8/14/2022
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Adeegyada ay u baahan tahay Caasimadda Muqdisho

(Qaybta Labaad)

Maktabad Dadweyne (Public Library) 

Waxa kaliya oo ay tahay inaad gabi ahaanba ogaato, waa goobta ay maktabaddu ku taalo un.”

  —Albert Einstein

Adam Abdulle.
Wednesday July 20, 2022

Maktabad waxaa lagu qeexi karaa bakhaar hooy ama guri lagu keydiyo aqoonta iyo cilmiga. Si kale u dhig e, maktabaddu, waa goob ama bakhaar lagu aruuriyo buugaag, cilmi barisyo, wargeysyo, Joornaallo, iyo agabyo kale oo aqoonta aadanaha dhisa ama kobciya. Maktabadu, waxa ay akhristayaasha iyo cilmi baarayaasha u fududeysaa in ay helaan macluumaadka, xogaha iyo aqoonta ay u baahan yihiin ama raadinayaan. Ereyga maktabad waxa uu ka yimid kelmadda laatiinka ah ee “liber” taaso oo loola jeedo buug. Sidoo kale, marka ereyga maktabad laga eego qaamuuska, waxaa lagu qeexaa, qol ama dhisme ay ka buuxaan ama lagu keydiyay buugaag.

Waxyaabaha ay maktabaduhu uruuriyaan waaa ay tiro badan yihiin, waxaase ka mid ah; buugaag, wargeysyo/joornaallo, qoraal-gacmeedyo, filimaan/canladao, khariirado, fan, cilmi baarisyo/maqaallo iwm. Maktabaduhu waxa ay xogtaas u keydiyaan qaabab kala duwan, sida; qaab muuqda (physical) ama qaabka casriga ah ee dhijitaalka (digital).

Maktabaduhu waxa ay dhiirrigeliyaan akhriska iyo qoraalka. Waxa ayna la dagaallamaan ama cirib tiraan jahliga oo ka mid ah cadawyada ugu weyn ee aadanaha horumarka iyo barwaaqada u diida.

Qur’aanka Kariimku markii ugu horreysay ee uu ku soo degay Nabigeenna sharafta badan (SCW) ereygii koowaad ee nabiga ku dhawaaq ama akhri la yirii waxa uu ahaa kalmadda “Akhri” weliba isaga oo aan aqoon sida wax loo akhriyo!

Dhanka kale, Qur’aanka Kariimka waxaa ku jira kumanaan amar oo la siinayo aadanaha, khaasatan Muslimiinta, waxaana ka mid ah: Rumeeya Alle, adeeca Nabiga Alle (SCW), dukada salaadda, sooma, bixiya sakada, baari u noqda waalidiintiinna, Alle dartii u jihaada iwm. sidaas oo ay tahayna, kalmaddii koowaad ee Quraanka Kariimku waxa ay aheyd “Akhri” sababtoo ah waxaan isleeyahay, haddii aanan wax akhrin karin waxa adkaaneysa in aan waajibaadka kale ee Alle nagu dul dhigay sida salaadda, sakada, soonka, jihaadka, imw. aan u gudanno si ay yihiin.

Haddii la rabo in dal la dhiso, waa in marka hore dadkiisa la dhisaa. Sida ugu fiican ee dadka loo dhisi karana waa in wax la baro oo lagu hubeeyo aqoon iyo xirfado, noqdaanna kuwo awood u leh in ay dabaqaan oo ay hirgeliyaan wixii ay barteen, kuna xalliyaan mashaakilka heysta ummaddooda, maktabadaha ayaana arrinkaan in uu hirgalo kaalin weyn oo mug leh ka geysta.

Waxa aan mar sii horreysay dhageystay Sh. Mustafa oo ka sheekeynaya sheeko ku qoran mid ka mid ah bugaagta uu qoray qoraaga reer Baraasiil ee caanka ka ah, Paul Coelho. Sheekadu waxa ay u yara dhaweed sida tan: Oday ayaa jariirad akhrisanayay, dabadeedna wiil yar uu dhalay ayaa aad u mashquuliyay, mar weliba su’aal ayuu weydiiyaa oo waxa uu ka mashquuliyaa howsha uu ku jiray ee jariirad akhrinta ah, odaygii ayaa markii dambe is yiri bal adiguna inanka yar mashquuli, kaddibna intuu jariiradii rogay ayuu soo saaray xaanshi ay ku dul sawiran tahay khariiradda caalamku, dabadeenda inta uu googooyay warqaddii  ayuu u dhiibay willkii yaraa, kuna yiri, bal orod oo halkaa fadhiiso oo isku soo aad-aadi khariiraddaan caalamka ee aan jeex-jeexay oo ku soo celi sidii ay aheyd. Waxa uu odaygu saadaalinayay in uu inanka yar howl adag u diray oo uusan dhaqse ku soo laaban doonin (illeyn ma fududa in leysku aad-aadiyo khariidadda duninda oo gabal gabal yar loo jarjaray e), dabadeed maxaa dhacay?

advertisements
Waqti yar oo aan ka badneyn dhowr iyo toban daqiiqo kaddib, waxaa odaygii u yimid wiilkii yaraa oo ordaya, kuna yiri aabbihii, waa tanaa oo waan soo sameeyay khariiraddii adduunka ee aad ii dirtay in aan isku soo aad-aadiyo.

Odaygii wuu yaabay, waxa uuna wiilkii yaraa su’aalay, war ma hooyadaa ayaa kuu dhigtay juquraafiga, sidee dhaqsadaa ugu soo sameeysay?

Wiilkii ayaa ku jawaabay, maya, hooyadeey juquraafi iima dhigin.

Odaygii ayaa mar kale weydiiyay wiilkii, oo haddaba sidee ayaad u sameeysay?

Wiilkii waxa uu ku jawaab celiyay, warqadda aad ii dhiibtay, xagga khariiraddu ay ku sawirneyd ma aha e dhanka kale waxaa kaga sawirnaa qof, aniguna qofkii umbaan isku isku hagaajiyay (madaxii, wijigii, qoortii, feerihii ...luguhii), kaddibna dunidiiba waa ay isku hagaagtay!

Hadalkii inankaa yar ayaa deetana laga dhigay hadal xikmad ah oo oranaya “markii aan dhisay qofka bi’aadamka ah ayaa dunidiina dhisantay”. Wiilku hadalkaa wuu iska yiri, balse sida dhabta ah markii bi’aadamka la dhiso ayay duniduna dhisantaa. Dhanka kale, markii uu qofka bini’aadamka ah dumo ayaa duniduna duntaa.

Dhan kale aan ka istaago e, bulshada jaahilka ah ee aan wax akhrin ama wax qorin, waa bulsho aan ka qayb qaadan siyaadda (passive), dan badane aanan ka laheyn siayaasadda, ama waa kuwo daacad u ah (loyal) cid kasta oo timaada xukunka. Dhanka kale, marka ay bulshadu noqoto bulsho wax akhrisa oo heerka jaahilnimado hoos u dhacdo, waxaa xorooba fikirkooda, waxa ay noqdaan kuwo fahansan muhimadda ay siyaaddu u leedahay bulshada, taasina waxa ay ku dhalisaa in ay ka qayb qaataan siyaadda (active) ama ay la yimaadaan cod (voice) waa haddii dowladda markaa xukunka joogta ka weecato waddada saxda ah ee bulshada ku hagta horumarka, barwaaqada iyo guusha e.

Maktabaduhu, waxa ay uruuriyaan ilaha uu aadanuhu ka helo xogaha iyo macluumaadka uu u baahan yihiin si uu u xalliyaan mushkilad taagan, uga hortagaan mid imaa laheyd ama u yareeyaan saameynteeda mushkiladdu haddii ay timaado, iyo in bulshada la gaarsiiyo xaalad ka wanaagsan midda ay hadda ku jirto horumar ahaan.

Maktabaduhu, waxa ay bulshada siiyaan adeegyo kala duwan, waxaana ka mid ah; in akhristayaasha, ardayda, iyo cimli baarayaashu ka heli karaan buugaagta, cilmi baarisyada, iyo jaraa’idyada ay quud-darreynayaan in ay akhristaan ama tixraac ahaan ugu isticmaalaan. Sidoo kale, adeegyada maktabada waxaa ka mid ah in ay akhristayaasha amaahiso buugaagta ama cilmi barista ay u baahanyihiin waa haddii ay adeegyadaa leeyihiin e.

