Friday October 30, 2015
By Dr. Abukar Y. Warsame
Akhristow
inta aanan u guda gelin qoraalkeyga iyo nuxurka uu xambaarsan yahay
cinwaankiisuba bal aan wax yar ka hormariyo ujeeddada igu kalliftay inaan
idinla wadaago qoraalkan iyo dareenkeyga gaarka ah ee ku aaddan badda
Soomaaliyeed ee damaaacigu ka galay dawladda Kenya.
Sidaad
la socotaanba dooddan ku saaabsan xuduudaha badda Soomaaliyeed waxey soo
bilaabatay markii wasiir ka tirsan dawladdii ku meel gaarka ahayd ee ra’iisul
wasaare Cumar C/Rashid uu heshiis is-af-garad ah la soo saxiixday dawladda Kenya
bishii April 7, 2008. Heshiiskaas oo markii dambe waxba kama jiraan ay ku
tilmaantay Qaramda Midoobay (UN) maadaama uu baarlamaanka Soomaliyeed uu hor
istaagay sharcinamadiisa.
Iyadoo
aqoonteyda gaaban ee cilmiga badaha iyo sharciyadoodaba ay i xakamayneyso ayaan
waxaan ka mid ahaa aqoonyahannada iyo wax garadka Soomaaliyeed ee isku dayey
inay fikirkooda ku biiriyaan doodda badda Soomaaliyeed. Waxaan ka mid ahaa
dadka aaminsan in dawladda lagu taageero sidii ay u difaaci lahayd xuduudda
badda iyadoo kaashanaysa dadka khibradda iyo aqoonta u leh cilmiga iyo xeerarka
lagu maamulo badda iyo soohdimaheeda. Waxaan dhiirri gelinayey in aan la
siyaasadayn murankan la gashey xuduudda badda ee waqti iyo hantiba la gesho
sidii loo sharciyayn lahaa qalfoofka badda isla markaasna loo sugi lahaa
xadkeennii horey noogu xardhanaa. Waxaan intii aqoontayda iyo dadaadlkeyguba ii
saamaxeen isku dayey bal inaan wax ka ogaado waxa aasaaska u ah murankan iyo
meelaha nalaka soo galayba taasoo ii suurto gelisay inaan la xiriiro mid ka mid
ah khubarada Norway ee ku lug lahaa arrimaha xadaynta badda. Ka dibna dhowr
qoraal ayaan kaga qayb qaatay dooddii socotay anigoo badanaaba taageersanaa
mawqifka dawladda ee ahaa in aan laga fursanayn in dawladda Kenya lala gartamo
si loo xalliyo muranka xudduudda badda. Waa kuwan labo ka mid ah qoraalladii
aan dooddaas kaga qayb qaatay.
1.”Xaajo nimaan ogeyn indhahuu ka
ridaa: Xeerka cusub ee badda Soomaaliya” http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda20.html
2.Hubsiimo hal baa la siistaa: Xeerka cusub ee badda Soomaaliyahttp://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda35.html
Runtii
markaas waan dareensanaa in muranka xuduudda badda uusan ka fursan doonin
maxkamad caalami ah oo gacan saar iyo wada hadal hoose uusan xalku ku jirin
balse inay jirtay hagardaamo iyo gacan bidixayn loo tirinayey madaxdii
Soomaalida ee waqtigaas ayaanan ii muuqan oo iga hoos baxday haddii ay
jirtayna. Akhristow waxaan raalli gelin ka bixinayaa cafisna weydiisanayaa
ummadda Soomaaliyeed haddii qoraalladaydaas aan kor ku xusay ay haba yaraatee
ku jireen hadallo dhiirri gelinaya in xuduuddii badda Soomaaliyeed lagu
xadgudbo ama la dayacaba.
Intaas haddaan ku dhaafo hordhacygii qoraalka oo aan u soo laabto
nuxurka qoraalkan, shaki kuma jiro in doodda badda Soomaaliya iyo magaca
R/Wasaare Cumar C/Rashid ay noqonayaan labo aan kala harin (synonymous) oo
markasta iyo meel kasta oo looga hadlo xuduudda badda Soomaaliyeed la is
weydiinayo doorkii uu ku lahaa in xuduudda badda Soomaaliya muran iyo isqabsiba
gasho.
Mar
haddii shalay wasiirka Kowaad Mudane Cumar C/Rashi Cali Sharmarke uu saxiixay
heshiis dood geliyey xuduuddii badda Soomaaliyeed maanatana uu nasiib u yeeshay
inuu mar kale noqdo wasiirka kowaad ee xukuuumadda maanta ka jirta Soomaaliya
saw ma mudna in la is tuso fursadda iyo nasiibka uu u helay inuu murankaas soo
afjaridiisa kaalin xoog leh ka qaato oo khaladkiisii shalay dib u saxo oo
baddeennii badbaadiyo ama hagardaamaddii uu shalay wax ka bud dhigay ee
bulshada qaar tuhun ka muujiyeen uu dhammaystiro oo baddii sidaas Kenya ku
xalaaleysato?
