Taariikh nololeedka:
Nimaadan aqoonin taariikhdiisa way adagtahay inaad ogaato tayadiisa hogaan. Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac wuxuu ku dhashay magaalada Ceerigaabo 1951, halkaasoo uu kaga baxay waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee Dayaxa. Wuxuu wax kasoo dhigay jaamacada Lafoole qeybta NTEC (National Teachers’ Education Center).
1970: Wuxuu ku biirey ciidan xooga dalka Soomaaliyeed. Halkaasoo loo direy dalka Ruushka;
1973: Wuxuu qaatey Shahaadada loo yaqaan (Millitary Science Degree) ee uu ka qaatey Jaamacad ku taala Odessa, Ukraine;
1977: Wuxuu dagaal galiye sare ka ahaa ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed. Halkaasoo lagu gudoonsiiyey bilado badan oo geesinimo ah;
1980-83: Wuxuu aaday jaamacada (Staff College) ee magaalada Qaahira, halkaasoo uu kusoo qaatey Digriiga Masterka ee Millitary Science;
1984-87: Wuxuu ka dhigayay jaamacada Gahayr qeybta militariga;
1988-89: Waxaa generaalka loo direy dalka Mareykanka halkaasoo uu kusoo qaatey Shahaadada looyaqaan (Strategy & Dicision Making);
Gen. Cabdulaahi wuxuu soo noqday ilaa iyo heer taliye gaas oo ah qeybta ugu sareysa ee militariga;
1991: Colaadii sokeeye Jananku kama uusan qeyb qaadan, dalka Soomaaliya isagoo lagu tilmaami karo inuu ka midyahay Jeneraalada dhifka ah ee Soomaaliyeed kuwa diiday dhiiga sokeeye;
2000-2004: Wuxuu ka baxay jaamacada Bryan & Stratton College ee magaalada New York halkaasoo uu ka qaadey digriiga xisaabaadka iyo dhaqaalaha (Accounting);
Run ahaantii intaasi waa inta aan is oran karo haka tegin, waxaa jira bilado iyo shahaadooyin intaa ka fara badan iyo aqoonta sida hubka kala gadisan iyo hogaanka oo aan soo koobi karin. Bal hadana aan jaleeco mowqifyadii uu ugu soo bandhigay umada Soomaaliyeed ee magaalada Minneapolis. Kuwaasoo iyagana aan kasoo qaadan doono oo kaliya qodobada sida: Dhaqaalaha, Nabadgalyada, Kheyraadka, iyo Midnimada.
Midnimada:
“Midnimada Soomaaliyeed waa muqadas” ayuu sadex jeer ku cel-celiyey musharax Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (ilka jiir) isagoo ka cadeeyey shirkii todobaadkii lasoo dhaafay ee ka dhacay magaalada Minneapolis. Wuxuu musharaxu tilmaamay in umada Soomaaliyeed ay tahay uliyo diirkeed “way is dhaleen, way wada dhasheen, waa isku af, waa isku diin, waa isku dhaqan” ayuu Cabdulaahi yiri.
Musharaxa ayaa wuxuu sheegay in hadii midnimada Puntland la helo, in ay wada shaqeyn imanayso, hadii wada shaqeyn la helona, in la helaayo nolol iyo nabad-galyo. Puntland waa dhul weyn, midnimadana waa howsha koowaad aan rabo inaan jideeyo ayuu yiri musharaxu.
Dhaqaalaha:
Hormarka tafa-gaabiska ah iyo dhaqaalaha caga-jiidka noqdey ee gaarey sicir-bararkii ugu sareeyey oo soomara umada ku dhaqan gobolada Puntland ayaa waxay dadweynihii kasoo qeyb-galay xaflada si aad ah ugu dhego-laa-laadinayeen, qaabka uu wax uga badali karo ama talaabada uu ka damacsanyahay tayaynta iyo tub-toosinta dhaqaalaha ayaa wuxuu yiri “Puntland waa ismaamul hodan ah, hadii si wanaagsan dhaqaalaheeda loo maareeyo”. Wuxuu tusaale usoo qaatey United Nationska waqti ay baadhitaan ka sameysey Puntlan sanadka markuu ahaa 2006 oo ay ku tilmaamtey dhaqaalaha dekada Boosaaso in uu kaabi karo dhamaan umada Soomaaliyeed hadii si wanaagsan loo maamulo.