U jeedada ugu weyn ee loo uruurinayo buugaagta waa in ay u fududaato dadka in ay isticmaalaan/akhristaan ama amaahdaan, ee ma aha in maktabadu noqoto carwo qurux badan oo buugaagta lagu soo bandhigo un.

Waxaa jira dhowr nooc oo maktabado ah waxaana ka mid ah; maktabad dadweyne, maktabad qaran, maktabad qaas ah, iyo maktabado ay leeyihiin akadeemiyadaha aqoonta sida; iskuulada iyo jaamacadaha iwm. Balse, waxaan isleeyahay, maktabadaha ay u baahantahay Caasimadda Muqdisho waa tan dadweynaha, maadaama aysan ardayda, cilmi baarayaasha iyo dadka caadi ahba suurragal u aheyn in ay si bilaash ah ama lacag la’aan ah ku helaan adeegyada ay bixiyaan maktabadaha kale.

UNESCO waxa ay ku xeeqdaa maktabadda dadweynuhu in ay tahay, meel lagu aas-aasay waajibaad sharci oo cad, qarashaadkeedana laga bixiyo sanduuq lacageed oo dadweyne, wax lacag ah aan ku dallacin dadka ay u adeegto, dadka oo dhanna u furan, shaqadeeduna tahay kobcinta nabadda iyo daryeelka ruuxda bulshada iyada oo loo marayo in la dhiso maanka iyo garaadka dadka.

Dr. S.R. Ranganathan waxa uu yiri “Maktabad dadweyne, waa hay’ad dadweyne oo loo xil saaray aruurinta, ilaalinta buugaagta, iyo in buugaagtaas noqdaan kuwo ay heli karaan dadka daneynaya akhrintooda”.

Faa’idooyin fara badan oo aan la soo koobi karin ayay bulshadu ku qabaan jiritaanka maktabadaha dadweynaha, waxa aanse qormadaan ku xusi doonaa kuwa soo socda:

§  Maktabadaha dadweynahu, waa joobta lagula dagaalo ama lagu cirib tiro jahliga, dhanka kalena lagu dhiso maanka, maskaxda iyo garaadka bulshda.

§  Haddii la rabo in la dhiso dal, waa in marka hore la dhisaa maanka iyo garaadka dadkiisa, maktabaha dadweynaha ayaana qayb weyn ka qaata arrinkaas.

§  Isbeddelka togan ee bulshadu waxa uu yimaadaa marka ay bulshadaasi noqoto mid ku hubeysan aqoon, ilbaxnimo, xirfado, iyo waayo-aragnimo, maktabadaha dadweynaha ayaana howshaasi fududeeya oo gacan weyn ka geysta.

§  Maktabadaha dadweynahu, waxa ay door weyn ka qaataan in dadku helaan xog, macluumaad, aqoon, cilmi, taariikh, iyo ilbaxnimo isku mid ah, taasina waxa ay ku caawisaa in ay isku si wax arkaan ama ka mideysmaan arrimo masiiri u ah mustaqbalka dalkooda iyo dadkoodaba.

§  Maktabadaha dadweynaha ee casriga ah waxa ay bulshada u qabtaan shaqooyin kala duwan, kolka  si loo gaaro ujeedooyinka maktaba loo aas-aasay oo ah ciribtirka jahliga iyo dhisida maanka iyo garaadka bulshada, waxa ay maktabadu u shaqeysaa sida:

o   Xarunta faafinta macluumaadka iyo aqoonta,

o   Xarun ay iskugu yimaadaan dadka garaadka iyo indhaha u ah bulshada,

o   Xarun ilaalisa dhaqanka, hiddaha, iyo taariikhda bulshada,

o   Xarunta curinta iyo fikradaha,

o   Xarunta bud-dhigga u ah isbeddelka togan ee ku yimaada bulshada.

