10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Socodaalka Nabad ee Gobolka Hiiraan

Adkeynta Asaaska Nabadda

 

Sawirka Weyneyso

Inkstoo ayan jirin deganaansho rashmi ah, hadana degaanka Golobka Hirran waxaa uu ka mid yahay deegaanada Soomaaliya ee ay ka jirto Nabad-xadidan. Odoyaal dhaqameedka iyo urururada Bulshada rayidka ah waxaa ay ku guulaysteen in ay nabadaas ilaaliyaan. Colaado fara badan oo ka dhacay deegaanka waxaa lagu guuleysaty in la xaliyo. Xarunta Cilmi Baarista iyo  Watashiga Soomaaliyeed –  (CRD), iyada oo kaalmaysanaysa oday-dhaqameedka deegaanada golku ka kooban yahay, wxaa ay ku guuleeysatay in ay gacan ka gaysato xalinta colaado horay uga dhex dhacay dadka ku dahqan deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaaso o ay ka mid yihiin, soo afjarida colaadii Maxaas, Wadahaalkii Beeelaha Gaaljacel ee isku hastay deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan iyo fududeeynta wadahadalka qabaa’ilka Soomaaliyeed ee isku hastay deegaanada ku dhaw-dhaw Xuduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Odoyaasha dhaqanka iyaga oo ka fakaraya in Colaado hor leh yimaadaan amaba nabadii horay loo gaaray ay faraha ka baxdo, ayaa waxaa y goosten in ay socod dheer ay ku maraan guud ahaan deeganada Gobolka Hiiraan.  Iyaga oo ku adkeeynaya dadka deegaanka in ay nabada sii ilaaliyaan.  Socdaalkaan oo ah midkii ugu horeeyey oo noocaan ah oo la sameeyo, ayaa waxaa qaban qaban-qaabadiisa iyo socodkiisaba wada Xarunta Cilmi baarisat iyo Wadatashiga  Soomaaliyeed (CRD), iyo InterPeace.  Xarunta oo mudo badan nabadeeyn ka waday dalka gudihiisa, waxaa ay muhiimad dheeraad ah siinaysaa qab-soomida socdaalka nabadeed.

 

Safarkan waxaa uu tagi doonaa deegano aad u fara badan inkastoo odayaasha ka qayb-galaya ee ay tagi doonaa meelo badan, hadana waxaa ay si dheeraad ah waqti u galindoonaan deeganada  colaadaha looga baqayo si looga hortago colaadahaas. Socdaalka Nabadeed waxaa uu bilaawday Maanta oo ay Bishu tahay May 25th 2007, Hiiraan Online waxa ay si toos ah idinkuugu soo gudbin doonta maqal iyo muuqaal la xiriria socdaalka nabadda.



 





Click here