Sabti, February 09, 2008(HOL): Mid ka mid Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ku geeriyooday Iska hor-imaad dhexmaray Iyagga iyo kooxo hubeysan kadib markii Ciidamaddu weerar ku qaadeen Jid-gooyo kooxo hubeysan dhigteen Deegaanka Bisle oo 3km dhinaca Galbeed kaga beegan Magaaladda Beledweyne.
Iska hor-imaadka dhexmaray labada dhinaca oo socday waqti kooban ayeey ku guuleysteen Ciidamadda Maamulku in ay qaadaan Jid-gooyadii kooxaha Maleeshidda, iyaga oo dhanka kalana soo Qab qabtay qaar ka mid ah kooxihii hubeysnaa ee Dagaalka la galay.
Ilaa hadda lama oga cidda ay ka tirsanaayeen kooxaha Jid-gooyadda dhigtay Deegaanka Bislle inkastoo dadka safarka ah ee isticmaalla watadda isku xirta Magaaladda Muqdisho iyo Galbeedka Magaaladda Beledweyne ay kuu sheegayaan in kooxahaasi maalmihii aynu soo dhaafnayba ay halkaa joogeen.
Sidoo kale howlgal Ciidamada Maamulka Gobalku ka sameyeen Gudaha Magaaladda waxaa ay ku soo qab qabteen dad dhowr ah kuwaa oo lagu eedeeyay in ay qal-qal ku yihiin Nabad-galyadda Magaaladda Beledweyne.
Dhaq-dhaqaaqa ay hadda bilaabeen Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili Maalmihii aynu soo dhaafnay Magaaladda Beledweyne ay ka dhaceen dilal u muuqday kuwo qorsheysnaa oo lagu qaarajiyay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamadda oo sida Gudoomiyuha gobalku sheegay hadii aan wax laga qaban qatar ku ah habsami u socodka howlaha Maamulka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Askari ku geeriyooday iska hor-imaad dhexmaray Ciidamada Maamulka G/Hiiraan iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda
More News
- MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF: “Ciidamada Itoobiyana bixi mayaan ilaa uu wadanka amni ka yimaado, kuwa kalena bixi mayaan, kuwo hor lehna waa la keenayaa”
- Ciidamada gacanta ku haya Magaalada Kismaayo oo heegan la geliyay kadib markii uu soo gaaray war ku saabsan in weerar lagu soo yahay
- Maamulka Gobolka Banaadir oo Garaadooyin ka rifay Saraakiil ka tirsanaa Dowladda Hoose
- Xarunta Hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho oo xalay la weeraray
- Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka Degmada Waaberi oo xalay toogasho lagu dilay
- Banaanbax looga soo horjeeday Booliska Koofur Afrika oo ka dhacay Magaalada Cape Town
- Shareecada Islaamka oo Dood weyn ka dhalisay Wadanka Ingiriiska kadib markii la soo jeediyay in wax laga qaato ku dhaqankeeda