Dhanka kalese, waxaad moodaa in dadka reer Puntland ay ka hadaadumeen ama ay ka quusteen kaabida dhaqaalaha iyo xoolaha telefka noqdey, iyo dib usoo nooleyntooda. Laakiin musharaxa ayaa wuxuu ka muujiyey raja wanaagsan isagoo usharaxay umada qaabka dhaqaalaha loosoo celinkaro, oo ah:
a) Ladagaalanka sicir bararka: sicir bararka ayaa wuxuu musharaxa asal uga dhigay dhaqaale xumada hada ka taagan Puntland. Waxyaabaha keena ayuu yiri ayaa waxaa ka mid ah lacagaha la daabaco iyo shaqa-la’aanta.
b) Shaqa abuuris: Wuxuu sheegay musharaxu, in la dhiso ilo dhaqaale taasoo hoos u dhigta tirada baagamundada. Musharaxa ayaa wuxuu tusaale usoo qaatey dhaqaaleyahanka weyn ee reer Yurub Edmond Malinvaud ee dhamaadkii qarnigii 18 tobanaad qaacido uu soo-saarey oo ah qaabka looga bixi kara shaqa-weytada.
c) Adkeynta Amniga: Wuxuu musharaxu carabka ku dhiftey “hadii wadanka uusan amnigiisu adkeyn, cidana ma maal gashan doonto” Hoos u dhaca amniga ayuu ku xiriiriyey dhaqaale xumada wadanka ka jirta.
Si kastaba ha ahaatee “dhaqaalaha ayaa ah laf dhabarta maamulka. Hadii ay dadka qancaan oo ay nolol maalmeedkoodu helaan, dowladuna way hagaagaysaa” ayuu hadalka u dhigay Gen. Cabdulaahi.
Nabadgalyada:
Dadka reer Puntland ayaa ah dad aad ugu nugul nabad iyo xasilooni ku wada noolaanshaha dhexdooda iyo ciseynta dadka jaarkooda ah. Wuxuu musharaxu sheegay in adkaynta nabadgalyada ay tahay shay daruuri ah isagoo tilmaamay in nabadgalyada iyo amaanka ay laba kala duwan yihiin. Musharaxa ayaa wuxuu soo daliishaday ayaada quraanka ah ee “Fadquluuhaa Bisalaamin Aaminiin” isagoo lafa guraaya amniga iyo nabadgalyada waxay ku kala duwanyihiin. Kuna tilmaamay in ay Puntland nabadgalyadeedu ay haatan fiicantahay, laakiin loobaahanyahay in la adkeeyo amniga oo faraha kasii baxaaya.
Waxaan kaloo jeclahay inaan xuso jawaabtii Gen. Ilka jiir mar la waydiiyey musharaxnimadiisa madaxweynimo ee Puntland ayaa wuxuu ku jawaabay “anigu waxaan ahay nabadside, doonaaya in Soomaaliweyn ay hagaagto”.
Kheyraadka:
Soo saarista macdanta iyo sahaminta kheyraadka gaaxsan ee ceegaaga dhulka hoostiisa iyo Bada gudeheeda ee dhulka loo yaqaano Puntland ayaa wuxuu ahaa qodobadii ugu doorka roonaa ee uu Generaal Ilka-jiir si guud u dulmarey, isagoo bandhigay kheyraadka dabiiciga ah iyo soonooleynta bey’ada miyiga ay mar walba is bar-bar socdaan.
Musharaxa ayaa wuxuu intaa ku darey in soo-saarista kheyraadka uu jadwalka ugu jiro, isla-markaana uu shuruudo iyo xisaabtan lagali doono soo saarayaasha, umadana uu u bandhigidoono, isla markaana tixglin doono heshiisyadii ka horeeyey.
Waxaa xusid mudan oo ah in wax laga iftiinsho arimaha kale uu ka hadlay Musharaxa sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Dhaqanka, Suugaanta, iyo qodobada agendaha ugu jiro.
Gunaanad:
Anigoo tixraacaya taariikh nololeedka, aqoonta, xirfada, iyo milgaha hadalka musharax Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (ilka jiir) uu ku soo bandhigay mowqifka qodobaysan ee uu ugu tala galay majara qaadida iyo maandhaaf ka saarida maamulka Puntland.
Waa shay daruuri ah in la ogaado dhamaan aqoonta, tayada iyo waaya aragnimada iska marqaati kacaya isla markaasna ka dhex iftiiminaya Generaal Cabdulaahi musharaxiinta kale ee u sharaxan hogaanka maamulka Puntland. Musharax Gen. Cabdulaahi Ilka Jiir waa qorax usoo baxdey umadda Soomaaliyeed guud ahaan, dadyowga Puntland gaar ahaan, gaban iyo gargeyr. Cabdulaahi waa rug-cadaa siyaasi ah, nabadoon, halyay Soomaaliyeed oo u muuqda musharaxa koowaad oo soo celinkara sharciga iyo kala dambeynta.
Had iyo goor si joogta kala soco waxqabadka musharaxa: http://www.puntlandfuture.com/
Saalax Nuur Saalax (Doonyaale)
[email protected]