Click here to sign your petition
2007 DV
 
   

Jaamacadda Hiiraan oo heshay deeq lacageed oo dhan $16,100

   


RadioSSC
Warkii: Dec 10, 2005

Columbus, OH ( Radiossc.net) Shir dhaqaale loogu uruurinayo Jaamacadda Hiiraan ayaa caawa lagu qabtay magaalada Columbus, OH ee cariga Maraykanka. Shirkan oo ay ka soo qaybqaleen dadweynaha Soomaaliyeed ee reer OH ayaa Jaamacadda Hiiraan ugu deeqay lacag gaadhaysa $16,100.00 (Lix iyo toban kun iyo boqol doolar).

Shirkan oo ay ka muuqatay aqoon iyo bisayl ayaa waxaa furay . Abuukar Baalle wuxuuna si kooban uga waramay in maalmahan Soomaalidu u jeesatay dhinaca Waxbarashada isaga oo taxay Jaamacadaha Waddanka laga hirgeliyey ee Camud, Hargeysa, Burco, Nugaal, Boosaaso, iyo Muqdisho iyo kuwo kale oo jidka ku soo jira. Ka dibna waxa uu dadkii u sheegay qaabka shirku u socon doono.

Ibrahim Sheekeeye ayaa isagu soo dhaweeyey dadweynihii shirka ka soo qaybgalay waxaana ka mid ahaa hadaladiisii: " Mar haddii dhinaca wanaagga loo dhaqaaqay waxaynu rajaynaynaa inaynu gaadhi doono, qalinkuna bedeli doono qoriga taas oo ah arrin qiimahiisa aan la qiyaasi karin oo dhaxalgal ah."

Ibrahim waxa uu ka sheekeeyey in Jaamacadda Hiiraan ay ka soo dhex baxday markii aqoonyahanka gobolkaasi ka wada hadleen inay wax ka qaban karaan caruurta u baahan meel ay waxbarashadooda ku sii wataan ee ka soo baxaysa dugsiyada gobolka iyo deriskaba. Waxaa raggaas uu ka xusay Professor Warfaa, Dr. Abdinur, Dr. Abukar Baalle, Dr. Xuutaan iyo kuwo kale oo iyagu isku qoray lacag badan oo ahayd lacagtii dhulka Jaamacadda lagu iibiyey. Sheekeeye waxa uu sheegay in Jaamacadda Hiiraan aanay ahayn jaamacad gobol, qabiil ama qof, laakiin ay tahay Jaamacad Soomaaliyeed oo ilmo ama qof kasta oo Soomaaliyeed wax ku baran karo. " Waxaa iswaafiqi doona inaga oo dawlad helay Jaamacadana inoo dhisan yihiin" ayuu ku soo gabagabeeyey Sheekeeye hadalkiisii.

Waxaa ka dib hadalkii ku wareegay Dr. Abdinur oo yidhi: " Sideedaba qabiilku wuxuu ku kobcaa aqoondarada, waa inaynu dhaqaale gelinaa ilaha hagaajiya horumarka Ummadda. Waxaa caawa inala jooga ardaydii ka soo qalinjabisay Jaamacadda Muqdisho waana Abukar Yaxye Sanay." ka dibna waxa uu ka waramay Jaamacadda Hiiraan heerarkii ay soo martay wuxuuna yidhi: " Ujeedooyinka Jaamacadda Hiiraan waa in loo helo Aqoon sare shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan gobolka Hiiraan iyo derisyadeeda, la siiyo ururada dawliga iyo kuwaan dawliga ahayn macluumaadka la xidhiidha dadka deegaanka Hiiraan, iyo in dugsiyada hoose iyo sare ka caawiso dhinacyada manhajka iyo wax kasta oo tayadooda kor u soo qaadaya. Jaamacaddu waxay ka koooban tahay Board of Directors oo 9 qof ah, University President, Administrator, kulliyado, shaqaale, iyo arday. Waxaa lagu aasaasay Jaaamacadda magaaladan Columbus 27kii December ee 2003 oo loo diiwaan geliyey Hiiraan University Foundation oo ah hay'ad aan dawli ahayn oo ka diiwaangashan gobolkan OHIO, leh shatiga cashuur dhaafka, xubnaheeduna kala joogaan Maraykanka, Canada, iyo England."

Dr. Abdinur waxa uu halkaas nagu daawadsiiyey sawiro laga soo qaaday gobolka Hiiraan, ardayda dugsiyada sare oo daabuurkii taagan isla markaana ay ka muuqato qurux iyo asluub aan la qiyaasi karin, iyaga oo jimicsanaya, oo uu Dr. Abdinur sheegay in manhajka dugsiyada uu Jimicsigu ka mid yahay.

Waxaa ku wareegay hadalkii Sh. Maxamed Xasan oo ah mas'uulinta masaajidka Ibnu Taymiyah oo ah xarunta Salaadda iyo kulamada diiniga ka ugu weyn ee Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Columbus. Sh. Maxamed hadalkiisii waxaa ka mid ahaa: " Alle waxa uu yidhi ma siman yihiin kuwa wax yaqaana iyo kuwa aan waxba aqoon. Soomaali ahaan maanta waxa aqoonta lagu tilmaamaa inay waajib tahay oo culimo badan ayaa sidaas sheegay. Dhibaatada cagaarka iyo yaabistii waddankeena cuntay ayay aqoontu dawo u tahay. Barnaamijkan waa in la gaadhsiiyaa meel kasta sida masaajidda, rugaha ganacsiga, ma aha mid qabiil, waa mid qof kasta oo inaga mid ah u taalla. Dhagaxa aad ku darsato dhismihiisa ajarkiisu waxa uu kuu soconayaa inta ay dhisan tahay ama la intifaacayo. Waxa ay joojinaysaa dhibaatooyin farabadan oo shacabka Soomaaliyeed aafeeyey, waxayna culimo badan yidhaahdeen Cilmiga maadiga ahi waa waajib maanta dadka Soomaalida maadaama uu yahay waxa soo saaraya dhakhtarkii, iyo dadkii aqoonta lahaa ee aanay bulshadu sina uga maarmin."

Dr. Maxamed Nur oo xilal badan Soomaaliya ka soo qabtay ayaa waxaa hadalkiisii ka mid ahaa: " Aad baan ugu faraxsanahay inaan xafladdan ka soo qaybgalo waayo waxbarashada ayaa ah waxa asalka ii ah. Dhibka Soomaali waa jahli, haddii la dhiirigeliyo aqoonta, waxa soo baxaya jiil isjecel oo ka xishooda waxa xun. Waxaan Alle ka baryayaa in xalka Soomaaliya noqdo Tacliinta oo fidda, nabad iyo horumarna ay ka dhashaan."

Isaaq Warsame oo ah maareeyaha shirkadda Dahabshiil, muddo badana ku soo jiray waxbarashada oo xilal farabadan ka soo qabtay wasaaraddii waxbarashada ee Soomaaliyeed min macalin, maamule, ilaa agaasime guud ayaa hadalkii lagu soo dhaweeyey waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: " Dadku cadow bay u yihiin wixii ay jaahil ka yihiin, aqoon la'aani waa iftiin la'aan, halkan waxa ina dhigay waa aqoon la'aan, dawladnimadeenii iyo jiritaankeenii waxaa baabi'iyey waa aqoon la'aan. War dhulkeenii meeyey? war dhirteenii meeday?, dhaqanku waxa uu ahaa in geed midhoodka iyo ka la hadhsado aan la goyn, maantase ku daaye."

Isaaq isaga oo sii wata waxa uu yidhi: " Waxbarashadu inay degaanowdo waa lagama maarmaan." Wuxuuna ka sheekeeyey khasaaraha ugu yar ee ardayga soo gaadha haddii uu ka tago degaankiisa oo degaan kale waxbarasho u doonto waa isaga oo lumiya ama ka taga dhaqankiisii maadaama uu dhex tagay dad iyo meel aan laga aqoon. Teeda kale waxa uu yidhi: " Waxbarashada deegaanka laga sameeyo waxaa xataa luqad iyo aqoon ka kororsada dadka shacabka ah ee ag deggan Jaamacadda ama goobtaas waxbarasho. Waxa uu sheeko u soo qaatay dhawr arday oo dhigan jirtay iskuulkii Dayaxa oo nin reer baadiye ah oo la jooga ka sheekaysanayey casharka Evaporationka ama uumibaxa ku dhaca biyaha iyo wixii dabka la saaro. Ninkii reer baadiyaha ahaa ayaa kacay oo intii uu maqnaa ayay digsigii shaahu u saaraa dhawr koob ka darsadeen, markii uu soo noqday ayuu weydiiyey sida wax u jiraan. waxayna ugu jawaabeen SAYNISKII BAA CABAY. Aad baa loogu qoslay tusaalahaas.

Isaaq waxa uu yidhi: " Qabiilkii xataa inaga codsada inaynu waxbarashada kala qaybqaadano aynu kala qaybqaadano, ugu yaraan waxa ay kaga baxayaan qabiilka. Jaamacadaas Hiiraan wax weyn ayay Soomaali u taraysaa, ugu yaraan jidkaas dheer ayaynu nabad ku helaynaa ee jeebka gacanta aynu gelino." Aad baa loogu qoslay kaftankaas Isaaq oo ahaa gebogebadii hadalkiisa.

Waxaa hadalkii u wareegay Professor Axmed Muumin Warfaa oo runtii sida xidhiidhiyuhu sheegay codsaday in dadkii hadlayey oo badankoodu ardaydiisa ahaa ay ka hormaraan si uu u arko waxsoosaarka ardaydiisa iyo tayada ku jirta. (kaftan). Professor Warfaa waxa uu ka hadlay ahmiyadda akhrinta iyo qoridda ama guud ahaan waxbarashada, waxa uu tilmaamay in nabigeenii (scw) oo 40 sano jira la faray inuu wax akhriyo oo aan khiyaar la siin taasina ay tusinayso ahmiyadda aqoonta iyo weliba inaanay da' ku xidhnayn. Professor Warfaa waxa uu gudagalay barnaamijkii shirka loo qabtay oo ahaa dhaqaale loo uruurinayo Jaamacadda Hiiraan, waxaana uu ku bilaabay: " Yaa Alle u barakeeyey (ama hadal la mid ah) oo kun ii bilaabay. " Runtii dadka shirka yimid oo tiro ahaan yaraa marka loo fiiriyo Jaalliyadda Columbus deggan ayaa waxa ay muujiyeen tiro yar tayo badan, waxaana badnaa dadkii isku qoray lacag dhan $1000. Waxaa jiray kuwo isku qoray 500, 400, 300, 250, 200, 100 iyo kuwo sanduuqii la wareejinayey ku riday wixii ay awoodayeen. Waxaa xusid mudan labada xawaaladood ee Dahabshiil iyo Amal oo ahaa xawaaladaha keliya ee shirka ka soo qaybgalay, waxayna shirkadda Dahabshiil ugu deeqday $1500,  Xawaaladda Amalna $500. Waxaa guud ahaan caawa reer Ohio ugu deeqeen Jaamacadda Hiiraan lacag dhan $16,100.

Waxaa loo gudbay casho fudud iyo goob fadhi wanaagsan oo calamada waddamada ardayda dugsigan shirka lagu qabtay dhigta ay ka dul babanayeen. Waxaa ka dhex muuqday calankii Soomaaliyeed ee buluugga ahaa, xidigtana dhexda ku lahaa. Waxaana shirkii soo gabagabeeyey Ibrahim Sheekeeye oo dadkii uga mahadceliyey deeqsinimadii ay kaga qaybgaleen Jaamacadda Hiiraan, wuxuuna u ballanqaaday inay xaggooda diyaar u yihiin qorshe kasta oo Jaamacadaha jira iyo kuwa soo socdaba wax loogu qabanayo."

Sawiradii dadkii ka soo qaybgalay shirka:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafladihii hore ee la soo qabtay
Soomaalida Minnesota oo $80.000 Ugu Yaboohay Jaamacadda Hiiraan
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Seattle oo $10,000
Hiiraan University (HU) Fundraising Event - Denver, Colorado - $15,000

 






 


| Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online