
Axad, November 30, 2025 (HOL) - Ciidamada Puntland ayaa maanta howlgal qorshaysan ka fuliyay Calmiskaad gaar ahaan halka loo yaqaano Togga Daanyo, halkaas oo lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish.
Gelinkii hore ee maanta ayaa la toogtay 3 xubnood, halka 5 kale lagu dilay wejigii dambe ee hawlgalka, taasoo tirada guud ka dhigaysa siddeed.
Kooxda la beegsaday oo ka koobnayd 10 xubnood ayaa la sheegay inay qaabilsanaayeen ururinta xoolaha ay Daacish ka qashaan bulshada ku nool Sixna iyo Daanyo, kuwaas oo ku yaalla nawaaxiga togga Jeceel ee gobolka Bari.
Saraakiisha howlgalka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay dhinacooda ku waayeen saddex askari. Dagaalka ayaa galabta istaagay ka dib markii dhammaan xubnihii kooxda la weeraray la jabiyey, sida ay sheegeen ilo wareedyadu.
Warkaan ayaa kusoo beegmaya maalmo kaddib markii ay Puntland ciidamadeeda ka saartay furimihii ay kaga sugnaayeen Baallade, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin dagaalamayaal katirsan Daacish.
Ilo amni ayaa sheegaya in kaddib markii ciidamadu kasoo baxeen furimaha Baallade ay Daacish sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay isaga kala gudbayaan togga Baallade iyo degaano ku dhow.
Puntland weli wax war ah kamasoo saarin dagaalka maanta ka dhacay Calmiskaad.