Sabti, Oktoobar 10, 2015 (HOL) — Xeer-ilaayaha Guud ee Qaranka Somalia, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa qoraal uu soo saaray maanta kaga hadlay qorshaha ay Kenya ku doonayso inay isku hor-taagto dacwadda badda ee Somalia ay horay ugu gudbisay Maxkamadda ICJ u gudbisay.
Dr. Axmed Cali Daahir ayaa qoraalkiisa ku sheegay in guddiga xukuumadda Kenya ay u gudbiyeen maxkamadda codsi ay ku doonayaan inaan la dhageysan dacwadda badda ee Somalia, taasoo uu sheegay inay markhaati cad u tahay in Kenya ay aad uga walwalsan tahay saldhig la’aanta qaanuunkeeda.
Haddaba; Akhriso War-saxaafadeedka uu Xeer-ilaaliyuhu Arrintan kasoo saaray;
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online [email protected]Muqdisho, Soomaaliya