fiogf49gjkf0d
Isniin, Octoobar 27, 2008
Toronto, Canada (HOL) - Xaflad loogu magac daray "Socdaalkii Nabadda iyo Suugaanta Hadrawi ee Toronto" ayaa maalintii sabtida (25ka bishan Octoobar) ka dhacahay magaalada Toronto ee dalka Kanada.
Xafladan oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ayaa waxay kulmisay dad ka badan kun (1000) qof oo ka kala socda dhammaan bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Toronto. Waana markii ugu horeeysay ee Soomaali isaga soo horjeeda siyaasadda Soomaaliya ay meel ku wada kulmaan, ayaga oo ka mideysan soo dhaweynta Abwaanka magac dheer ku leh ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa abwaan Hadraawi halkaas ku soo dhaweeyey fannaaniin iyo abwaano ku nool magaalada Toronto oo ay ka mid ahaa yeen: Nakruuma, Daleys, Khaliiji, Keyd, Lagjar iyo Gaaxnuug
Cabdi Hosh Jabril oo ka mid ahaa guddigii qabanqaabada soo dhaweynta Abwaan Hadraawi ayaa halkaas ka soo jeediyey warbixin kooban oo ku saabsan abwaan Hadraaw. Waxaa sidoo kale baraanbur lagu ammaanyo Abwaan Xadraawi halkaas ka soo jeediyey Batuula Axmed Gabale iyo Zeynab Faarax Siindiko.
|
Caasha Abuukar Boocow- Waa ardayad wax ka barata Jaamacadda York |
Waxaan runtii xusid mudan dhallinyaro ay ka mid ahaa yeen Cabdi fataax, Burhaan Said iyo Caasha Abuukar Boocow oo halkaas ka soo jeediyeen ereyo ay ku soo dhaweeynayaan abwaanka. Waxaa si gaar ah dadkii halkaas isugu yimid uga maqsuudeen Caasha Abuukar oo in kasta oo ayada oo afar jir ah ay soo gashay dalkan Canada, haddane sida wanaagsaneyd ee ay af-Soomaaliga ugu hadleysay aad loola yaabay.
Ka dib, Abwaan Hadraawi ayaa ugu horeyntii u mahadceliyey dhammaan dadkii ka soo qaybgalay xafladaas; wuxuuna halkaas ka soo jeediyey warbixin dheer oo ku saleysneyd seddex qaybood oo kala ah: dhibaatada dadka la haybsooco, Socdaalkiisii nabadda ee Soomaaliya iyo Nolosha Soomaalida ku nool qurbaha
Abwaan Hadraawi ayaa khubadiisii ku bilaabay dhibaatada haysta dadka la haybsooco ee ku nool dalka Soomaaliya. Wuxuuna ka hadlay taariikhda keentay in dadkaas la faquuqu, isaga oo ku tilmaamay in ay tahay wax aan caqliga galikarin qof kula mid ah oo wax waliba kula wadaaga in lagu takooro waxyaabo aan caqliga maanta aan wax macna ah sameyn Karin. Wuxuu dadkii halkaas isugu yimid ku dhiirigaliyey in ay gabi ahaanba caqligooda ka tirtiraan fikirka ay ka qabaan dadka la haybsooco. "Haddii aan nahay dad muslim ah oo diinta Islaamka aaminsan waa in aynu soo dhaweynaa dadkan nala dhashay" ayuu yiri abwaan Hadraawi. Intaa ka dib, ayuu Abwaanka wuxuu Soomaalidii halkaas ku kulantay ka codsaday in ay kaalmo dhaqaale u aruuriyaan Dugsi Hoose oo ku yaala magaalada Hargeysa oo ay dhigtaan arday ka soo jeeda dadkaas la haybsooco.
“WAAN IS WAAYEY” Abwaan Hadraawi
Socdaalka Nabadda ee abwaan Hadraawi ayaa ku bilaawday sida uu sheegay, dhacdo uu kala kulmay mar uu dalka Ingriiska ku noolaa. Abwaanka ayaa sheegay in uu maalin u qasday in uu aado meel ka mid ah magaalada London. Markii uu waddo isa soo taagay, ayuu abwaanku milicsaday dadka iyo baabuurta badan ee wadadaas maryey kuwaas uu ka waayey mid u garanya in uu yahay Abwaan Hadraawi. Abwaanka ayaa go’aan ku gaaray inuu isaga tago dalka Ingriiska uu waagaas joogay. Markii uu abwaanka ka degey garoonka Hargeysa ayaa la weydiiyey sababta uu dalka dib ugu soo laabtay. Markaa ayuu ku jawaabay “WAAN IS WAAYEY”
Abwaanka ayaa ka dib, wuxuu dadweynihii halkaas isugu yimid uga warbixiyey Sacdaalkiisii Nabadda ee sannadkii 2003 ee uu ku kala bixiyey qaybo ka tirsan dalka Soomaaliya. Socdaalkaas oo ka soo bilawday magaalada Kismaayo kuna soo gunaanaday magaalada Burco ee uu safarkiisa ka bilaawday. Intii uu socdaalka Nabadda ku jiray, ayuu Abwaan Hadraawi la kulmay soo dhaweyn meel kast ee uu tago. Wuxuuna aad ula yaabay Magaalada Muqdishu oo markii uu soo marayey ay ka dhisneyd todobo (7) dowladood oo aan midna midka kale u gudbi karin.
|
Avv Abdi Hosh |
Abwaan Hadraawi oo ka hadlayo dhibaatada ka taagan koofurta Soomaaliya, ayaa ka cosaday bulshda caalamka iyo indheergaradka Somaaliyeedba in ay ka shaqeeyaan sidii loo damin lahaa dabka ka ka holcaaya Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayey labada Shacab ee kala tagay, ayuu Abwaan Hadraawi yiri “Labada Shacab waxay isu soo noqondoonaan markii mid waliba ogaado waxa ka maqan”.
Ugu dambeyntii wuxuu Abwaan Hadraawi khudbadiisii ku soo gabagabeeyey dhibaatada Soomaalida maanta ka haysata qurbaha. Waxaa la iishegey buu yiri abwaanku in carruur badan oo Soomaaliyeed ay ku jiraan xabsiyada dalkan Canada. Abwaanka ayaa dadkii weydiiyey “ Aaway dadkii dhalay caruurtaas”. Wuxuuna hoosta ka hariiqay in waalidka uu xil weyni ka saaranyahay abaabinta caruurtooda. “Caqli gal ma aha in intaas oo caruur ah oo Soomaali ah wada xumaato” ayuu yiri abwaan Hadraawi. Wuxuuna dhibaataas dusha ka saaray abaayaasha Soomaaliyeed oo ka soo bixiwaayey kaalintii looga baahnaa xannaanada xaruurtooda.
Abwaan Hadraawi ayaa sidoo kale kulan Suugaaneyd ku qabandoono magaalada Ottawa ee dalka Canada bisha November 1deeda. Wuxuuna kulankaas ka dhicidoonaa Jaamacadda Ottawa (University of Ottawa).