
Hiiraan Online
Tuesday, July 07, 2009
![]() Madaxweynaha Cusub ee Ururka ARDAA |
Kulankan oo maalintii Sabtida ee bishan Luuliyo 4teedii 8:30 AM furmay ayaa xirtaankiisii gaaray 12:00 AM (Habeenimo). Waxaan halkaas lagu soo bandhigay kulmo goonigooni oo lagaga hadlayey arrimo ay ka mid yihiin: Horumarinta caafimaadka, hay'adaha samafalka, dhismaha waddooyinka iyo dekedaha, horumarinta waxbarashada iyo maktabadaha, horumarinta dhaqaalaha, horumarinta dumarka iyo qoyska.
Furintaankii Shirka:
Waxaa shirka furay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodi oo halkaas ka soo jeedey hadal kooban iyo duco. Intaa ka dib, ayaa koox ka kooban odayaal iyo waxgarad waxay ka doodeen sida ay muhimad u leedahay in qurbajoogta reer Awdal ay mar waliba u xasuusnaadaan in aysan lumin xiriirka gobolka Awdal. Waxaa kulankaas dhexdexaadinayey (Moderators) Maxamed Daahir Adam iyo Mohamed Abdillahi (Shiine).

Maxamed Alabari oo ahaa madaxweynihii hore ee ururka ARDAA ayaa halkaas ka soo jeediyey qudbad aad u qiima badan kuna saabsan xal u helidda dhibaatooyin maanta ka jira gobolada Awdal.
Taariikhdii ururka ARDAA
Ibraahim Axmed Cabsiye, Khadra Muxumad Barkhadle iyo Idiris Cabdullahi Faarax ayaa si wadajir ah uga warbixiyey taariikhdii ururka ARDA iyo sababihii keenay dhismaha ururka.
Waxaa ka dib bilaawday kulamadii ku saabsanaa horumarinta Gobolka Awdal oo ay soo bandhigeen qubaro aqoon gaar ah u leh mashaariicada kala duwan ee la damacsan yahay in laga hirgalyo gobolka Awdal. Kulamadaas ayaa waxay u dhiceen nidaamka loo yaqano “Panel Discusion”
Horumarinta Caafimaadka
Dr. Nimco Sheekh Abubakar, Dr, Fowzia Abraar iyo Dr. Cabdishakur Jowhar
Hay’addaha Samafalka:
Amoud Foundation: Cabdi Daahir Aye, Awdal Charity: Saacid Xasan, Gurmad: Muhyadin Warsame iyo Iqr'a: Ibraahim Weqiye ayaa dhammaantooda waxay ka wada warbixiyey hawlaha gargaarka oo ay ka wadaan gobolka Awdal.
Dhismaha Wadooyinka iyo Dekadaha
Maxamed Daahir Adan, Dr. Cabdikariim Xasan Mataan iyo Fawzi I. Rijal
Waxbarashada, Shaqaaleynta iyo Maktabadaha
Saad I. Samatar, Ibraahim M. Aye iyo Axmed M. Geedi
Hogaanka iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Prof. Xuseen Axmed Warsame
Arima Haweenka iyo Qoyska
Cibaada Geele, Shamis Xudhun iyo Roda Mizan
Sheekh Maxamed Xuseen Haddi iyo Sheekh M. H. Fariid ayaa halkaas ka soo jeediyry barnaamij gaar ah oo ku saabsan bal sida ya suuragal u tahay waxyaabihii halkaas lagu soo bandhigay. Waxayna warbixintoodii ku soo koobaan in wax qabad lagu darro warbixinadaas wanaagsan ee meesha laga soo jeediyey.
Sheekh Haddi iyo Sheekh Fariid ayaa waxay ka dib bilaabeen dhaqaale loo aruurinayo ururka ADRAA. Dadkii halkaas isugu yimid ayaa waxay halkaas ka aruuriyeen dhaqaale gaarayo $70,000 (Todobaatan Kun).

Habeenimadii ayaa waxaa shirkii lagu soo gabagabeeyey taariikhadii abwaanka caanka ahaa allaha u naxareestee Xasan Sheekh Muumin. Waxaanan si qota dheer uga hadlay Maryan Cali Cumar iyo Prof. Axmed I. Samatar oo ah bare wax dhiga Jaamacadda Macalester College. Prof. Samatar oo hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ku xeel dheer ayaa halkaas hees xiis leh ka qaaday oo ay dadweynihii halkaas isugu yimid wada jecleysteen.
Cayaartii Sayliciga oo ay hidda iyo dhaqan u leeyihiin dadweynaha reer Awdal ayaa lagu soo gabagabeeyey shirkii ayada oo lagu ballamay in shirka xiga lagu qabandoono magaalada Dallas ee cariga Mareykanka.
Fadlan HAKAAN ka qariso war murtiyeed uu uruku soo saaray

