Isniin, December 08, 2008(HOL): Waxaa maanta si wayn looga ciiday magaalooyin fara badan oo ka mid ah Puntland, iyadoo inta badan dadweynuhu ay ahaayeen kuwo aad ugu faraxsan Cidda barakaysan ee Adxa maadama ay muddo sugayeen.
Magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsi ee Puntland ayaa maanta si wayn looga Ciiday, iyadoo dhamaan salaaddii Ciidda si isku wada mid ah loogu tukaday garoonka Kubada cagta iyo goobaha kale ee lagu cibaadeysto.
Waxaa tukashada Salaad Ciidda ka qayb galay masuuliyin sar sare oo ka tirsan golaha xukuumadda Puntland si ay uga qayb qaataan faraxada ku aadan maalinta Ciidda.
Wasiirkii hore ee Xiririka Caalamiga ah ee Puntland Cali C/Awaare iminkana ah musharax u taagan doorashada Puntland ayaa shacabka reer Puntland ugu hambalyeeyay ciidda barakaysan ee Adxa, isagoo sidoo kale ka codsaday in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka kooxaha Burcad badeedka Soomaalida ah.
Ma jirin maanta wax khilaaf ah oo ka dhashay dhanka tukashada salaada ciida ,iyadoo horay loo bartay in khilaaf uu ka dhasho tukashada saaladaha ciidaha, waxaana dadku ay ahaayeen kuwa aad ugu riyaaqsan Ciiddaan u dhalatay.
Magaaloyinka Garowe, Gaalkacyo ,Qardho iyo meelo badan oo ka mid ah Puntland ayaa iyana maanta laga tukaday salaaddii ciidda, waxaana ciiddan ay ku soo beegmaysaa iyadoo beryihii u danbaysay diyaar-garaw ballaaran loogu jiray maalinta Ciidda .
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia