11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Sawirku waxa u dhigmaa kun erey
By Liban Obsiye
Sunday August 13, 2023


Soomaalidu waa dad aad u hal abuur badan. Kuwa badan waxa ay hibadooda iyo kartidooda ku soo bandhigaan goleyaal dhaqan iyo warbaahinno kala duwan. Mid ka mid ah hababka ugu caansan ee isqeexidda qofeed iyo gudbinta farriin waa sawirqaadista. Tani marnaba la yaab malahan maxaa yeelay sare u kaca adeegsiga taleefoonda iyo kaamirooyinka casriga ah waxaa fudeyd noqotay in sawir loo qaado madadaalo ama xirfad ahaan. 

Adeegsiga saa'idka ah ee baraha bulshada sida Twitter, Facebook, Tiktok iyo Instagram, si loogu soo gudbiyo sheekooyin gaar ah, macluumaad iyo mashaariic ganacsi ayaa ka qayb qaadaneysa sare u kaca dib u soo nooleynta sawir qaadista  oo ah nuuc farshaaxanka ka mid ah. Kani waa war farxad leh maxaa yeelay sawirqaadistu waa qaab ka mid ah qaababka ugu wanaagsan ee muuqaal wax ku gudbinta  taas oo dadka  heli karaan, lagu madadaalan karo isla markaana dhiirigalineysa fikrado cusub iyo hadalheyn oo dhammaantood Soomaaliya si weyn loogu baahi qabo waqtigaan la joogo.

Nasiibdarro, Soomaaliya waxaa wali jira kuwa badan oo aan fahamsaneyn qiimaha farshaxanada kala geddisan ay u leeyihiin  waxbarista, madadaalinta iyo wacyigalinta dadweynaha. Farshaxanadaas oo sawir qaadistu ay qayb ka tahay.

Maqaalkaan waxaa isku dayi doonaa inaan  ku soo gudbiyo dood adag oo aan ku garab istaagayo kuwa ku jira qaanadaas aniga oo soo qaadanaya Nuura Iimaan- sawirqaaddo Soomaaliyeed  oo leh hibo sare, sidoo kalena ah khabiir dhanka istraatiijyadda warbaahinta casriga ah.

Sawirkani ma ahan mid iska caadi ah, laakiin waa mid ku guuleystay abaalmarin heer Qaran ah  kaas oo ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ay ka soo xusheen tiro badan oo sawiro ah oo loo soo gudbiyay tartankooda. Waxaa intaas dheer in sawirkaan uu doortay wariyaha  sawirqaadaha abaalmarinada badan ku guuleystay Adam Ferguson oo u dhashay dalka Australia. Tartankaan waxaa si wadajir ah u  maalgaliyay safaaradda Australia ee Kenya iyo ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Sawirka ayaa muujinaya carruur yar oo Soomaaliyeed oo casir liiqii kubadda ku ciyaareysa wadada geeskeeda iyada oo dhinacooda ay ku yaallaan dhismeyaal ay burburiyeen dagaaladii sokeeye oo u muuqda sidii inay  kusoo dumi karaan waqti kasta. Inta badan carruurtu waxay ku mashquul sanyihiin tartan ay ugu jiraan kubadda oo cirka ku maqan, halka labona ay ku fadhiyaan dooni buluug ah oo  kaluumeysi oo u taalla sidii in ay qallibantay oo kale. Korkooda waxaa ka muuqda  baalayaal koronto oo ay ka soo laalaadan fiilooyin luxmaya xilli carruurtu ay ciyaarayaan. Way iska caddahay in  sawir qaade Nuura Iimaan ay taagantahay dhanka kale ee wadada marka ay qaadeysay sawirka, carruurtana waxay ku raaxeysanayeen ciyaarta.

Meel kasta oo dunida ah sawirka carruur kubbad ciyaareysa  waa wax iska caadi ah. Hase ahaatee waxa sawirkaan ka dhigay mid si gaar ah indhaha usoo jiita ayaa ah sheekada uu gudbinayo, taariikhda uu soo bandhigayo iyo rejada mustaqbal ee lagala soo dhexbixi karo.

Dhimsemaayasha burburay ee qadiimka ah  ee ay ka muuqdaan duleelada rasaastu waa xusuusin adag oo ku saabsan dagaalkii ku dhawaad 30 ka sano ee burburiyay noloshii dadkii, wax soo saarkooda,mustaqbaladoodii iyo hey'adihii dowladda iyo kuw gaarka loo lahaa. Sidoo kalena reebay mahadhooyin, is aaminid la,aan iyo daqarro qalbiyeed ku yaalla dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Dhismuhu wali waa uu taaganyahay sida Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed oo kale, hayeesha waa la wiiqay ilaa uu gaaro heer burbur ah. Wali sida dadka Soomaaliyeed iyo Qarankuba ay u yihiin kuwa dhaqso soo kabta, dhismeyaashu waa ay xooggan yihiin oo sare ayay u taagan yihiin kasokow sanado dayac iyo burbur ah. Dhismeyaashu waxay u muuqdaan sidii oo ay tiiraanyo iyo yaxyax la ooynayaan. Waxaan isweydiinayaa waxa ay usoo joogeen  oo ay wari lahaayeen haddii dhagaxa, shamiitada, iyo shubka la isku qasay ay hadli lahaayeen. Dhab ahaantii dhismayaashaan faraha cididood ku taagan waa keyd taarikheed oo warinaya darxumo iyo silic , waxay se naawilayaan inay helaan fursad dib loogu soo celiyo oo dib loogu dhiso iyada oo ay tahay in ay taasi ka soo go'do  muwaadiniinta iyo dowladda Soomaaliyeed.

Doonta kaluumeeysi ee ka muuqata dhanka midig ee shishe ee sawirka way gaddisantahay, oo waxaa ku fadhiya labo carruur ah. Doontii ay ahayd inay badda ku jirto waxay u muuqataa mid laga tegay oo cidlada lagu tuuray.

Qof kasta oo aqoon u leh goobta sawirka laga qaaday wuxuu garanaya in dhismayaasha burburay ay ka dambeeyso badweynta oo ay carruurtu ku ciyaaraan iyo kalluumaysatada yaryar oo isku dayaya in ay nolol maalmeedkooda ka soo saartaan iyagoo wata doomo halis ah oo alwaax ka sameysan. Meel u dhow, dhanka kale ee laamiga ay carruurta ku ciyaarayaan waxaa ku yaalla suuqa kalluunka ee Muqdisho. Marka sawirka laga eego waxaa lagu doodi karaa in fursadaha kalluumeysiga ee muhiimka ah ee faa’iidada badan leh ee Soomaaliya ay yihiin kuwo aysan ka  faa’ideysan shacabka Soomaaliyeed iyo maalgashadayaasha caalamiga ah. Waxaa taas ka sii murugo badan, in kasta oo kalluun fara badan uu ku jira Badda Soomaaliya, haddana waxaa soo noqnoqda khataro macluul iyo abaaro. Kalluumaysiga waara ayaa muhiim u ah wax ka qabashada haqab-beelka cuntada ee Soomaaliya, horumarinta dhaqaalaha iyo caafimaadka dadka. Waa inaysan kaluumeysiga marnaba daaha saarin oo aysan qarin dhismayaasha burburay oo doonyaha kalluumaysigu ay si nabadgalyo ah badda u galaan iyaga oo jillaabanaya kalluun dadku u  baahanyahay halkii ay iska oolli lahaayeen wadada dhinaceeda.

Ilaa xad, xiddigaha sawirku waa carruurta: da'yar, firfircoon oo aan dan ka lahayn adduunyada  hareerahooda ah iyaga oo iskaga ciyaaraaya waddo jid cadde ah oo halis dhinacana ku heysa dhismeyaal qayb ahaan burburay. Rejada  iyo dhiirranaanta dhallinyaradu waa mid muuqata oo bogaadin mudan: Noloshu waxay ku wanaagsan tahay in dhanka togan laga eego laguna dhawro rejo si kasta oo ay arrimuhu u adag yihiin. Si kastaba ha ahaatee, caqabada haysata carruurta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale muuqata.

Carruurtu waxay ciyaarayaan kubbadda cagta iyagoon haysan dhar ku habboon iyo agab kale sida sawirka muujinayo mid ayaan kabo wadan.

Waxa kale oo ay ku ciyaarayaan meel halis ah oo ay naftoodu halis ugu jirto baabuurta wadada mareysa iyo dhismayaasha ku xeeran oo aan ahayn kuwa ammaan ah. Xaqiiqdu waxay tahay in aanay jirin meelo loo qoondeeyey oo ay carruurtu si badqab leh ah ugu ciyaari karaan. Haddii ay jiraanna sida garoonada salaxa ee dusha ka dedan  waa kuwa qaali ah oo gaar loo leeyahay.

Isku soo wada duuboo bii'ada ciyaareed aan ammaanka ahayn waa mid uun qayb ka ah waxqabad la'aanta guud ee dhalinyarada heysata hadday noqoto waxbarasho la heli karo, ciyaaraha, tababarada iyo xirfadaha ay tahay in si degdeg ah wax looga qabto si ay dhallintu u helaan mustaqbal wanaagsan.

Haddana, horumarku habeen qura kuma yimaado ee waa in aan ogaanno in halka ay hadda carruurtu si xor ah oo farxad leh ugu ciyaarayaan ay bari ahayd goob dagaal oo ay ku naf waayeen dad badan oo aan waxba galabsan. Qaar ka mid ah carruurta ayaa sidoo kale dhoola cadeynaya taas oo mar walba ah arrin dheeraad ah oo lagu farxo.

Waxaa jira kumaankun, haddaysan ahayn malaayiin, sawiro ah oo muujinaya Soomaaliyada dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay. Sawiradaas waxaana ka mid ah sawirka ay qaadday Nuura Iimaan. Mid kasta oo ka mid ah sawiradaan ayaa ah mid muhiim u ah taariikhda Soomaaliya, waana inaan si taxadar leh u eegno si aan u fahanno wixii tagay, una jiheeyno waqtiga la joogo, si aan u qorsheyno mustaqbal horumar iyo barwaaqo leh.

Laga bilaabo hadda waa inaan dhiirigallinaa dhammaan inta leh hibada hal abuur oo ay ku jiraan sawir-qaadayaasha bilowga ah iyo  kuwa xirfadleeyda ah,
Si ay usii wadaan wax ka reebista iyo diiwaan galinta xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay, isbaddelka iyo horumarka dalku hiigsanayo.

Qoraaga waxa lagala xiriiri karaa Email-ka hoose.
Email:[email protected]


 





Click here