalladii ka socday Soomaaliya iyo weliba dilalkii loo geysanayay dadka aan waxba galabsan, waxayna taasi mugdi gelineysaa sida ay meel-mar u noqon karaan qodobadii ay labada dhinac ku heshiiyeen oo qodobada ugu muhiimsan ay yihiin in xabadda la joojiyo iyo in ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya uga baxaan muddo 120 maalmood ah kadib marka la helo Ciidamo Qaramada Midoobay ka socda oo ku filan sugidda Ammaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia