7/2/2022
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Sidee Loola Tacaali Karaa Abaaraha Soomaaliya?
By Adam Abdulle
Thursday June 2, 2022

 

“Nin dukaday dul adagaa, biyo daadis badanaa, ma duunyaan ka ooneyn”.

Waa oraah ay dhihi jireen Soomaalidii hore ee reer guuraaga ahaa. Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad Muslimiin ah oo salaad badan oo waxa ay taarikhdu sheegtaa in Soomaalidu Diinta Islaamka qaateen waddamo badan oo Carab ah ka hor, balse waxaan is leeyahay waxaa hadalkaa khalafsan/adag ka keenay abaaraha ku soo noqnoqday geyiga ay Soomaalidu degto oo ah dhul kulul maadaama uu xariiqa dhulbarahu maro.

Erayga abaar Af-soomali ahaan waa marka biyo la’aan ka jirto deegaan dadka degan iyo duunyadoodu (xoolahoodu) ay ku nool yihiin biyaha, taas oo ay sabab u tahay roob la’aan ama roob yari ka dhacday deegaankaas. Nolosha aadanaha, tan duunyadooda iyo beerahooduba waxa ay ku xiran tahay in la helo biyo dadka iyo xooluhu cabaan, beerahana lagu waraabsado. Haddii biyo la’aan dhacdo waxaa hoos u dhac ku yimaadaa waxsoosaarka beeraha iyo dhirta, taasina waxa ay sababtaa in ay adkaato kobaca iyo sii socoshada nolosha aadanuhu.

Abaarta sida ugu wanaagsan ee loola tacaali karo waa in marka hore loo diyaar garoobo, markii ay dhacdana si deg-deg ah looga jawaabo. Sidoo kale, waa in abaarta kadib la diiwaangeliyo khasaaraha ay abaartu u geysatay dadka, xoolaha, dalaga, bay’ada, dhaqaalaha dalka iyo casharradii laga bartay abaarta si waayo-aragnimadaas loogu isticmaalo la tacaalidda iyo yareynta saameynta abaaraha mustabalka dhici doona.

Dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaar bini’aadamnimo waxaa lagu qiyaasayaa 7.7 milyan. Waxaa kale oo la saadaalinaya in 1.4 milyan oo carruur ah ay soo wajihi doonto nafaqo-darro ba’an, halka 4.8 milyan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay soo food saari doonto cunto yari/la’aan. Sidoo kale, 4.9 milyan ayay caga-cageynayaan dadka ay saameeyeen abaaruhu, halka in ka badan toddoba boqol oo kun oo qofood ay abaartu ka barakaceen guryahoodii (QM, Maarso 2022).

Abaartu waa ay ka duwan tahay musiibooyinka kale ee dabiiciga ah sida duufaannada iyo daadadka. In ka badan 15 boqolkiiba waxyeellada iyo khasaaraha masiibooyinka dabiiciga ah waxaa sababa abaarta. Sidoo kale, abaartu waa halista ugu weyn ee dabiiciga ah taas oo saameysa xoolaha. Tusaale, abaartu waxa ay sabab u tahay 85.8% xoolaha dhinta (Ururka Cuntada iyo Dalaga).

Abaaraha waxaa loo qaybiyaa dhowr siyaabood, waxaana ka mid ah:

1.     Abaarta Saadaasha Hawada (meteorological drought): Abaartani waxa ay dhacdaa marka uusan da’in roob ama roobka da’ay uu ka hooseeyo qaddarta caadiga ah ee xilli roobaadkaas la sugaayay.

2.     Abaar biyood (hydrological drought): Abaarta biyo la’aantu waxa ay dhacdaa marka ay roob la’aantu sii socoto waqti dheer, taas oo ugu dambeyn sababta in ay qallalaan webiyadu ama uu hoos u dhac weyn ku yimaado qaddarta biyaha ceelasha ku jira ama oogada dul saaran haraha iwm.

3.   Abaarta Dalaga/Beeraha (Agricultural drought: Abaartani waxa ay bilaabataa marka biyo la’aantu sababto in uu yaraado qoyaanka ciid beereedku, taas oo marka dambe sababta in uu dalagu dhinto.

Dunida weli lama hindisin saacado ama qalab digniineed kaas oo warbixin buuxda ka siin kara aadanaha khatarta iyo mugga abaarta inta aysan imaan kahor. Balse, taasi kama dhigna in aanan qorshe laga yeelan karin ama aan la qaadi karin tallaabooyin lagu yareynayo waxyeellada abaaraha ka hor inta aysan dhicin, marka ay billaabato ama marka ay abaartu dhacdo kadib. Tusaale, waddamada qaar waxa ay leeyihiin Xarunta Qaranka Ee Ka-hortaga Abaaraha taas oo dadka ka caawisa in ay dejistaan qorshe abaareed inta aysan abaartu dhacin kahor si sare loogu qaado awoodda ka jawaabidda abaarta.

Abaaraha lagama hortegi karo waayo waa musiibo dabiici ah, balse waa lala tacaali karaa oo waxaa la yareyn karaan saameynteeda.

Qaababka ama siyaabooyinka loola tacaali karo abaarta waxaa ka mid ah:

§  In biyo dhaamin loo sameeyo dadka ay abaaruhu sameeyeen.

§  In dadka ay abaaruhu saameeyeen loo qodo ceelal, barkado, ama loo hagaajiyo harooyinka ay biyuhu galaan xilli roobaadka.

§  In loo daabullo/raro calafka ay xooluhu cunnaan.

§  In dib u dejin loo sameeyo dadka abaaraha ka soo qaxa, marka ay magaalooyinka soo galaan.

§  In la baro ama laga caawiyo qaababka ay xoolaha ugu beddelaan karaan lacag si aysan xooluhu ugu dhammaan abaarta, haddii ay dhacdana loo helo hanti nolosha lagu sii maareyn karo.

§  In dib u celin loo sameeyo dadka abaaraha kasoo barokacay abaarta kadib, iyada oo loo gadaayo xoolo dhedig u badan wixii la awoodo, illeen nolosha baadiyaha lagama maarmo dhaqan iyo dhaqaale ahaanba e.

§  In qoysku isku qaybiyaan qaar miyiga degan iyo qaar magaalada degan, si kuwa magaalada degani u caawiyaan kuwa miyiga degan xilliga abaaraha iyo markii baahi jirto, ama ay qoysku isku qaybiyaan xoola-raacato/dhaqato, beeraleey iyo kalluumeysato waa haddii ay suurtogal tahay e.

§  In biyo-xireenno la sameeyo si looga faa’ideysto biyaha roobka ay togaga iyo webiyadu wadaan ama in dayactir lagu sameeyo kuwii horay u jiray.

§  In la xalliyo khilaafaadka dhex yaalla dadka deegaan wadaagta ah, si ay nabad ugu wada cabaan biyaha ama ay ugu hayaamaan/guuraan meelaha laga heli karo biyo iyo daaq markii ay abaari jirto iyaga oo aan u baqeyn naftooda iyo duunyadooda.

§  In heshiisyo lala galo waddamada ay biyahu nagala dhexeeyaan ama aan biyo wadaagta nahay.

Tusaale, labada webi oo ay nolosha Soomaalidu inta badan ku tiirsan tahay biyo ahaan waa webiga Jubba iyo kan Shabeelle. Labaduba waxa ay ka yimaadaan waddanka Itoobiya (surface water) oo ah dal aan deris nahay. Itoobiya oo qaatay siyaasadda isku filnaanshiyaha cuntada, waxa ay ku howlan tahay in ay fuliso mashaariic waaweyn oo biyo-xireenno ah, si ay kor ugu qaadaan waxsoosaarka beerahooda, taasina waxa ay dhib weyn oo biyo la’aan ama biyo yaraan ah ku keeni kartaa Soomaalida ku nool biyahaas (dad iyo duunyo). Waddamadda ay biyahu nooga yimaadaan haddii aanan lala saxiixan heshiisyo qeexaya sida loo isticmaalayo biyahaa waxa ka imaan kara cawaaqib ay adag tahay in laga soo kabsado, dhanka Soomaaliya ayayna u sii darnaa doontaa maadaama aan innagu nahay kuwa ku nool darafta hoose (down-stream) biyuhuna ay ka yimaadaan xagga sare (up-steream) ee Itoobiya. Marka, waan in aan dalalka ay biyo wadaagta nahay sida Itoobiya iyo Kenya la gaarno heshiiska Isku-dhafka Kheyraadka Biyaha (Integrated Water Resources Management) kaas oo qeexaya sida ay waddamada biyo wadaagta ahi si caddaalad ah ugu isticmaali lahaayeen, una horumari lahaayeen kheyraadka biyaha ee ka dhexeeya.

§  In la sameeyo habab biyaha wasaqeysan ama horay loo isticmaalay dib loogu nadiifiyo si mar kale dib loogu isticmaalo (Water Recycling).

§  In lala yimaado qaabab biyaha cusbada ah ee dhulka oogadiisa saaran ama badda ku jirea oo lagu tiriyo biyaha ugu badan (97%), loo cusba saari lahaa oo looga dhigi lahaa biyo macaan oo la cabi karo ama beeraha lagu waraabsan karo (Desalination).

§  In dadka lagu dhiirriggeliyo in ay isticmaalaan qalabka biyaha keydiya – sida in tubbooyinka ku shaqeeya dareenka aadanaha la isticmaalo maadaama ay keydin karaan biyo badan oo khasaari lahaa.

§  In siyaasad laga yeesho sidii loo yareyn lahaa wasaqoobidda biyaha, waayo haddii ay biyaha oogada dhulka saaran ama dhulka hoostiisa ku jira (ceelasha) wasaqoobaan waxaa adkaan doonta in la isticmaalo xilliga abaaraha hadii la isticmaalana waxaa ka dhalan karan cudurro dilaa ah oo dadka iyo duunyadaba galaafta.

§  In sanduuq lacageed loo sameeyo la tacaalidda iyo wax ka qabashada abaaraha.

§  In sare loo qaado isku danqashada iyo isku diir-naxa dadka Soomaaliyeed dhexdooda si ay isku caawiyaan xilliga abaaruhu dhacaan.

§  In la dhiso ama la tayeeyo hay’adaha ka shaqeeya la tacaalidda ama yareynta saameynta abaaraha.

§  In la talaalo/beero dhir fara badan, lana sameeyo keymo gacan ku sameys ah.

§  In la talaalo dhirta asalka u ah waddanka (native) waayo dhirtani waxa ay u baahan tahay biyo ka yar kuwa ay u baahan yihiin dhirta dibadda laga keeno ee aan asal ahaan ka bixin geyiga Soomaalidu degto.

§  In qaabka ay wax u beertaan beeraleydu wax laga beddelo iyada oo la barayo beeraleyda qaababka kala duwan ee wax loo beerto iyo xilliyada dalag kasta la beerto. Tusaale, waa in beeraleyda lagu dhiirriggeliyo in ay beertaan dalaga adkeysiga u leh kuleylka iyo abaaraha xilliga ay abaartu jirto ama la saadaalinayo. Sidoo kale, waa in lagu baraarujiyo beeraleyda in ay beertaan dalaga ku habboon xilli cimileedka markaa lagu jiro si waxsoosaarka sare loogu qaado (mono-agriculture).

§  In laga hortego jaritaanka iyo xaalufinta dhirta taas oo Soomaaliya ka dhigeysa dhul lama-degaan ah haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban.

§  In la sameeyo ilo tamareedyo kala duwan sida korontada laga dhaliyo qorraxda, biyaha iyo in la isticmaalo gaaska dabiiciga ah ee wax lagu karsado si looga maarmo in isticmaalka dhuxusha.

§  In la xoojiyo mamnuuca dhoofinta dhuxusha maadaama dhuxusha Soomaaliya 80% loo dhoofin jiray dibadda taas oo sababtay in la jaro in ka badan 8 milyan oo geed intii u dhexeysay 2011-2017. Si loo xoojiyo mamnuuca dhuxusha waa in ciqaab sharciga waafaqsan la marsiiyo cid kasta oo ku xadgudubta arrinkan.

§  In la dhiirriggeliyo hay’adaha aan dowliga aheyn iyo ururada bulshada ee u ololeya ilaalinta deegaanka.

§  In la mamnuuco wasaqda lagu shubo biyaha ooga dhulka saaran (haraha, webiyada, badaha) iyo kuwa dhulka hoostiisa ku jira (ceelasha iwm). Sidoo kale, waa in la mamnuuco wasaqda iyo qashinka lagu shubo deegaanka.

§  In la abuuro Hindisaha Siyaasadeed ee Maareynta Abaaraha Qaranka (National Drought Management Policies Initiative).

§  In la dhiso ama la tayeeyo Xarunta Saadaasha Cimilada (Climate Prediction Center).

§  In la sameeyo ama la tayeeyo Nidaamka Digniinta Deg-dega ah ee abaaraha (Early Warning System) kaas oo dadka ka caawiya in ay helaan xogaha ku saabsan abaaraha xilliga ugu macquulsan.

§  In la diiwaangeliyo saameynta ay abaartu ku yeellatay dadka, xoolaha, dalaga, iyo dhaqaalaha, iyo deegaanka IMW.

§  In la sameeyo Qariiradda Qaranka Ee Abaaraha (National Drought Map) taas oo qeexeysa meelaha ay abaartu u badan tahay iyo heerka ama nugeylka abaareed ee gobol/degmo walba oo ka tirsan waddanka.

§  In la sameeyo Siyaasadda u Diyaargarowga Abaaraha (Drought Preparedness Policy).

§  In iskaashi iyo wadashaqeyn lala yeesho hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha abaaraha, dowladaha gobolka iyo waddamada kale ee caalamka si loo helo xogta, khibradda, iyo kaalmada loo baahanyahay si loola tacaalo ama loo yareeyo saameynta abaarta.

§  In Alle Weyne loo noqdo, la duceysto, roob-doon la sameeyo, Qur’aan badana la akhriyo si Rabbi dhibta iyo abaaraha nooga dul qaado.

Waxaa xiriir dhow ka dhexeeyaa abaaraha, fatahaadaha, iyo isbedelka cimilada oo ah khatarta cusub ee aadanaha oo dhan la tacaalida uga baahan waqtiga la joogo. Kolka, si loola tacaalo abaaraha waa in si dhow loola socdaa isbeddelka cimilada lana aas-aaso hay’ado ama wasaarad qaabilsan isbedelka cimilada. Sidoo kale, waa in jaamacadaha dalka lagu baraarujiyo in ay manhajkooda waxbarashada ku soo daraan ama ay tayeeyaan takhasusyada lagu barto isbeddelka cimilada, beeraha, xannaaneyta xoolaha iyo la tacaalidda musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, fatahaadaha, duufaanada, dabeylaha iwm.

Dhanka kale, waxaa jiri kara qaabab kale oo loola tacaali karo abaaraha basle qormadan waxaan ku soo uruuriyay intii aniga igu soo dhacday ama aan ku ogaaday baaritaanka iyo akhrinta aan ku sameeyay mowduucan.

***

Ummaddii harraad baa jariyo halas abaareede

Halistiyo colaadahan allow ka hinjiyoo dhaafi

Nabad baa hoyaad lehe rabboow nagu hanuun khayrka

Rabboow roobka soo hooriyoo harada noo buuxi

Cirku heego malahoo dhulkii waa halwanayaaye

Hogoshii gu’sooriyo la waa hilinkii dayreede.

­­Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)

W/Q: Adam Abdulle
Bare & Cilmibaare



 





Click here