Iridda laga galo xerada qaxootiga ee Nakivale, Uganda
U GURMO WALAALAHAAGA SOOMAALIYEED EE KU DHIBAATEYSAN DALKA UGANDA
Axmed Guure iyo
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Hiiraan Online
Jimco, Janaayo 04, 2008
Nakivale, Uganda (HOL) - Tan iyo markii dagaaladda sokeeye ka biloowdeen wadanka Soomaaliya sanadkii 1991 ilaa maanta dadka Soomaalida ah waxay ku jireen dhibaato xoog leh, waxay u carareen meel kasta oo ay ka heli karaan magangalyo nabadeed, ilaa maantana waxaa dalka Soomaaliya ka jira barakac iyo dad dalkii ka soo cararaya.
Laakiin maanta waxaan qoraalkan ku soo qaadaneynaa dadka Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah wadanka Uganda, gaar ahaan dadka ku xareysan xerada Nakivale oo 310 KM dhinaca galbeedka ka xigta Magaaladda Caasimadda ah ee Kampala, waxaana Xeradaas ka jira dhibaatooyin aad u badan oo aan indhaha laga qarsan karin, hase ahaatee inta aana ka sheekeyn dhibaatooyinka aan u galo muuqaalka guud ee xerada iyo tiradda dadka ku nool iyo sida ay xaaladdu hadda tahay.
Dowladda Uganda iyo Hey’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sanadkii 1994 isku raacay in la aas-aaso xerada Nakivale oo ay ku nool yihiin qaxootiga soo gaara Uganda. iyo qof kasta oo magangalyo-doon ah.Xeradu waxay ku dhextaal 6-buurood, maalinkii waa kuleyl aad u daran, habeenkiina waa qaboow, geedaha ku yaala Xerada waxaa ugu badan geedka la yiraahdo CIIN, waa dhul dhoobey ah, hadana aad u cagaaran.
Markii aad isha la raacdo dadka xerada ku nool, runtii waxaa kaaga muuqanaya dhibaatooyin caafimaad darro, Cudurro badan ayaa ka jira xeradda gudaheeda, waxaa ka mid ah Malaariyo oo si aad ah dadka u soo ridda, Tiifoow oo isna la socda Malaariyada, qaboowga oo ay la bukaan dadka, bahal Dhuudhi la yiraahdo oo dadka ka gala lugaha iyo gacmaha oo dhaawacyo, xanuun iyo boog ku reeba dadka, sidaas oo kale waxaa jira cudur ay sheegeen in ay garan la’yihiin oo dadka lugaha ka haleelaya oo ugu yaraan haddii uusan jiisoobin dhib xoog leh ku reebaya, hase ahaatee ay jiraan dad ku naafoobay.
|
Nuur Cismaan Cabdi |
Xerada waxaa ku yaala Isbitaal yar oo laga heli karo daawooyinka iyo cirbadaha, laakiin dadku kuma kalsoona, waxay sheegayaan dadku in ay ka shakisanyihiin Isbitaalka qudhiisa. Nuur Cismaan Cabdi oo ka mid dadka ku nool xerada kana warbixinaya dhibaatada caafimaad ayaa yiri “Markii qof naga xanuunsado oo aan geyno Isbtaalka waxaa lagu dhiftaa cirbad, markaas kaddib waxaa shaqaalaha caafimaadka ay nagu yiraahdaan qofkan cunto ayuu u baahan yahay ee siiya, laakiin maalmo ama saacaddo kaddib qofkii waa dhimanayaa, ma garan karno nuuca cirbadda ee lagu muday, mana garan karno qofkaas wuxuu u dhintay, waxaana meeshan nagu heysata caafimaad darro xoog leh, 7-dii bilood ee la soo dhaafay dadku waa iska dhimanayeen”
Nuur Cismaan wuxuu intaas ku darayaa “Waxaa nala ku hayaa faquuq, waana nalooga eexdaa qoomiyadaha kale ee dhinaca ka degan Xeradda, waayo dadkaas waa dad is af garanaya oo, rajada hadda nagu jirtaahina waxay noqneysaa in codsigeena wax laga qabto, waxaana dadka ay khuseyso ka codsaneynaa in aan helno xaqa qaxootinimada, waxaana Ilaahey ka baryenaa in wadankeenii uu Nabad nooga dhigo, waayo hadda waxaan ku jirnaa dhib aan caadi aheyn”
|
Cabdalla Faarax Xuseen |
Intii aan joognay xerada qaxootiga Soomaalida ee Nakivale waxaan la kulannay dad badan oo cudurro iyo dhaawacyo kala duwan qaba, laakiin aan ku hor maro carruurta iyo haweenka:-
Cabadalla Faarax Xuseen oo ah wiil 3-jir ah, waa cuuryaan, sida ay hooyadiis Khadiijo Iidle Suleybaan ay ii sheegtana markii cudurkan ku dhacayay wuu socday, 2-sano ayuuna jiray, waxay tiri lama yaqaan waxa ku dhacay isaga oo ilmeynaya qandhahna ay heyso ayaan ka war helnay, kadibna waa jiisoobay, ma jirto cid wax ka qabtay, markii aan UN-ka u geynana waxay yiraahdeen waxba lagama qaban karo, laakiin weli rajo ayaa nagu jirta ah in caafimaadkiisa uu dib u soo laabto haddii uu helo goob caafimaad oo habeysan oo baaritaan xoog leh ku sameysa wiilkeyga, waloow ay iska caddahay in qoyskeena uusan shilling lacag ah uusan heysan, Laakiin Rajada Ilaahey kama aanan quusan”.
|
Zakariye Xasan Axmed |
Zakariye Xassan Axmed waa wiil 11-jir ah, isna waa cuuryaan aan dareen laheyn, dabka, bahalka, dhagaxa iyo cuntadu waa is kugu mid, sida ay ii sheegtay Hooyadiis Zahra Cabdi Faarax iyo walaashiis Faadumo oo xeradda ku haya, “Waxaan ku fariisinaa kursi u gooni ah oo aan ku xanaaneyno maalinii inta uu dhaq-dhaqaaqa leeyahay, habeenkiina sariirtiisa ayaan ku xanaaneynaa, waayo haddii aan dhulka dhigno qashinka iyo Bahallada ayuu cunayaa, waan dul taaganahay xilli kasta, sababtoo ah, markii aan u geynay UNHCR waxay noo sheegtay in aysan waxba ka qaban karrin wiilkeena, kuma uusan dhalan jiradan, lamana yaqaan waxay tahay, laakiin haddii khubarro caafimaad la helo waa la ogaan karaa, waxaana ka codsaneynaa cid kasta, haddii ay ahaan laheyd Somalida ama qof kasta oo wax nagala qaban karaahi inuu na saacido” ayay tiri walaashiis Faadumo.
Hooyo
|
Hooyo Cadar Axmed Diini |
Cadar Axmed Diini waa Hooyo Soomaaliyeed, waxay ka mid tahay dadka ku nool xerada Qaxootiga ee Nakivale, indhaha waxba kama aragto, waana cuuryaan, waxaa u jooga 7-carruur ah oo iskuma qaddo ah, iyadoo si murugo leh u hadleysa ayay tiri “Dhibaato xoog leh ayaa I heysata, waad arkeysaan lugaha iyo indhaga waa eber, wax ma arko, mana socon karo, runtiina dhibaato ka darani ma jirto arrinkaas, aniga oo cuuryaan ah ayaan haddana beelay indhah sanadkii 2004, sariirtan ayaan kor saaranahay, waayo iridda ma gaari karo, wax aan iska celin karo ma lahan, dhibaato kastana waan u jilicsanahay, ciyaalkeyga haddii bannaanka wax ku qabsadaan uma tagi karo, xaalad xun ayaan ku suganahay” waxayna sii raacsiineysaa “Waxaan nahay qoys sabool ah, qaxooti ah, haddana naafooley ah, seygeyga sidaas oo kale waa qaxooti, nolol xun ayaana ku noolnahay runtii”.
|
Hooyo Faaduma Cabdi Geedi |
Hooyo Faadumo Cabdi Geeddi, waxay jiis ka tahay lugta bidixda, ma socon karto, ninkeedii waa geeriyooday, 8-carruur ah oo agoon ah oo aan waxba is tari karin ayaa u jooga, aadbey u dhiban tahay, muddo laba sano ah ayay xerada ku jireen iyada iyo carruurteeda, waxaan ku booqanay qolka cariishka ah oo ay ka degan tahay xeradda, iyada oo ilmeyneysa oo runtii qudheenu aan dareenay xanuunka haya ayay tiri “waxaan ahay Jiis, ma socon karo, sariirta dusheeda ayaa saxaradda la iiga qaadaa, xanuun xoog leh oo dhinaca maskaxda ah ayaa ii wehliya cuuryaan-nimada, ka sokoow jug madaxa la iiga dhiftay halkan aan joogno wax daryeel ah kuma heysanno, waxaan ahay dhibane halkan jooga, agoonleyna ah, dhaqaale la’aan xoog leh ayaa naheysa, mana jirto wax daryeel quman ah oo aan aniga iyo carruurteydu heysataan”.
Agoonleyda Faadumo Cabdi waxay muujineysaa rajo “haddii halkan aan ka dhoofno oo aan helno wadan naga qaada halkan, waxaa suurto gal ah in aan sidan ka wanaagsanaan doono, waayo carruurta oo wax ii barta ayaa igu filan, markaasna hubaal waxaa ah in aan ciilka iyo murugada hadda I haya ka bixi doono, waxaana ka codaynayaa dadka Ilaahey wax siiyay ee Soomaalida ah iyo umadaha kale in ay nagu soo kaalmeeyaan wixii ay awoodaan”.
Farxiya Muumin Muuse waa hooyo 6 carruur ah leh, lugaha ayay la’dahay, waxaa ka muuqda barar iyo boogo, waxayna sheegeysaa in xanuun joogta ah ay ku hayaan, waxay ii sheegtay in sanadkii 1991 ay soo qaxeen, sidaas oo kale dhibkan ay wax ka qaban waayeen isbitaalka xerada, aysanna awood u lahayn in ay tagto isbitaal lacag ah, waxay sheegeysaa in iyada iyo Seygeeda Cismaan Bundiid Faarax uu sidoo kale qaxooti yahay, laakiin ay rajeynayaan in ay ka dhoofaan xerada, waloow sida ay sheegeyso Farxiyo uu dhoofka xeradu yahay mid rajo ku nool ah.
Maxamed Cismaan Yuusuf ayaa dhaawac gacanta ah na tusay wuxuu yiri “Gacanteyda Baas ayaa qabsaday, waana burburtay, laakiin biro ayaa la galiyay si laftu isku qabsato, laakiin birihii ayaa hadda xanuun xoog leh igu haya, kama jiifto habeenkii, si caadi ahna uma shaqeyso gacanta oo ma laabmeys, waxayna hadda dhaqaatiirtu ii sheegeen in ay u baahan tahay qallliin xoog leh oo laga taxadiro”
Axmed C/llaahi C/raxmaan, wuxuu isna ku jiraa dhibanayaasha xerada ku nool, wuxuu yiri “gudaha caloosha ayaa nabar iiga yaalaa, waxaa sidaas oo kale isku dhagan xiidmaha iyo qabsinadda oo isku marrooqsan, cunto badan ma cuni karo, mushaaridda ayaa cunno ii ah, waayo haddii aan cunto culus cuno xaaladeyda ayaa meel halis ah oo dhimasho ku dhow tageysa, xitaa mararka qaar shaarka ayaa daqninaya, aad beyna xaaladdeydu uga sii dareysaa”
Laakiin guud ahaan markii aad dadka xerada ku jira isha la raacdo ama aad ku dhex lugeyso waxad dareemeysaa in dhibaato nololeed ay jirto, qof kastaahina wuxuu kuu sheeganayaa dhib isaga u gooni ah.
Waxbrashada iyo Sports
|
Ardeyda Dugsiga Hoose ee IFTIN, Nakivale |
Wiilal dhalin yaro ah oo is xilqaamay ayaa Nakivale ka sameeyay dugsi ay ugu magac dareen IFTIN PRIVET SCHOOL, waxaa dhigta carruur yar yar iyo dad waa weyn intaba, waxaana ka wareystay maamulka iyo macallin ka tirsan oo kala ah Ibraahim Deeqoow Tarabbi iyo C/qaadir C/llahi Warsame.
“Intii aan iska dhex fadhin lahayn qaxootiga, waxaan go’aansanay in aan waqtigeena uga faa’iideyno dadka xeradda degan, waxaan abaabulnay schoolka, ilaa iyo hadana wuu shaqeenaa, waloow ay jiraan dhibaatooyin dhinaca kasta naga heysata, laakiin si kasta oo ay ahaato waxaan isku dayaynaa in aan ugu yaraan dadka halkan jooga barno, qoraalka iyo aqrinta Afkeena iyo midka Ingiriiska” sidaas waxaa yiri Macallin Ibraahim Deeqow Tarabi.
|
Maclin Cabdulqadir C/llahi Warsame |
C/qaadir C/llaahi Warsame oo isna ka mid ah maamulka, macallina ah ayaan wax ka weydiinay haddii ay jiraan lacago laga qaado arday iyo cidda tageerada ay ka sugayaan wuxuuna yiri “bishii waxaan ka qadnaa arday kasta 5,000 Uganda shilling ah oo u dhiganta $3 Dollar, (Sadex Doolar)! laakiin waxaa jira dad badan oo aan wax lacag ah laga qaadin oo schoolka dhigta, waxaa ka mid ah caruurta agoonta ah iyo kuwa waalidkood aysan waxba heysan, runtiina lacagtaas aan ka qaadno wax badan oo wax lagu qaban karo maahan” wuxuuna sii daba dhigay, “Ma jirto cid naga taakuleysa sii socoshada schoolka iyo shaqada wadisteeda, hey’adda GTZ ayaa isku daynay in aan la kaashano, laakiin wax badan kama suurto galin, haddase waxaan ku soo dhaweyneynaa cid kasta oo Somalia ah oo nagala qeyb galeysa sii socoshada iyo waxbarashada Carruurta Qaxootiga ah ee Soomaaliyeed ee Xerada Nakivale ku nool”
Dhowr arday oo aan weydiinay qaabka waxbarasho ee Iftin ayaa noo sheegay in ay tahay awoodii ugu badneyd ee waxbarasho ee la sameeyo, laakiin ay fiicnaan laheyd in ay helaan taageero waxbarasho iyo mid niyadeed oo caalami ah, waxayna ardaydu codsi u diranayaan dadka Soomaaliyeed ee dibadda ku nool in ay kala qeyb-qaataan sidii ay mustaqbalkooda u sii iftiimin lahaayeen.
Xerada Nakivale waxaa ku yaal Garoon K/cagta, Basketball iyo Volleyball lagu ciyaaro, dhalinyaradda sports jecel ayaana subax iyo galab kasta ku ciyaara garoomadaas, laakiin waxaa heysta qalab la’aan, mid ka mid ah Dhalinta Sportska ayaa nagu yiri “Waxaan jeclaan lahayn in aad noo soo qaadaan dhowr Kubadood maadaama aad Xerada soo aadeyseen, waan ku ciyaari lahayn, waayo ma jirto shaqo kale oo aan leenahay, waxaan ku jirnaa Xero qaxooti”
Raashinka iyo Biyaha
|
Bal isku fiiri biyo biyaha caadiga ah iyo kuwa laga cabo xirada Nakivale. |
Intii aan xerada joogay waxaan u kuur galay nolosha dhabta ah ee dadka Nakivale qaxootiga ku ah, noloshaas oo ah mid adag, haddiise aan ku hormarno dhinaca biyaha laga isticmaalo xerada, waxaa jirta in xerada agteeda meel ah ay marto haro biyo ay ku jiraan, haradaas markii gudaha loo galo waxaa suurtogal ah in laga helo biyo nadiiif ah, laakiin dadka Somaalida ah ee ku nool meeshaas waxay heli karaan biyo wasaq ah oo afafka hore laga soo dhaamiyo oo ah meesha ay biyuhu ku yar yihiin, sida aad sawirka ka arkeysaanna biyahaas ay Somalidu cabaan oo ay isticmaalaan waa kuwo aragoodii bedelmay.
Si biyaha nadiifka ah looga soo dhaamiyo gudaha shi-she ee Harada waxay u baahan tahay doon yar oo la raaco, sida uu sheegayo mid ka mid ah dadka qaxootiga ah, wuxuu yiri “doon la’aan ama tubo meel fog ka soo qaada waxaan aheyn kuma heli karno biyo nadiif ah oo aan itcimaalno”
“Waxaa suurto gal ah in jir cun-cunka iyo cudurada kale qaarkood aan ka qaadno biyahaaas, laakiin haddii aysan jirin talo kale waa qasab in aan isticmaalnaa Biyahaas, waxaanse ka rajeynayaa hey’adaha ay khuseyso in ay wax ka qabtaan arrinkan halista ah” ayuu sii daba dhigay shaqsigaas oo Qaxooti Soomaliyeed ah oo muujinayay dareenkiisa ku aadan nolosha Nakivale, wuxuuna sheegay in biyaha kale ee nadiifka ah ay ka qaalisan yihiin kuwa kale ee aan wanaagsaneyn.
Dadku waxay ka cabanayaan sidaas oo kale Raashinka la siiyo inuu aad u yar yahay oo uusan ku filneyn, dadka qaarkiis waa ka soo carareen Xerada dhibaatooyin badan aawadood, waxaana runtii dadka qaarkiis ay ku nool yihiin nolol tii ugu hooseysay, inkastoo ay jiraan qoysas xoogaa lacag ah ka hela qaraabadooda, haddana waa la isku kor nool yahay, waayo sida uu leeyahay mid ka mid ah dadka ku nool xerada “Nolosha xeradaan aad ayeey u adagtahay, waayo Galley, Saliid cadey iyo Bboorash aan nagu filneyn ayaa cunto noo ah oo aan ka soo qaadanaa baqaarka raashinka”.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dhibaatada haysata dadkaan Soomaaliyeed runtii laguma soo koobi karo cid u maqanna ma jirto oo aan ahayn walaalohooda Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan. Haddaba Hiiraan Online oo u kuurgashay nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Xerada Nakivale ee ku taala Dalka Uganda ayaa waxay aqristayaasheeda ku xiran si walaaltinimo ah uga codsaneysaa in ay kaalmo deg-deg ah la soo gaaraan dadkan Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku haysato dalka Uganda. Carruurtooda oo u helo waxbarasho ayaa ah kaalmada ugu weyn ee aan siin karno walaaleheyna Soomaaliyeed.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala soo xiriir e-mailkan : [email protected].