Gari
laba nin kama wada qoslisee, natiijada ka soo baxda muranka badda (ha lagu
dhammeeyo maxkamad ama wada hadal) wuxuu noqon karaa labo midkood:
1.Xuduuddii badda in aan
lagu soo xadgudbin oo ay sideedii ahaato.
2.Xuduuddii badda
Soomaaliyeed oo wax laga beddelo.
Iyadoo
tii eebbana aysan meesha ka maqnayn waxaan shaki ku jirin in doorka R/wasaare
Cumar C/Rashid ku leeyahay ama ka qaato dacwada Kenya laga geeyey ay lug ku
yeelanayso labada natiijo ee kor ku xusan hadba tii uu xaalku ku dambeeyo,
ilaahey tan hore ha nooga dhigee!
Sida
aad ka dhegaysan kartaan kana daawan kartaan R/wasaare Cumar mar uu khudbad ka
jeedinayey London bishii October 28, 2009 wuxuu sharaxaad ka bixiyey murankii
badda ee lagu haystay dowlada ku meel gaarka ahayd ee uu wasiirka kowaad ka
ahaa waqtigaas. Waxa uu sheegay in muranka ay shacabka Soomaliyeed ay u fahmeen
si kale balse uu sheegay in ay tahay sidan “Axmed Walad
Cabdalla iyo nin khabiir ku ah arrimaha badda ayaa waxa ay nagu soo wargaliyeen
in 12 May ka hor ay cusboonaysiistaan soohdimaha ama badda ay la wareegi
doonaan UNka isagoo intaasi ku daray in ay Kenya ay rabtay in ay khariidada
badda si kale u dhigato oo khalad ah. Soomaliya baddeedu waa 200 oo mayl
waxaanu u saxiixnay in aanu helno intaasi in ka badan. Waxaan haysanaa bad aad
u balaaran oo waxaan xad la leenahay Kenya iyo Yeman marka waxaan diyaar u
nahay in aan difaacno dhulka iyo badda Soomaliyeed intaan noolahayna taako
dhulkee na ah bixin mayno mana bixin doono”.
https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=zhRqccfJc_8
Runtii
ujeeddada qoraalkeygu ma ahan inaan shaki gelinayo daacadnimada mudane Cumar
C/Rashid iyo hadalkiisa ah inuu difaacayo badda Soomaaliyeed balse waxaa maanta
taagan in heshiiskii ku meel gaarka ahaa ee uu dawladda Kenya la galay noqday
xeeladda ay isticmaaleyso Kenya inay kaga gabbato in maxkamad sharci ah ay
dacwadan qaaddo. Su’aasha is weydiinta mudan baa waxay tahay maxay dawladda
Kenya u doorbidday cuskashada heshiis is af-garad oo baarlamaanku diidday iyo iney ku
dooddo inaan maxkamad loo baahnayn oo wada hadal lagu dhammeeyo dacwadan?
Sida
ay iila muuqato arrimahan soo socda ayay noqon kartaa sababta ay Kenya uga biyo
diidsan tahay in maxakamaddu dacwada gasho:
1. Waxay ka tusaale qaadaneysaa dacwad middaan la mid ah oo u
dhaxeeysa dawladda Shiinaha (China) iyo Filibiin (Philippines). Dawladda
Filibiin ayaa dacwad la mid ah tan Soomaaliya oo ah in dawladda China baddeeda
ku xadgudubtay oo baaritaan shidaal ka waddo hor geysey maxakammadda badaha ee
Hague. China sida Kenya oo kale ayay ku doodeysaa in ay wada hadal la gashay
dawladda Filibiin oo aysan dacawadda maxkamadda loo baahnayn sideedaba.
