Sabti, February 09, 2008(HOL): Wadaadka ugu sareeya xaga diinta Wadanka Ingiriiska Dr Rowan Williams ayaa waxa uu sheegay in ay haboon tahay in la soo dhaweeyo ku dhaqan qeybo ka tirsan Shareecada Islaamka.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri, “Qodobka ah in hal sharci uu ka wada dhaxeeyo dhamaan bulshada waa qadob asaas u ah aqoonsiga bulshada Laakin waxaa qalad ah in loo maleeyo in dadka aanay meel kale ku xirnayn ama daacad u aheyn taas oo sameyn ku leh sida ay u dhaqmaan bulshada dhaxdeeda. Marka arintaas waa in uu sharciga tix geliyo. Muslimka ma aha in ay kala doortaan daacadnimo u noqoshada dhaqankooda iyo qaranka.” Dr Williams waxa uu tusaale u soo qaatay in dacwadaha la xariirka guurka iyo ganacsiga lagu xaliyo Shareecada Islaamka.
Hadalkaa ka soo yeeray Wadaadka waxaa uu markiiba abuuray mowjado siyaasadeed. Afhayeen u hadlay Ra’iisul Wasaaraha wadankaan ayaa waxaa uu yiri, “In aan badalno asaaska sharciga wadankaan oo aan qaadano shareecada Islaamka waa arin aad u qaldan.”
Baroness Warsi oo ayadana u hadashay Xisbiga Mucaaradka ee Conservative waxa ay tiri, “Waxa ay u muuqata Dr Williams in u soo jeedinayo in aan wadankaan ka sameynayo labo sharci oo is garab socda dadkana la yiraahdo midkaad doontaan qaata, taana waa arin aan la aqbali karin.”
Hogaamiyaha Xisbiga Liberal Democratic, Nick Clegg, ayaa isagana yiri, “In dadku u siman yihiin xaga sharciga waa waxa isku haya bulshada. Ma ogaalan karno in aan dhahno qofkaana sharci gooni ah halagu dhaqo midkaana sharci kale halagu dhaqo.”
Mohamed Shafiq, Madaxa Hay’ada Ramadan Foundation, ayaa soo dhaweeyaya hadalka Dr Williams wuxuuna yiri, “Erayada Dr William waxa ay muujinayaan ixtiraamka labada diinood ka dhexeeya.”
Hiiraan Online News Desk