10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Ottawa iyo Habeenkii Abwaan Hadraawi
fiogf49gjkf0d

Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi)

Xuseen Cali  - Xiriiriyihii Kulanka Suugaanta ee Ottawa

Ottawa, Canada
Arboco, November 05, 2008

Abwaan Maxmed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo magac weyn ku leh Suugaanta Soomaaliyeed  ay bishan November 1deedii ee 2008  kulan isugu jiro waano iyo Suugaan ku qabtay magaalada Ottawa, magaala-madaxda dalka Kanda.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Ottawa Somaliland Community Services (OSCS), waxaa ka soo qayb galay dhammaan dadka Af Soomaaliga ku hadla ee deggan magaalada Ottawa iyo hareereheeda.

Kulanka oo aan loo kala hadhin yar iyo weyn , waxa ka soo qayb galay, kana hadlay ,  ururro badan oo ka jira magaalada Ottawa oo ay ka mid yihiin ururka OSCS, ururka ardayda Soomaaliyeed ee labada Jaamacadood ee Ottawa University iyo Carleton University iyo  ururka u dooda soo daynta Bashiir Makhtal oo ku xidhan dalka Itoobiya .

Halkaan ka dhageyso warbixintii iyo Suugaantii uu halkaas ka jeediyey Abwaan Hadraawi (Qayta 1aad) 

Halkaan ka dhageyso warbixintii iyo Suugaantii uu halkaas ka jeediyey Abwaan Hadraawi (Qayta 2aad) 

Kulanka oo ka dhacay Marion Hall oo ku yaallaa Jaamacadda Ottawa, waxa uu habeenkaa la ciirciirayey dad aad u tiro badan oo buuxiyey madashii . Waxa isugu yimid dhallinyaro iyo waayeel , weriyaasha idaacadaha sii daaya barnaamijyada Af-Somaaliga ee ka jira magaalada Ottawa iyo wakiiladda mareegaha Af -Soomaaliga (Websites).

Kulanka oo loo wada dhammaa, waxaa haddallo qiimo leh ka soo jeediyey, Culimaa u diin, Barayaal Sare (Professors) oo wax ka dhiga Jaamacadaha Ottawa, Khubaro suugaaned, Aqoonyahanno iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha magaalada Ottawa .

Kulanka suugaaneed ee uu xiriiriye ka ahaa Xuseen Cali ayaa dadkii halkaas ka hadlay  waxaa ka mid ahaa: Maxamed Shiikh Dalmar, Abshir Nur, Cali Sh. Maxamed Siraad, Cumar Ugaas, Sacdiya Nuux, Dr. Xirsi Ciyow, Dr. Maxmed Nuux Cali, Fowsiya Cabdulqaadir, Dr. Maxamuud Taani, Muna Cali iyo Ayaan Cabdullahi.

Abwaan Hadraawi waxa uu soo bandhigay maansooyin ka mid ah suugaantiisii, waxana uu ka hadlay kaalinta Qurbajooggu  qaadan karaan . Waxa kale oo uu abwaanku ku boorriyey dadkii kulanka ka soo qaybgalay  inay  marwalba taageeraan dadka Soomaalida ah ee la haybsooco.

Waxa kulankii ku soo gabagaboobey si farxad iyo habsami leh iyada oo uu qof waliba isku deyey inuu isla sawiro abwaanka

Intii uusan Abwaan Hadraawi ka amba bixin magaalada Ottawa ayaa casho soo dhaweyn ah loogu qabtay guriga Maxamed Cilmi (Dulcad) iyo Kheyrto. Cashadaas oo ay ka soo qaybgaleen odayayaasha magaalada Ottawa ayuu Abwaanka uga waramay qaybo ka mid ah waxyaabihii uu kala kulmay intii uu ku dhex jiray Suugaanta Soomaaliyeed gaar ahaan sannadihii todobaatameeyadii (1970s) bilowgii kacaankii Maxamed Siyaad Bare. "Murtideyda ayaa siyaabo kala duwan loo fasirtay qaarkoodna wax laga beddelay si ay markaas ugu muuqatay wax ka soo horjeeda dowladdii Maxamed Siyaad"  ayuu yiri abwaan Hadraawi, mar uu ka hadlayey sababihii dhaliyey in uu shan (5) sanno masaafuris u joogo magaalada Qansax Dheere ee Gobolka Bay.

Dadweynaha reer Ottawa oo codsaday awgeed ayuu Abwaan Hadraawi mar kale kulan Suugaaneed ku qabandoonaa magaalada Ottawa bishan November 21keeda.