Dawladda China waxay ku doodeysaa in aan loo baahnayn in la caalamiyeeyo
murankan badda ee wada hadal hoose lagu dhameeyo. Dawladda Shiinaha waxay ku
xoojineysaa dooddeeda inay is- afgarad iyo wada hadal horey ula gashay dawlado
kale sida Japan isla markaasna sidoo kale ay dawladda Filibiin wada hadal ku
dhamaynayaan murankooda dhinaca badda ah. Qoraal ka hadlaya dacwadaas iyo
xeeladda dawladda China isticmaaleysaba halkaan ayaad ka akhrisan kartaa.http://thediplomat.com/2015/07/how-china-views-the-south-china-sea-arbitration-case/
2. Arrinka labaad oo la xiriira arrinta kowaad waa kalsooni ay
dawladda Kenya ku qabto in heshiiskii is-afgaradka ee mudane Cumar C/Rashid dawladdiisu u
saxiixday dawladda Kenya uu ka caawin karo inaan dacwada lagu xallin maxkamad
sharci ah horteeda. Sida dawladda China ay soo jeedisay oo kale waxay Kenya ku
doodi kartaa in wada hadal toos ah oo dhex mara labada dawladood ama mid ay dhex-dhexaadiyaan dawladaha gobolka sida IGAD dacwad
lagu beddelo.
Ahristow
waxaan aad u tuhunsan ahay in xeeladda ay dawladda Kenya wax ku raadineyso ay
tahay mid laga soo minguuriyey sida ay dawladda China u wajahday dacwaddii kala
dhexeysey dawladda Filibiin (Philppines) taasoo sababtay in dawladda Filibiin
lagu tirtirsiinayo inay dacwada wax ka beddesho maadaama dacwadani ay
dhaawacayso xiriirka labada dawladood iyo shacabkooda isku dhex milan. Fiiri
qoraalkan soo socda iyo sida Filibiin xaalkeennu ula mid noqon karo.
http://thediplomat.com/2015/06/time-for-the-philippines-to-adjust-its-south-china-sea-approach/
3. Dawladda Kenya waxay diidmadeeda ah in dacwad laga geeyo ay daba
dhigtay abaal sheegasho ah in dhiig iyo dhaqaale badan kaga baxay nabadeynta
Soomaaliya isla markaasna ay heyso qaxooti badan oo Soomali oo aysan mudanayn
in dacwada badda la hor geeyo maxkamad balse lagu dhameeyo wada hadal hoose.
Waxay rajaynaysaa in qayb bulshadeenna ka mid ah (sida haddaba dhacday) ay abaal
sheegashadaas iyo xiriirka labada shacab ka dhexeeya ugu dhega nuglaadaan una
isticmaalaan in laga tanaasulo mawqifka aan ku difaaceynno baddeenna ee ah
maxakamadda horteeda. Waana mid la mid ah xaaladda Filibiin haysata.
Waxaan
si aad ah ugu mahadnaqayaa Xeer Ilaaliyahay Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali
Daahir oo markii horena dacwada gudbinteeda si fiican u gutay haddana qoraal
jawaab bixin ah ka soo saaray diidmada dawladda Kenya ee ku aaddan in la
joojiyo dacwada. Waxaan aad ugu farxsan ahay sida qoraalkiisa uu ugu faah-
faahiyey in dacwadan aysan waxba ka khusayn xiriirka labada waddan iyo labada
shacab ee Soomaaliya iyo Kenya oo aynaan marna uga tanaasulayn in dacwada
maxkamadda horteeda loogu kala baxo.
/news/2015/Oct/wararka_maanta10-93337.htm
Waxaan
ku soo gabagabaynayaa qoraalkeygan dardaaan ku socda R/Wasaare Cumar C/Rashiid
oo ah “Mudane maanta waxaad heysataa fursad aad u qaali ah oo khaladkii iyo il duufkii
aad shalay gashay aad ku sixi karto kaasoo aad ku muujin karto mawqifkaaga ku
aaddan muranka la gashay badda Soomaaliyeed iyo sidaad u garab taagan tahay
dacwada loo gudbiyey maxakamadda ee uu hormuudka ka yahay Xeer Ilaaliyaha Guud
ee Qaranka”. Laga yaabee in aanan arag ama akhrin balse baahi xoog leh baa
jirta oo loo qabo in maanta la maqlo mawqifkaaga ku aaddan murankaan badda.
Waxaa
xagal daacin iyo tuhun xoog leh abuuri doonta haddii ay dhacdo in dadka
dacwadaas u xilsaaran sida Xeer Ilaaliyaha ama garyaqaannada is beddel lagu
sameeyo inta dacwadani ay dhinac u dhaceyso.
Waxaa
kaloo tuhun abuuri doonta haddii ay dawladda Kenya ku guuleysato inay dawladda
Soomaaliya madaxdeeda ama cid metesha kala hadasho dacwadan goob aan ahayn
maxkamadda dacwadaan ay hortaal sida shirarka ay qabsadaan urur goboleedyada
IGAD iwm. Taasi haddii ay dhacdo waxay xoojineysaa rabitaanka dawladda Kenya ee
ah in aan maxkamad dacwadan qaadda loo baahnayn.
Allow
sida khayrku ku jiro na waafaji!
Dr.
Abukar Y. Warsame
[email protected]