§  Maktabadaha dadweynuhu, waxa ay muhimad gaar ah u leeyihiin ardayda iyo dadka faqiirka ah ee aan awoodin in ay iibsadaan buugaagta ay rabaan. Maktabaha dadweynuhu, waa albaab u furan ardayda aysan reerahoodu awood dhaqaale laheyn misna la tiicaya bixinta qarashaadka iskuulada ama jaamacadaha ay dhigtaan caruurtoodu maadaama maktabadaha dadweynuhu loo adeegayaashaan siiyaan adeegyada la xiriira akhriska iyo cimli barisyada ay quuddarreynayaan weliba si bilaash ah. Sidoo kale, waxaa jira dad badan oo aad u jecel akhriska iyo aqoon kororsiga, balse aan awoodin in ay iibsadaan buugaagta ay quud-darreynayaan, maadaama laga yaabo in qiimaha buugaagtu aad u sarreeyo marka dakhligooda loo fiiriyo. Kolka, waxaa ay maktabadda dadweynuhu u suurtagelineyaan dadkaas in ay helaan fursad ay ku akhrisan karaan ama ku amaaha karaan bugaagtaa ay rabaan. Waa kale oo maktabahada dadweynaha faa’iido gaar ah ku qaba dadka miyiga degan ee ay heli karin meelo ay ka iibsadaan buugaagta imw.

§  Maadaama akhristuhu maktabadaha dadweynah ka helayo dad badan oo iyaguna akhris, aqoon kororsi, iyo dadaal ku jira, arrintaasi waxa ay siineysaa dhiirrigelin iyo firfircooni dheeri ah akhristaha. Dhanka kale, maktabaduhu waa meel degan, oo aan buuq, kheylo iyo sawaxan badan toona laheyn, taas oo ay jecleystaan dadka akhriska jecel, ardayda, ama cilmi baarayaashu. Arrintaanna waxaa sahlaya maadaama ay maktabaduhu leeyihiin xeerar iyo mabaadii laga rabo in akhristuhu raaco. Sidoo kale, dadka aalaaba yimaada maktabaha waa dad dishbiliin iyo aqoon leh taas oo ka dhigta maktabada meel aad u degan akhristuhuna wax badan ku faa’iideysto waqti yar.

§  Maktabaha dadweynuhu, waxa ay ardayda iyo dhallinyarada ka dhigtaa kuwo ku mashquulsan akhris iyo aqoon kororsi, iyo dadaal. Waxa ayna ka mashquulisaa dabeecada ah taban ee dib u dhiga ama ardaaleeya qofka sida: isticmaalka maan-dooriyayasha, sigaar cabidda, khaaq cunidda, khamaar ciyaaridda; foodada, dagaalka joogta ah, ciyaal suuqnimada iwm.

§  Maktabadaha dadweynuhu, waa goobha lagu ogaado mushkiladaha heysta bulshada, waan isla goobaha laga raadiyo xalka mushkiladahaas.

§  Qarniyadii la soo dhaafay dunidu waxa ay u kala xoog badneyd sida ay u kala hub iyo awood badan tahay ama u kala hub iyo awood weyn tahay, balse maanta xaalku sidaa waa uu ka geddisan yahay oo macluumaadka ayaa ah hubka iyo awoodda ugu weyn oo ay dowladi heysato, sidaa daraareed, maktabadaha dadweynuhuna waa ilaha siiyaa bulshada macluumaadkaas.

Bulshadu sida ay ugu baahan tahay isbitaal furan 24/7 ayay si kasii mug iyo micno weyn ugu baahantahay maktabado dadweyne oo furan 24/7. Waayo, dhakhaatiirta ka shaqeysa isbitaalada, injineerada guryaha dhisa, taariikh yahanada taariikhda bulshada uruuriya oo weeleeya, halgamayaasha u halgama xorriyada dalka iyo dadka, macallimiinta jaamacadaha iyo iskuulada, cilmi baarayaasha iyo saynis yahanada, qoraayaasha iyo ardayda, siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha dalka majaraha u haya; iyo aabbaha iyo hooyada raba in ay caruutooda si wanaagsan u barbaariyaan, dhammaantood waxa ay ka faa’iideystaa adeegyada ay maktabadaha dadweynuhu u hayaan bulshada. Kolka, haddii la waayo adeegyadaas waxa gaabis ama habac ku yimaadaa ama sidii la rabay aan u qabsoomin shaqooyinka ay dadka aan kor ku soo xusnay oo dhammi u qabtaan dadka ay u adeegaan (bulshadooda, qoyskooda iwm). Tusaale, haddii aanan la helin adeegyada ay bixiyaan maktabaha dadweynuhu, waxaa laga yaabaa iska daa in la helo aqoon yahanno fara badan e, ay adkaa laheyd in la helo kuwa wax akhriya ama wax qora ama bulshada inteeda jaahilka ahi badato.

