Isbaheysiga dib u xoreynta oo si kulul u cambaareeyey falkii dilka ahaa ee loogu geystay Muqdisho sarkaalkii u shaqeynayay hay'adda UNDP

Talaado, July 08, 2008(HOL): Iyadoo ay iska soo daba dhacayaan cambaareynta loo jeedinayo dilkii loogu geystay habeen hore ee magaalada Muqdisho sarkaal sare oo u shaqeynayay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hormarinta mashaariicda ee  (UNDP) ayaa waxaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Isbaheysiga dib u xoreynta si kulul loogu cambaareeyay falkaasi foosha xun.
 
Guddoomiyaha gudiga warfaafinta iyo wacyi gelinta golaha dhexe ee isbaheysiga dib u xoreynta Saleebaan Colaad Rooble ayaa maanta si kulul u cambaareyey falkii dilka ahaa ee loo geystay madaxii hay'adda UNDP-da marxuum Cismaan Cali Axmed.
 
"Waa wax aad looga noxo oo caqabku noqon karta sidii beesha caalamka ay ugu soo gurman lahayd ummadda Soomaaliyeed ee tabaalaysan" ayuu yiri Saleebaan Colaad Rooble "Markii horey ayayba beesha caalamka ul booca ah ugu kutubaysay u gargaarida ummadda iyagoo ku andacoonayay ma jirto jawi aan ugu gurmano dadka kaalmada u baahan marka sow masii fogeynaynso falalka afduubka iyo dilalka ee lagu bartilmaamaysanayo dadka u adeegaya ummadda, waxaan soo jeedinaynaa in la joojiyo isla markaana meel loogu soo wada jeesto badbaada shaqaalaha iyo masuuliyiinta hay 'adaha samafalka si ummadu u hesho gargaar bani'aadaminimo dalkiina uu u noqdo mid ay ka howlgeli karaan shaqaalaha ha'addaha caalamiga ah" ayuu mar kale yiri Mr. Saleebaan.
 
Ugu dambeyntiina Saleebaan waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehaladii iyo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo ugu duceeyey marxuumka inuu janadii ka waraabiyo.
 
Cambaareyntan ayaa timid xilli habeenkii xalay ahaa ay kooxo aan la garaneyn oo ku hubeysnaa bastoolado ay toogasho ku dileen madaxii hay'adda UNDP-da xafiiskeeda Muqdisho iyo weliba qaar ka mid ah qoyskiisa, wuxuuna dilka sarkaalkani ku soo beegmayaa xilli ay bilihii ugu dambeeyey si weyn u soo kordhayeen falalka lagu dilayo laguna afduubanayo saraakiisha iyo shaqaalaha hay'addaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka Soomaaliya, waxaana haatan ku jira gacmaha afduubayaal in ka badan 10 ruux oo ka howlgeli jiray xarumaha Hay'addaha caalamiga ah ee ka howlgala gobolada dalka Somalia.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta
Isbaheysiga Dib u xoreynta Somalia
Saleebaan Colaad Rooble