fiogf49gjkf0d
ARAGTIDA
HIIRAAN ONLINE
Monday, April 21, 2008
|
Lacagta Dollarka ma lagu beddeli karaa Shilling Soomaaliga? |
Marka arrimuhu ay caadi yihiin, hoos u dhac dhaqaale, sicir barar iyo arrimo kale oo la xiriira is-bedelada dhaqaalaha waa arrimo la arko. Dunida oo dhan ayayna soo maraan isbeddeladaas meeraysta, iminkana dalal badan oo dalka Maraykanka uu ka mid yahay ayaaba qarka u saran culays iyo hoos u dhac dhaqaale oo weyn. Hay’adaha dowladda iyo musuuliyiinta ku shaqada leh dhaqaalaha ayaana waajib ka saran yahay in ay mar kasta taxaddar arrimhaas ka qabaan kana hortagaan ama maareeyaan haddii hoos u dhac dhaqaale, sicir-barar, shaqa yaraan iyo arrimaha la xiriira ay dal la soo darsaan. Adduunka oo idil, Bangiyada Dhexe ayaa ah hay’adda sida gaarka ah uu waajibku uga saaran yahay la socodka, ka hor-tagga iyo maaraynta sicir- bararka iyo arrimaha la xiriira lacagaha.
Sidoo kale, marka xaalku caadi yahay, dowladuhu, ha noqdeen kuwo hanti goosi ah ama kuwo hanti-wadaag ah, dowr ama kaalin aad u weyn oo sanad walba sii xoogeysta, ayay ka ciyaaraan habsami u socodka iyo caafimaadka dhaqaalaha dalkooda. Arrimaha dhaqaalaha, dhinaca ay mar kasta dowladuhu gacanta weyn ka geystaan waa dhinacyada ku saabsan dakhliga, wax-soo-saarka guud, maal-gelinta, ganacsiga caalamka ah, shaqo-la’aanta iyo gaar ahaan arrimaha la xiriira lacagta (iyo qiimaheeda) iyo sicir-bararka.
Soomaaliya, waqtigan waxaa ka socda sicir-barar cirka ku shareeran dhaqaalihii iyo noloshii dadkana curyaamiyey. Dadka dega Puntland oo inta badan dowladda FKMG ah taageera, ayaa xitaa samaynaya dibad-baxyo ay uga cabanayaan sicir-bararka. Shacabka iyo madaxduba, waxay ku khasban yihiin in ay is-wediiyaan su’aalo cad-cad oo ku saabsan waxa keenay khal-khalka dhaqaaale ee dalka ka jira. Su’aalaha imaan kara waxaa ka mid noqon kara: Maxaa sababay sicir-bararka? Yay ahayd in ay ka hor tagaan? Maxay noqonaysaa ciqaabta ay mudan karaan cidda howshooda gabtay? Arrimaha iminka socda ma is-bedel dhaqaale oo dabiici ah oo meertaysanaya miyaa mise waxbaa khaldan?
Nasiib wanaag, 15-kii bishaan April, ayaa waxaa shir jaraa’id Muqdishu ku qabtay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali, isaga oo kulan-saxaafadeedkaas ugu uga hadlayey dhibaatada dhaqaale ee Soomaaliya ka taagan.Mudane Bashiir waxa uu tibaaxay, in dhibka hadda taagan uu ka imaanayo ama salka uu ku hayo laba mushkilo oo kala ah: lacagta been-abuurka ah oo dalka lagu har-qiyey iyo lacagtii hore oo duugoowdey ayna diideen in badan oo ganacsatada ka mid ah.
Si loo joojiyo dhibka arrimahaas ay keeneen oo ah in shillin Soomaaligii uu hoos-u-dhac aad u weyn uu ku yimid isaga oo ka soo degey 15 kun oo shilin halkii dollar haddana maraya 31,000 halkii dollar, Gudoomiyaha Bangigu waxa uu sheegay in DFKM ah ay ku talo jirto in ay soo daabacdo lacag cusub.