Gunnaanadkii, maktabadaha dadweynuhu, waxa ay la dagaallamaan ama cirib tiraan jahliga, waxa ayna kobciyaan aqoonta iyo garaadka bulshada. Soomaalideenna waxaa la qiyaasaa in 70% yihiin dad aan wax akhrin karin, waxna qori karin (illiterate). Haddane, waa dad 100% Muslimiin ah sida la sheego. Kolka, dad Qur’aankii lagu soo dejiyay Nabigooda sharafta badan ay bud-dhig u aheyd kalmadda ama ereyga “akhri” 70%’na aan wax akhri karin ama qori karin, daawo ka fiican maktabaha dadweynaha oo cudurkaas la tacaali karahi ma hubo in ay jirto. Sidoo kale, waxa aan ku tali laaha:

§  Si loo helo faa’idooyinka maktabaha dadweynuhu ay u leedahay bulshada ee aan kor ku soo xusay iyo kuwo ka badanba, waa in caasimaaddu yeellato maktabado dadweyne oo degmo kasta laga heli karo, ama ugu yaraan hal maktabad dadweyne oo aad u weyn bixina karta adeegyada ay qabtaan maktabaha dadweynahu.

§  In Dowladda Hoose Ee Xamar ku baraarugto muhimadda ay maktabaha dadweynuhu u leeyihiin bulshada malaayiinta ah ee ku nool Xamar, misa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya.

§  In Dowladda Hoose Ee Xamar arrinkaan (furitaanka ama tayaynta iyo xoojinta maktabadaha dadweynaha) kala shaqeyso wasaaradaha ay khuseyso, sida; wasaarada hiddaha iyo tacliinta sare iwm.

§  In bulshada lagu wacyigeliyo dhaqanka wax akhriska iyo wax qoridda si loola tacaalo ama loo cirib tiro jahliga oo ka mid ah khataraha ugu weyn ee heysta bulshadeenna Soomaaliyeed.

§  In misaaniyadda Dowladda Hoose Ee Xamar lagu daro lacago loo qorsheeyay in lagu furo maktabad/o dadweyne.

§  In Dowladda Hoose Ee Xamar ku baraarugto in adeegyada asaasiga ah ee ay u hayaan bulshada ay ka mid tahay in helo maktabado dadweyne oo ay dadku si bilaash ah uga faa’ideysan karaan adeegyadooda.

§  In qofka loo magacaabayo maayarka ama duqa magaalada Muqdisho (mayor), iyo madaxda kale ee dowladda hoose noqdaan kuwo lagu soo xushay aqoon, xirfad, khbirad, aragti, iyo in ay yihiin dad faham qoto dheer ah u leh adeegyada laga ay tahay in dowladda hoose dadkeeda u qabato.

§  Waxaa jirtay dhowr mar oo hore in ay Dowladda Hoose Ee Xamar sheegtay in caasimadda Muqdisho iyo caasimado ama magaalooyin kale oo caalami ah la mataaneynayo, marka haddii ay jiraan heshiiyo wax ku ool ah oo lala galay dhinacyo kale (caasimado ama magaalooyin kale) waxaan ku tali lahaa in la fuliyo, si oo uusan arrinku noqon shir jaraa’id oo la qabtay oo lagu kala saxiisday heshiisyo aan la fulineyn ama aan suurtagal fulintoodu hadda.


W/Q: Adam Abdulle. Bare & Cilmi Baare



 





Click here