Kooxda kubadda cagta ee magaalada Ottawa ayaa ku guuleystay koobkii loogu magac daray 27 Juun oo ku beegan maalinta xornimada dalka Djibouti.

Koobkan ayaa waxaa isku soo abaabulay Cusmaan Gocoto oo madax ka ah hoyga Carte Music ee magaalda Ottawa waxaan kala qayb galay ururada ay ka mid yihiin REPFO, Amin Arts, Hiiraan Online, Amal Express iyo ganacsato kale ee ka howlgala magaaladan Ottawa ee dalka Canada. Waxaa halkaas warbixin kooban ka aqriyey Cabdulqaadir Qaadiro oo u mahadceliyey dadweynihii ka soo qaybgalay.

Halkaan Hoose ka daawo xafladii koobka loogu magac daray maalinta xornimada dalka Jabuuti
