2007 DV




Tababraha Xulka Qaranka K/cagta Soomaaliya oo aan wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelnay











Tababraha Xulka Qaranka Wadanka Soomaaliya Cabdi Faarax Geela ayaa Weriyaha www.cayaaraha ee Magaaaladda Muqdisho Faarax Blue waxa uu la yeeshay wareysi dhinacyo badan taabanaya, wuxuuna Macallin Geela sheegay in sanadkan Tababar wanaagsan uusan qaadan Xulka Qaranka Soomaalya, maadaama ay jireen at ireen dhow arrimood oo uu Geela ka gaabsaday in uu sharaxaad ka bixiyo, isagoo cadeeyay in 1-dii bishii la soo dhaafay ee October ay bilaabeen tababarka dhinaca adkeysiga ciyaartooyda, kaas oo ciyaaryahanadu ay ku sameynayeen Buurahaa dhaa-dheer ee Iskoo Buliisia, wuxuuna sheegay in tababarkaa uu ku sooo beegmay Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan.

Geela wuxuu intaas ku daray in 3-dii Bishan November ay sidoo kale billaabeen tababarka Farsamad ee la sii nayay ciyaartoyyda, kaasoo lagu qabtay Garoonka K/cagta ee Horsee oo ilaa hadda uu ka socdo.

“Aad ayay noogu adkaatay in aan sidii sanadihii hore oo kale ciyaaryahandu Tababarka u sameyno, maxaa yeelay safar ciyaareedkan wuxuu ku soo beegmay xilli Ciyaaryahanada Soomaaliya aysan mudo sanad ah ciyaarin xitaa 3-kuna oo qura oo isku xigta, maxaa yeelay Kobkii Horyaalka Wadanka iyo Koobkii Gen. Daa'uud midna lama ciyaarin, taasina waxay dhabar jab ku tahay ciyaaraha Qaranka” ayuu Geela carabaabay, wuxuuna sii daba dhigay “Xulalka aan ka hortaageyno ciyaaryahanda ay soo wataan dhammaantood waxay ka soo qeyb qaateen Horyaaladda dalalkooda, waxay ka soo qeyb qaateen is reeb-reebkii koobka adduunka ee Germany, sidoo kale Xulalkaas waxay sameeyeen Kulamo saaxiibtinimo iyo tababaro joogta ah, waxaana u ciyaara rag Professinal ah, iyadoo taasina ay jirto waxaan filayaa in aan wax la qeybsan doono”.

Macallinka Kooxda Qaranka Geela ayaan weydiinay su'aal aheyd Rajada ama natiijada uu kala imaan karo Koobkaas? wuxuuna ku jawaabay “Ma rabo in aan Faano, laakiin rajada aan ciyaarahaas ka qabo aad ayay u sareysaa, waana ka kor mari doonaa meelihii sanadihii hore ku soo hari jirnay, waana ii xisaabsan tahay Awooda Xulka aan macallinka u ahay” sidoo kale Macallin Geela ayaa wax ka weydiinay kulanka uu is leeyahay waa kan ugu adag Wuxuuna yiri “Faaraxoow dalalka aan ciyaaraha la yeelaneyno waa dalal dowlado ay ka dhisan yihiin, ma aahan sida Soomaaliya oo kale, Xul kasaa wuxuu isku dayayaa sidii uu nooga badin lahaa, maxaa yeelay way ka dhimanayaa {Soomaaliya oo aan Dowlad laheyn ha kaa badiso} jihaad ayayna Muujinayaa, hase ahaatee inaguna waan ku jihaadeynaa, runtii wadamo kala sharyarna ma ahan, Xulka Uganda iyo Ethiopa waa xulal awoo leh, waxaanse ku cel-celinayaa in aan taageerayaasha iyo shacabka Soomaaliyeed aan sanadkan qancin doono”.

Macallin Geela oo sidoo kale aan wax ka weydiinay sida uu u arko Ciyaaryahanada Qaranka ee ka yimid wadanka Ingiriiska, waxa uu yiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay, waxaan hambalyo u dirayaa Ciyaaryahanada iyo ciddii soo agaasintay in ay ka qaybqaataan ayna wax ka difaacaan Calanka Soomaaliya, runtii waa tilaabo muhiim ah oo loo baahnaa in mar hore la qaado, maxaa yeelay ciyaarayahanada waxay leeyihiin faa'iidooyin badan, waxaana ka mid ah, A) In ay isbartaan saaxiibadoodii 10 sano difaacayay Xulka Soomaaliya oo marxaladdiisu aad u xumeyd, B) Waxay gogxaar u yihiin Ciyaarayahanadaani kuwa kale ee waayay wax ay ku daydaan oo ku kala sugan caalamka, kuwaas oo wax u tari kara xulka Qaranka Soomaaliya, C) Isku xirka Ciyaaryahanada gudaha iyo dibadda, D) Xamaasad gelinta bahda Isboortiga, maxaa yeelay xulkastoo Adduunyada ah marka uu ka qaybqaadanayo cayaaro caalami ah waxa uu u yeertaa Cayaaryahanadiisa ka cayaar horyaalada caalamiga ah ee kala gadisan, E) Waxaa kalloo faa'iidada laga helayaa ay tahay in ay ku soo kordhiyaan farsamooyin iyo maskax laga yaabo in ay ka maqneyd Ciyaaryahanada kale F)Isku xirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Adduunyada oo dhexda u xiran doona sidii Jaaliyad kasta u soo gudbin lahayd ciyaartoy, sida Jaaliyadda iyo ururada Isboortiga ee London oo mudan tixgelin iyo hambalyo gaar ah iyo sidoo kale faa'iidooyin badan, waxaana ugu baaqayaa in uu u furan yahay albaabka Xulka Qaranka Soomaaliya, ayna noo yimaadaan Ciyaartooy kasta oo awooda in uu xirto Maaliyadda Xulka Qaranka Soomaaliya ”.

Waxaa kalloo weydiinay Macallin Geella qaabka uu isugu xiri karo Ciyaatooy aan weligood is arag iskaba dhaaf in ay wada ciyaaraane, wuxuuna yiri “Waxay ku xiran tahay farsamada ay leeyihiin Ciyaaryahanada nagu soo biiray, waayo way ii xisaabsan yihiin Ciyaartooydii hore ee aan watay, haddii ay la yimaadaan xirfad aad u heer sareysa aad ayay noogu fududaan doontaa isku xirkooda haddii aan nahay Macalliimiinta”.

Ugu dambeyntii Macallin Geella waxa uu sheegay in tababar Magaalada Nairobi muddo shan beri ah uu lixdaa Ciyaaryahan ku siin doono Garoonka K/cagta ee Magaalada Nairobi, iyadoo Ciyaaryahanada iyo Macallinkuba ay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi, waxaana wareysigaan la yeelanay ka hor intaanu ka ambabaxin Magaalada Muqdisho.

Faarax Blue
Cayaaraha-Muqdisho
Xigasho: Cayaaraha.com












| Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online