JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE BIRMINGHAM ( UK) OO $12,000 UGU YABOOHDAY JAAMACADDA HIIRAAN

Maanta oo axada 18 Dis. 05 ayaa kulan si wanaagsan u abaabulnaa wuxuu ka dhacay magaalada Birmingham ee cariga Britain, kaasoo dhaqaale loogu ururinayey Jaamacadda Hiiraan. Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay odayaasha, aqoonyahanka, dhallinyarada reer Birmingham iyo marti sharaf dibedda uga timid.

Prof. Axmed Muumin Warfa oo wax ka dhiga Jaamacadda Utah ee cariga mareykanka hormuudna ka ah dhaqaale ururinta J. H. ayaa wuxuu ka hadlay waaya aragnimadiisa aqooneed iyo sida uu ugu faraxsan yahay muddo dheer ka dib in waxbarashada Soomaaliya ay tartiib tartiib u soo kobceyso oo maanta gobolo ka tirsan dalka ay ka furan yihiin jaamacado heerar kala gedisanba ha ahaadeene.

Prof. Warfa ayaa wuxuu ka codsaday dadkii ka soo qeyb galay kulankaa in ay qeyb libaax ka qaataan dhaqaale ururinta Jaamacadda Hiiraan.

Aqoonyahaniintii halkaa ka hadashay waxaa ka mid ahaa Sheekh Cabdikariim Xuseen oo daadihinayey barnaamijka, madaxa jaaliyadda soomaaliyeed ee Birminham Dr. Cali Xuseen, Sheekh Cabdiraxiim Yuusuf oo si weyn uga hadlay diinta iyo doorka horumarka waxbarashada, waxaa isna halkaa ka hadlay Prof. Mukhtaar Cali oo hormuud ka ahaan jiray kulliyada Kiimikada ee Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, Prof. Cabdulqaadir Ruumi oo ka socda Muqdisho University, iyo Maxamuud Raage oo ka hadlay Jaamacadaha Woqooyi.

Prof. Warfa oo maalintii sabtiga xaflad taa la mid ah kala qeyb qaatay reer London ayaa waxaa ku sii galbiyey wadada u dhexeysa London iyo Birmingham Dr Haashim Ducaale iyo Dr. Maxmuud Xaashi Xuseen oo ahaa ardeydiisii kulliyadda Beeraha ee Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, maantana nasiib u helay in ay kula kulmaan dalkan UK.

Ugu dambeyntii jaaliyadda Birminham ayaa waxa ay ugu deeqday Jaamacadda Hiiraan $12.000.

Xuseen Axmed Geele (Sandhool) –
E-mail :[email protected]

Xafladihii hore ee la soo qabtay
Dhaqaale gaarayo $100,000 (£60,000) oo ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ugu deeqeen Jaamacadda Hiiraan
OHIO: Jaamacadda Hiiraan oo heshay deeq lacageed oo dhan $16,100
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalda Ottawa oo ugu deeqday $ 14,000.00 dhismaha Jaamacadda Hiiraan
Somali Community in Toronto raised funds for the establishment of Hiiraan University
Soomaalida Minnesota oo $80.000 Ugu Yaboohay Jaamacadda Hiiraan
Seattle, WA: Dhaqaale $10,000 oo loo aruuriyey Jaamacadda Hiiraan
Hiiraan University (HU) Fundraising Event - Denver, Colorado





 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online