Dhibaatada ka dhalatay lacagta been-abuurka ah oo la soo daabacayo waa mid ka horreysey DFKM ah. Niman ganacsato ah oo iimaan la’ iyo dad masuuliyiin sheeganaya oo kal duwan ayaa lacago been ah daabacanayey ilaa sanadkii 1991-dii. Waxaa intaa weheliya dhibaato dhaqaale oo ballaaran oo ka dhalatay dhagaalka sokeeye ee dabada dheeraaday iyo khasaarooyinka ka dhashay oo ay ugu horrayso burburka hay’adihii dowladda ayaa iyaguna kaalin weyn ka qaatay dhibaatooyinka sicir-bararka iyo lacagta ee Soomaaliya waqtigan ka jira.
Haddaba, haddii la tix-geliyo xaqiiqooyinkaas guud iyo weliba in Guddoomiyaha Bangiga Dhexe uu yahay nin lagu yaqaan hufnaan shaqo iyo daacadnimo, waxaan shaki lahayn in la soo dhaweyn karo loona arki karo aragtida Guddoomiyaha Baniga mid looga bixi karo dhibka dalka ka jira. Muxuu kaloo ku talin lahaa Guddoomiyaha Bangigu oo aan ahayn in dalka loo helo lacag cusub oo aan si been-abuur ah loo daabici karin?
Laakiin, soo jeedinta Mudane Bashiir Ciise waxaa ka dhigaya qorshe aan waqtigaan ku haboonayn in la hir-geliyo, waa xaqiiqada ah in Soomaaliya aanay hadda ka jirin hay’ado dowladeed oo hufan oo si rasmi ah u shaqaynaya. Dhab ahaantii, Bangiga Dhexe ayaanba xiligaan awood u lahayn in uu sameeyo cilmi baaris hor-dhac ah oo ku saabsan sida ugu habboon oo loo abbaari karo lacag cusub oo dalka loo sameeyo iskaba daa in uu Bangigu iminka dalka u daabaco lacag cusub isla markaana uu dalka oo idil ka hir-geliyo.
Si aan u muujinno sida aanu Bangiga Dhexe diyaarka ugu ayayn in uu hirgeliyo lacag qaran, dhacdada soo socota aannu soo qaadanno. Waxaa la weriyey waqti aan sidaas u sii fogeyn, xilli Gudoomiyaha Bangiga Dhexe uu dalka safar dibadda ah uga maqnaa, in sarkaal ka tirsan shaqaalaha Bangiga uu khasnadda Bangiga kala baxay boqol kun oo dollar isla markaana uu dhigtay mid ka mid xawilaadaha ka furan Magaalada Baydhabo. Lacagta Bangiga miisaaniyad ahaan loogu qoondeeyey oo idilna waxa ay ahayd oo kaliya saddex boqol oo kun oo dollar. Waxaa la warriyey oo kale, in markii uu Goddoomiyuhu dalka ku soo laabtay in uu ku guul-darraystay in ninkaas lacagta qatay sharciga lala tiigsado hantidaas qaranna laga soo dhigo, sababtuna ay ahayd in dad ninkaas taageera ay ku doodeen, “Maxaa kaligiis loo cayrsanayaa, madax badan oo DFKM ah ayaa malaayiin dollar qaatay, kuligood ama halla maxkamadeeyo, ama yaan ninkaan qabiilkayaga ah goono loo raadsan.”
Waxaa kaloo la og yahay in DFKM ahysan masuuliyiinteeda ka bixin karin kharaska safarada dibadda iyada oo ay arrintaas in badan daboolayeen hay’adda UNDP-da iyo deeq bixiyayaal kale, qaabkaas ay madaxdu wax u helaanna ay in badan waji-gabax ku tahay iyo wax aan u cuntamin masuul in la karaameeyo mudan naftiisana wax ku falaya. Ra’iisul Wasaaraha DFKM ah ayaa isaguna qirtay, waqti aan sidaas u sii fogeyn, in askarta / maleeshiyaadka DFKM ah ay dadka Muqdishu u geystaan boob, dowladda oo aan mushaar siin karin aawadeed. Sidaad darted, iyada oo la og yahay soo samaynta lacag cusub in ay u baahan toban ilaa labaatan milyan oo doolar, fikradda ah DFKM ah ayaa lacag soo daabacaysa, waxa ay u eg tahay rajo uu muujinayo Guddoomiyaha umana eka qorshe-hawleed soo dhawaadey.
Weliba, u soo daabicidda lacag cusub meel aanay ka jirin hay’ado awood , tayo- aqoomeed iyo kormeer maamul leh, iyo weli meel masuuliyad dad laga filayey ay lacagta qaranka qaadanayaan iyaga oo aan cabsi ka qabin la helo la xisaabtan iyo sharci qabta, sida kaba dhacday Bangiga, waxay sahlaysaa si aan horay loo maqal in loo dhoco hantidaas Qaran. Arrintaas ah dowlad liic-liicaysa in lacag loo soo daabaco, waa masuuliyad darro aan hubno in Mudane Bashiir Ciise aanu aqbali karrin, haddii uu albaabkaas furana ay caddahay in aanu xakamayn karin.
Haddii dhibaatooyinka lacageed oo Soomaaliya dhibka ku haya ay ahaan lahaayeen kuwo ka dhashay burcad-nimo ajnabi uu dowladda / dalka ka dul curiyey, markaas waxay ahaan lahayd in lala duubto caadifadna loo qaado DFKM ah, maxaa yeelay waa dowlad cusub ama ku- meel-gaar ah, dhibaatooyin dhaqaale oo badan dagaalka sokeeye ka dhaxashay, dhib kale oo lcageedna dusha looga keenay. Waxaase yaab ah, mudanna in si gabasho la’aan ah la isku weydiiyo, cidda ka danbaysa lacagaha been abuurka ah oo dalka harqiyey dhaqaalahana la degey iyo weliba kaalinta DFKM ah iyo maamulada kale ay ku leeyihiin falkaan gurracan oo ah daabicadda lacag been abuur ah.
Bangiga Dhexe oo kaliya ayaa sharcigu u oggol yahay in uu daabaco lacagta Qaranka. Taasina waxa ay u baahan tahay la-tashi iyo wada-shaqayn in lagala yeesho hay’adaha caalamiga ah oo arrintaan shaqada ku leh – sida Hay’adda Lacagta Adduunka ee loo yaqaan IMF iyo Bangiga Adduunka. Waxaase cad, sida ay muujinayaa lifaaqyada hoose, dad, shaqsiyaasad, kooxo aan ahayn Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in ay si sir ah iyo si cad-ba ay u daabacanayaan lacagtii Soomaaliya.
Arrimaha muujinaya in lacag la soo daabacday, waxaa ka mid ah maxkamad ka dhacday Dubai bishii November ee sanadka 2006, halkaas oo nin Soomaali ah lagu qabtay boqol iyo konton bilyan oo shillin Soomaali ah – taas oo dowladda Imaaraadka ku tilmaantay lacag been abuur ah. http://archive.gulfnews.com/articles/06/11/07/10080404.html Warqadda ku sawiran lifaaqa soo socda ayaa iyaduna daboolka ka qaadaysa lug ku lahaanshaha madaxda ugu sarraysa ee DFKM ah daabacaadda lacag shillin Soomaali ah iyo weliba cidda ay u wakiisheen fulinta hawshaas. http://www.hiiraan.com/news/2006/may/somali_news4_7.aspx
Asal ahaan niman ganacsato ah oo Muqdishu ku nool iyo siyaasiyiin iyo dagaal-oogayaal reer Muqdisho ah ayaa bilaabay daabacaadda lacagta been abuurka ah. Waxay ku guuleysteen in ay xaalufiyaan dadkii reer Muqdishaad. Xilligaan waxa ay u eg tahay dad ka tirsan DFKM ah iyo kuwo kale oo Boosaaso ay xarun u tahay, in ay noqdeen dadka ka danbeeya daabacaadda lacagta been abuurka ee Soomaaliya. Lifaaqa xiga waxaa ka muuqda masawirka makiinad lacagta been abuurka ah Boosaaso ku daabaca. Booliska Puntland ayaa soo bandhigay kaddib markii ay weerar ku qaadeen goobta lacagta abuurka ah lagu samayn jirey.
http://www.ceegaag.com/Qoraalada/2007/July%202007/wasiirka_maaliyada_ee_dgpl_gagaa.htm.
Waxaa iyaduna wax lala yaabo ah Madaxweynaha Puntland waraysi ay BBC-du la yeelatahay in uu si cad ugu qirtay in dowlad goboleedkiisu ay haysato makiinad lacagta shillin Soomaaliga ah u daabaca. Lifaaqa hoosana waxa uu muujinayaa khilaaf ganacsato iyo maamulka Puntland ku dhex-maray lacag halkaas lagu daabacayey.
http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=2025.
Lifaaqan kale isna waxa uu tilmaamayaa sida ay Puntland u noqotay wadada la marsiiyo lacagaha sida qarsoodiga ah ay DFKM ahi dibadda ugu soo samaysatay.
http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2006/05/060503_bossaso.shtml
Haddii xaaladdu ay caadi ahaan lahayd, markii ay caddaato cid aan ahayn Bangiga Dhexein ay samaynayaan lacagtii Qaranka Soomaaliyeed, waxa la fili lahaa in la hal-haleel loo war-geliyo, Guddoonka Maxkamadda Sarre iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka. Nasiib darro, waxaa xaqiiqo ah in Guddoomiyihii Maxkamadda Sare iyo Xeer ilaaliyihii Qaranka ee DFKM ahi ay labaduba xabsi ku jireen ilaa laga soo bilaabo bishii September eek al hore ilaa asbuucii la soo dhaafay, iyaga oo qaar ka mid ah madaxda DFKM ay ku eedeeyeen masuuliyiintaas xatooyo xoolo dad-weyne; dhanka qaar ka mid ah madaxda DFKM ahna ay u arkaan labadaas masuul dhibbanayaal si gardarro cad iyo mu’aamaro ahna loo xiray.
Samaynta lacagta shillinka Soomaaliga ma aha hawl fudud oo qof kastaa uu samayn karo. Lacag in la been abuuraa waxay u baahan tahay lacag kale oo badan, aqoon iyo xiriir iyo meel ku tiirsanaan siyaasadeed. Dadkii lacagta iyo awoodda haystay iyo kuwii meelo kale ku xirnaa ayaa ah kuwa sida xoogga ah ugu jira samaynta ama ka ganacsiga lacag been abuur ah, marka dhanka kale laga eegana barqo cad ayaa la moora-duugey dan-yartii Soomaaliya iyo gaar ahaan dadka reer puntland oo naf, maal iyo awood badanba u huray in ay gacan siiyaan madaxda iyo dowladda FKMG ah kuwa dowlad goboleedka Puntland.
Maxamed Dalmar oo haray madax uga ahaa jiray Bangiga Dhexe ee Soomaaliya dowladdii Maxamed Siyad Barre ayaa sido uu Buug uu qoray "Monetary and Exchange Rate Policies 1960-2001" ku sheegay in sida kaliya ee lagu hakin karo dhibaatooinka sicir-bararka in la qaado talaabooyinka soo socda:
· In Soomaaliya loo sameeyo dib u heshiisiin Qaran oo dhab ah;
· In la helo dowlad Qaran oo masuuliyad qaadi karta dalka oo dhan gaarta;
· Inta labada qodob oo hore laga gaarayo, in la sii isticmaalo lacagta dollarka Marayknka ah- la iskana daayo lacagtaan been abuurk ah,
· In daabacaadda iyo samaynta lacag cusub ay gacan ka geystaan ayna dabbaanad siiyaan hay’adaha caalamiga ah sida Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka
Haddii awoodaha Soomaaliya ka jira ay indhaha ka laabtaan xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jirta ayna u hawl-geli waaayaan arrimaha aan kor ku xusnay ee lagu gaari karo nabad, qaranimo, iyo dhaqaale deggan iyo sicir barar la’aan, markaas waxaa lagama maar maan noqonaysa in bulshada caalamku ay arrimaha Soomaaliya soo fara-galiyaan – maxaaa yeelay mabda’a caalamiga ee loo yaqaan Waajibaadka Ilaalinta ama u-gar-gaarka waa mabda’a Soomaaliya ay si aad u sarraysa ugu baahan tahay – bulshada caalamkana uu waajib weyn ka saarran yahay fulintiisa.
Wixii tusaale ah ee aragtidaan la xiriira, fadlan e-mail noogu soo dir: [email protected]