Sabti, February 09, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada gacanta ku haya magaaldaas la geliyay heegan sare oo lagu adkeynayo gacan ku heynta magaaladaas.
Ciidamo aad u tiro badan ayaa lagu arkayaa gudaha magaalada, kuwaasi oo oo gaaf wareegaya Xaafadaha Magaalada Kismaayo, iyadoo dadka ku dhaqan magaaladana ay dareemayaan heeganka ay Ciidamada ku jiraan.
Ciidamada gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa heeganka la geliyay kadib markii uu saraakiisha Ciidamadaas soo gaaray war ku saabsan in ay weerar ku soo yihiin Xoogag ka amar qaata Maxkamadihii Islaamka oo haatan laga soo sheegayo Deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbooyinka.
Col. Warfaa Shiikh Aadan oo ah Taliyaha Ciidamada gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu sheegay in heeganka ay geliyeen Ciidamadooda uu yahay mid ay ku difaacayaan Magaalada Kismaayo, isagoo caddeeyay in ay maqleen in ay weerarro kaga soo socdaan dhinacyada Dhoobley iyo Jilib oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.
Magaalada Kismaayo ayaa haatan waxay tahay mid laga maqlayo rasaas ay sare u ridayaan Ciidamada magaalada ka taliya, iyadoo rasaastaasina ay dadka Kismaayo ku tilmaamayaan mid ay Ciidamada ku sifeysanayaan Qoryahooda. Dadka Kismaayo ayaa ka cabsi qaba inuu dushooda ka qarxo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Magaalada Kismaayo ka taliya iyo Xoogagga la sheegayo in ay weerarka kaga soo yihiin Deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbooyinka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo heegan la geliyo Ciidamada ku sugan Magaalada Kismaayo, waxayna ahayd 15-kii December ee sanadkii hore markii sidan oo kale saraakiisha xukunta Ciidamada ka taliya Magaalada Kismaayo la soo gaarsiiyay war dhiillo dagaal xambaarsan oo ku saabsanaa in dhinaca Jubbada Dhexe laga soo weerarayo Magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo oo haatan ay ka taliyaan Ciidamo qaab Beeleed u abaabulan kadib markii ay ka soo baxeen Ciidamadii ay geysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa indhawaalaba wuxuu ammaankeeda ahaa mid sii xumaanayay, dhawaan ayayna ahayd markii qarax miino lagu dilay Dhaqaatiri Ajnabi oo ka howlgeleysay Isbitaalka Kismaayo, iyadoo ka sii horna ay magaalada ka jireen dilal iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada gacanta ku haya Magaalada Kismaayo iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia