Golaha Shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Arbaco, December 10, 2025 (HOL) – Mudanyaayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda 20-aad ee kalfadhiga 7-aad, kaas oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, ayna shir guddoominayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa ugu muhiimsanaa akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kaas oo uu Golaha u soo gudbiyay Wasaaradda Amniga Gudaha. 

Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa mudanayaasha si faahfaahsan ugula wadaagay qodobada iyo mabaadi’da uu xambaarsan yahay hindise sharciyeedka cusub.

Intaasi ka dib maadaamaa Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu maray akhrinta koowaad islamarkaana aynan wax dood ah ka furneyn sida uu qabo Xeerhoosaadka Golaha Shacabka, sidaasi daraadeed qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha ayaa su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud ee Hindise Sharciyeedka weydiiyey Wasiirka Amniga Gudaha .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, oo kulanka soo xiray, ayaa faray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga in uu la wareego hindise sharciyeedkan, isla markaana uu soo diyaariyo akhrintiisa labaad, si markaas Golaha Shacabka dood buuxda uga yeesho qodobadiisa kala duwan.

Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka mid ah shuruucda muhiimka ah ee dowladda Federaalka ay ku doonayso in lagu xoojiyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga iyo kor u qaadista awoodda ciidan boolis oo casri ah.