
Sabti, November 29, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dalka Maraykanka, DonalTrump ayaa amray in dib loogu noqdo oo dib loo baaro sharciga Green Card-ka ee Soomaalida, iyo sidoo kale kuwa ay haystaan 18 dal oo kale oo loo arko kuwa laga walaacsan yahay.
Tallaabadani waa mid kale oo uu madaxweynuhu qaaday oo khatar gelinaysa xaaladda sharci ee boqolaal Soomaali ah oo ku nool Minnesota.
Amarka Trump ee la xiriira green card-ka ayaa soo baxay Khamiistii, kaddib markii mas’uuliyiintu sheegeen in muwaadin u dhashay Afghanistan uu Arbacadii toogtay oo dhaawac culus u geystay laba ka tirsan ilaalada qaramka.
Madaxweyne Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaalida ee Minnesota, wuxuuna yiri, “Boqolaal kun oo Soomaali ayaa waddankeena boobaya, isla markaana burburinaya gobolkaas mar ahaan jiray weyn,” ayuu yiri Trump.
Trump waxa uu sheegay eedahan oo kale oo aan caddayn lahayn maalmo ka hor, isagoo qoraal ku soo dhigay Truth Social. Farriintaas ayuu ku sheegay inuu joojin doono xaaladda ku-meel-gaarka ah ee ilaalinta (TPS) ee Soomaalida Minnesota.
Xildhibaanada gobolka Minnesota ayaa ka horyimid hadalka Trump, iyagoo sheegay in ay tahay tallaabo uusan awood u lahayn.