Guddiga Doorashada Puntland iyo xisbiyada siyaasadda oo isku kilaafay hannaanka lagu wajahayo doorashada 2029

Axad, November 30, 2025 (HOL) - Guddiga doorashada Puntland ayaa shaaciyay in doorashada madaxtinimada ee soo socota lagu qaban doono hab baarlamaani, kaddib markii ay xeerka doorashooyinka ka saareen in shacabka si toos ah u doortaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Qodobkan ayaa markii hore lagu daray dastuurka Puntland ka gadaal markii dastuurka lagu sameeyay wax ka beddelkii bishii Luulyo 2023, taas oo beddeshay nidaamkii hore ee ahaa in madaxda ay doortaan baarlamaan ku yimid codka dadweynaha.

Laba sano kaddib, guddiga doorashada ayaa markale soo jeediyay in dib loogu laabto nidaamkii hore, iyagoo ku sababeeyay xaaladda siyaasadeed ee Puntland oo aan u saamaxeyn in shacabku ay si toos u doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Arrintan oo weli ku jirta marxalad wadatashi ah, ayaa dhalisay khilaaf iyo dood siyaasadeed oo u dhexeeysa xisbiyada Puntland. Qaar ka mid ah xisbiyada ayaa soo dhaweeyay talada guddiga, halka kuwo kalena ay si adag uga soo horjeesteen in dib  loogu noqdo nidaamkii horey looga guuray.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa ka digay in haddii aan si degdeg ah xal looga gaarin muranka ka taagan qodobkan, ay mugdi gelin karto qabsoomidda doorashada qof iyo cod ee loo qorsheeyay 2029.

Juxa ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xeerarka doorashooyinka lagu dhameeyo waqti hore si loo xaqiijiyo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo aan dib-u-dhac iyo qalalaase siyaasadeed la kulmin.

Puntland oo jirta 27 sano weli kuma guulaysan in ay ka guurto nidaamka qabaliga ah ee lagu soo doorto madaxda maamulka, inkastoo saddx sano ee ugu dambeysay lagu guulaystay in doorashooyinka golayaasha degaanka laga dhigo qof iyo cod.