7/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Sannad Guuradii tobanaad (10) ee Hiiraan Online
fiogf49gjkf0d


Aragtida Hiiraan Online
Wednesday, July 01, 2009


Sawirka Weyneyso

Hiiraan Online ayaa manta 10 jirsatay taas oo macneheedu yahay  in muddu 10 sanno ah aynu ummadda Soomaaliyeed u soo tabain jirnay warar maalinle ah iyo  fikrado kala duwan. Hiiraan Online waxaa la aasaasay 1dii bisha July sannadkii 1999 ayada oo aysan jirin aqoonsi badan ama dhaqaale, laakin qaba rajo qota dheer. Muddo gaaban, shaqaalaha Hiiraan Online waxay ka dhigeen shabakadda ugu caansan oo ay Soomaalida meel kasta oo ay joogaan kala socdaan wararka. Dhabcan horumarka Hiiraan Online waxaa qaybta ugu weyn iska leh dadweynaha sida tooska ah ugu xiran oo la’aantooda aysan Hiiraan Online jiri lahayn.

Suxifinimada waa taariikh tixane ah taas ayaana Hiiraan Online ka dhigtay in ay la jaan qaado taariikhda Soomaaliya laga bilaabo sannadka 1999. Hiiraan Online waxay si weyn wax uga qortay dowladdii lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jabuuti halkaas oo lagu doortay Madaxweyne Cabdulqaasim Salaad Xasan iyo xoogagii dagaal oogayaasha oo si weyn u jah wareeriyey Madaxeyne Cabdulqaasim Salaad . Waxay sidoo kale Hiiraan Online ay si joogta ah uga soo warbixin jirtay dowladdii lagu soo dhisay dalka Kenya sannadkii 2004  looguna doortay Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo sida ay kooxdii loogu magac daray la dagaalanka argagixisada u maja xaabiyeen dawladii Cabdullahi Yusuf sannadkii 2005. Dagaalki kululaa ee dhexeeyey dagaalogayaashii iyo Midowgii Maxkamada Islaamka sannadkii 2006. Dagaalkii Dowladda KMG iyo Midowgii Maxkamadaha Islmaaka, soo galintaankii ciidanka Itoobiya ee dalka Soomaaliya bilowgii sannadkii 2007. Dagaaladii isdaba jooga ahaa ee u dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo kooxihii ka soo horjeeday oo soo jiitamay ilaa sannadihii 2007 iyo 2008 kaas oo sababay qaxooti iyo barakac aan taariikhda Soomaaliya horay u  soo marin. Casilaadii Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo doorashadii Madaxeyne Shiikh Shariif  Shariif  Ahmed bilowgii sannadkan 2009.

Sidoo kale ayeey Hiiraan Online waxay si joogta ah wararka uga soo tabisaa deegaanada xasiloon ee Somaliland iyo Puntland gaar ahaan demoqaraadiyadda ka soo unkatay Dowladda la magac baxday Somaliland taas oo siisay fursad shacabka reer Somaliland in soo doortaan xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynahoodaba.

Hiiraan Online waxay si joogta ha uga soo warantaa dhacdooyin Soomaalida ku nool qorbaha waxayna u sameysay goob ay ku doodaan iskuna dhaafsadaan fikradohooda kala duwan. 

Hiiraan Online ayaa sidoo kale warbixin faafaahsan mar waliba ka bixisa dhibaatooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, duufaanada, barakaca iyo xadgudubka loo geeysto dadweynaha. Waxaa xusid mudan si ballaarneyd ee ay Hiiraan Online uga warbixisay musiibadii Tsunami ee sannadkii 2006.  Annaga oo tixgalineyna muhimadda  ay kulamada u leedahay shacabka Soomaaliyeed, Hiiraan Online waxay u sameysay goob ay dadweynaha ku soo bandhigaan kulamadooda sida Bannaanbaxyada, Bandhig fanneedyada, Kulamada siyaasadda, bandhiga buugaagta, aroosyada iyo tacsiyadaha.

Hiiraan Online ayada oo ka sii duuleysa guusha ay gaartay ayeey waxay mahadnaq u soo jeedineysaa dhammaan dadweynaha sida tooska ah ugu xiran.  Waxaanan aaminsanahay in horumarka Hiiraan Online uu ku xiranyahay sida ay daacad ugu yihiin akhristayaasha waanan idiinka mahadcelineynaa. Waxaan sidoo kale halkaan uga mahadnaqeynaa dhammaan dadweynaha sida joogtada ugu soo gudbiya fikradaha kala duwan oo si weyn looga doodo oo marar badan keena dood caafimaad qabta.

Hambayo Maalinta Xornimada Soomaaliya - Hambalyo Maalinta Xornimada Canada (haddii aad ku nooshahay Canada)