Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo ka qeybgalay xuska 102-aad ee Aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga


Arbaco, October 29, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qaybgalay munaasabadda lagu xusayay sanadguurada 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga, taas oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Intii lagu guda jiray xafladda, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in maalintan ay tahay maalin ay labada dal si wadajir ah u wadaagaan farxad, maaddaama sida uu sheegay raysal wasaaruhu ay ka tarjumayso xiriir taariikhi ah oo walaaltinimo iyo iskaashi ku dhisan.

newsinside“Maalinta aan xusayo Jamhuuriyadda Turkiga waa mid aan si dhab ah u wada faraxno, sababtoo ah waxay xasuusinaysaa geesinimadii iyo halgankii uu hogaaminayay Mustafa Kemal Atatürk, oo saldhig u noqday dhismaha Jamhuuriyad casri ah oo dhiirrigelisay dunida oo dhan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer oo waqti dheer soo jiray, isagoo dib u xasuusiyay booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ku yimid magaalada Muqdisho bishii Agoosto 2011 — xilli Soomaaliya ay wajahaysay abaar iyo xaalad adag oo amni.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in sanadguuradan ay fursad u tahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan meelaha ay ku jiraan ganacsiga, amniga, waxbarashada, dhaqanka iyo xiriirka shacabka labada dal.

“Turkigu waa saaxiib dhab ah oo garab taagan Soomaaliya xilliyada adag iyo kuwa fududba. Waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee ay nooga geystaan dhinacyada amniga, difaaca, iyo horumarinta adeegyada bulshada,” ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.



Dhanka kale, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb. Fatxudiin Cali Maxamed (Ospite), ayaa ka qayb galay xaflad lagu maamuusayay sanad-guurada 102-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga.

Xafladda ayaa ka dhacday magaalada Ankara, iyadoo ay kasoo qaybgaleen madax sare oo ka tirsan dowladda Turkiga, diblomaasiyiin caalami ah iyo marti sharaf kale. 

Danjire Fatxudiin ayaa si rasmi ah Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ugu gudbiyay hambalyada iyo bogaadinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uga mahadceliyay xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo iskaashi ee kala dhexeeya Turkiga, taasoo ah mid salka ku haysa walaaltinimo, taariikh iyo dano guud oo labada shacab wadaagaan.