Golaha Aqalka Sare oo meelmariyay Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya

Sabti, November 29, 2025 (HOL) - Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyay Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, oo ka mid noqon doonta Hay’adaha hoos tago Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Ugu horrayn, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare, Sanatar Cabdiwali Ibraahim Garyare, ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta Akhrinta saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed, isagoo faahfaahiyay sida sharciga loo waafajiyay talooyinka iyo aragtiyihii ay Sanataradu soo gudbiyeen akhrintii 2aad Hindise-Sharciyeedka. Kaddib, cod u qaadista sharciga ayaa lagu oggolaaday 29 Sanatar, mana jirin cid diidday ama ka aamustay, sidaasna sharcigu wuxuu ku noqday mid ansax ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, oo kulanka goobjoog ka ahaa, ayaa uga mahadceliyay Aqalka Sare iyo Guddigii ka shaqeeyay ansixinta sharcigan iyo gudashada waajibaadkooda sharci dejineed, isaga oo xusay marxaladihii uu soo maray diyaarintiisu muddadii ku dhoweed labada sano ee la soo dhaafay.

Hindise-sharciyeedkan waxaa horey u ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana hadda uu sugayaa saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, si uu sharciga dhaqangal u noqdo.

Ansixinta sharcigan waxaa la filayaa in uu wax weyn ka beddelo maalgashiga gudaha iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah (Foreign Direct Investment – FDI), isaga oo kor u qaadaya hufnaanta, isku-duwidda iyo jawiga maalgashiga dalka.