Sida looga Ciiday Somaliland iyo farqiga u dhaxeeya Ciiddan iyo Ciidihii hore?


Isniin, 08 December 2008 (HOL): Dadweynaha ku dhaqan Guud ahaan Somaliland ayaa maanta Dunida Islaamka kala sinnaa u dabaal-degga Munaasibadda Ciiddal-Udxa oo guud ahaan Dunida Islaamka maanta laga xusayay.

Inkasta oo Ciiddani ay ku soo beegantay Waqti amniga Somaliland aad loo adkeeyay, isla markaana gaar loo ilaalinayay goobaha Dawladda, ayaa haddana Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Sallaaddii Ciidul-Adxada Shacabka kula tukaday Masjidka wayn ee Masjid-Jaamaca Hargeysa. Halkaas oo Salaadda ka dib uu hadalo aad u kooban oo Duco ah uga jeediyay guud ahaan Umadda Islaamka, gaar ahaan kuwa Somaliland. “Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo nabad-qab iyo bash-bash iyo barwaaqo.” Ayaa ka mid ahaa haddalladii uu sida kooban u yidhi M/weyne Rayaale.

Maxay Ciiddani kaga duwanayd Munaasibadihii hore?


Ciiddan ayaa ah mid waxyaabo kala duwan kaga geddisan Ciidihii hore ee dalku soo maray. Waxyaabaha ku cusbaa Ciiddan ayaa waxa ka mid ahaa, iyada oo la baadhayay guud ahaan Dadkii galayay Masjidka M/weynuhu ku tukanayay, kuwaas oo si adag loo baadhayay. Masjid-Jaamaca Hargeysa oo Albaabo badan leh, ayaa la ogolaa in laga galo oo kaliya Albaab ka mid ah kuwa Dayrka hore ee Masjidka. Halkaas oo ay taagnaayeen Askar ku gaaashaan-naa Agabka waxyaabaha birta ah ee qarsoodiga ah sheega.

Waxyaabaha kale ee ay Ciiddani la bilatay ayaa waxa ka mid ah, Dhaqaale-xumo Shacabka badankiisa la soo deristay. Dadka waawayn iyo Caruurta u soo baxay Suuqyada Magaalada, ayaa laga dareemayay in ay ka yar yihiin kuwii hore, taas oo loo sababaynayo dhaqaale-xumo dadweynaha soo waajahday.


Sidoo kale, dhacdooyinka ugubka ah ee Ciiddani kalida ku ahayd ayaa waxa ka mid ah in M/weyne Rayaale uu Shir-jaraa’id qabtay ka dib Salaaddii Ciidda, taas oo aan hore looga baran. Hase ahaatee, geesta kale Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo Munaasibadaha noocan ah u furnaan jiray Dadweynaha, si ay Salaan ugu tagaan Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee Dawladda, ayaanay jirin dad la sheegi karo oo maanta booqday Qasriga oo Shacab ah, marka laga reebo Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladda.

Dhinaca kale, Masuuliyiinta kala duwan ee Dawladda iyo Hoggaanka Axsaabta Mucaaradka ah ayaa ka mid ahaa Masuuliyiintii Dadweynaha maanta kula tukaday Masaajidada kala duwan ee Magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sidoo kale dad kala duwani booqasho Salaan ah ugu tagayeen isaga oo ku sugan Gurigiisa Magaalada Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, Jewiga guud ee Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa laga dareemayay farxadda Munaasibadda Ciidul-Adxa. Iyaga oo Dadweynuhuna isugu hambalyaynayay Munaasibaddan.















Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland