
Arbaco, December 10, 2025 (HOL) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in dadka Soomaaliyeed aan weli loo diyaarin hannaan doorasho oo dhab ah oo qof iyo cod ah, isla markaana uu jiro khatar weyn oo ku saabsan amniga iyo mustaqbalka dalka.
Sheekh Shariif ayaa ku dooday in doorashada ay dowladda hadda waddo ay tahay mid aan ka tarjumeyn xaqiiqada dalka, islamarkaana ay ku kooban tahay hadal siyaasadeed oo aan weli lahayn ficil muuqda iyo heshiis siyaasadeed oo ay dhammaan dhinacyadu isku raacsan yihiin.
“Doorashada qof iyo codka hadal keliya laguma gaaro, waxay u baahan tahay shuruuc, xisbiyo shaqaynaya, iyo amni la isku halleyn karo,” ayuu yiri Madaxweynaha hore oo wareysiga siiyay BBC-da laanteedi Af Soomaaliga ah.
Isagoo ka hadlayay amniga dalka, wuxuu tilmaamay inay jiraan cabsi dhab ah oo ku saabsan sii jireenka dowladnimada haddii aan la helin qorshe lagu mideysan yahay.
Wuxuu sheegay in xaaladda amni ay marayso heer khatar ah, taas oo keentay in dadka qaar ay ka welwelaan sida ay u ekaan doonto Soomaaliya sanadaha soo socda.
Sheekh Shariif ayaa si gaar ah u dhaliilay guddiga doorashada ee ay dhawaan magacaawday dowladda, isagoo ku tilmaamay mid aan lagu heshiin oo aan metelin talada guud ee dalka.
“Farsamo ahaan marka la eego, waxaa loo baahan yahay guddi la isla oggol yahay, balse mid uu magacawdo hal dhinac oo kaliya ma horseedayo kalsooni,” ayuu yiri.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in hal xisbi oo keliya, gaar ahaan midka la xiriira Villa Soomaaliya, uu ka muuqdo dhammaan hannaanka siyaasadda, taas oo uu ku tilmaamay arrin dhaawaceysa tartanka xisbiyada iyo dimoqraadiyadda.
Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu dowladda ugu baaqay inay la timaaddo hannaan siyaasadeed oo lagu heshiiyay, si looga fogaado khilaaf hor leh oo dowladda iyo mucaaradka, laguna badbaadiyo dowladnimada Soomaaliyeed.