Yaa Qiil U Heli Kara {Album Cusub oo Wadani ah} oo si lacag ah loogu qeybiyay Dalal dhowr ah oo Caalamka ka tirsan

Abwaan Nuuraddiin Darwiish
Isniin, December 08, 2008(HOL): Waxaa Dhawaan soo baxay Album cusub oo lagu magacaabo Yaa Qiil U Heli Kara, Albunkan oo dhamaan heesaha ku jira ay yahiin kuwo wadani ah ayaa waxa uu ka turjimayaa xaaladaha uu Dalkeena Soomaaliyeed ku sugan yahay, Heeshaha ku jira Albunkan waxay farta ku fiiqayaan sababta ay Somali dowlad midaysan u samaysan la’dahay iyo waliba daawada halka ay ku jirto.

Albumkan waxaa soo saaray maxkaxdiisana ay ka soo maaxatay Abwaanka Soomaaliyeed waa Abwaan Nooradiim Darwiish , Heesaha ku jira albumkan oo wada ah heeso cusub waxaa ka mid ah

Somali u Ooya
Yaa Qiil U Heli Kara
Ogaysiis
Dan-Guud
Buunkii Nabada
Runtaan Kuu Sheegayaa
Daawo Qabiil
 
Abwaan Nooradiin Darwiish waxaa uu cabir mug weyn oo tiirar dhaadheer wata Soomaalidu ugu ifinayaa waxaa ay tahay nabada , iyo Waxay tahay dowlad , sidee loo qaysadaa dowlad, doorka ugaasyada, Isimada, Garaadyada , Malaaqyada, iyo sida ay u tahay muhiim in la ilaaliyo xuquuqda qofka Somaliga ah, cadaaladna wax loo qabysado waxaa hubaal ah qofkii dhegeysta heesaha ku jira albumkaan in uu garan doono waajibka saaran ee loo baahan yahay iyo in ay gali doonto qiiro wadaninimo

Albumkan waxa uu Abwaan Darwiish u hibeeyay dhibanayaasha Soomaaliyeed ee ay dhibaatooyin ka soo gaareen Dagaaladii Sokeeye waana album aanan wax dhaqaale ah lagu raadinayn oo bilaash loogu qaybinayo inta wadaniyada iyo Somalinimada ay ku dheer tahay.

Hakna ka Dhagayso Heesta Yaa Qiil U Heli Kara
Halkan ka dhaqayso heesta Somali U Ooya

Waxaa Maanta oo Ciid ah Albumkan si free ah lagu qaybinayaa magaalooyin ku yaala wadamada Australia, UK. USA, iyo Canada. Wadamada iyo magaalooyinka aanu soo gaarin albunkaan amaba qofkii iyo jaaliyaddii rabta albumkaan waxaa ay la soo xiriira kartaa Abwaan Darwiish si logu soo diro, waana in qofka ama jaaliyadu iska bixin karaan kharashka boostada pay post, laakiin Albumka waa free lacag la'aan, Waxaad kala soo xariirtaan emailadaan , [email protected]
 ama [email protected]

Faahfaahin dheeraad ah fadlan booqo website-ka http://www.daawoqabiil.com