Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti, isagoo ka qeybgalaya xuska 25-sano guurada shirkii Carta

 

Arbaco, October 29, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabad lagu xusayo 25-sano guuradii ka soo wareegtay Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Carta sanadkii 2000.

newsinsideShirkii Carta ayaa lagu xasuusan doonaa aasaaskii Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, isla markaana wuxuu saldhig u noqday dib u soo noolaynta hay’adihii dowladeed ee dalka kaddib burburkii sanadkii 1991.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa martigelinaya munaasabadda, waxaana uu ku maamuusay madaxda Soomaaliyeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xuskan taariikhiga ah iyo daahfurka xarunta cusub ee Dib-u-heshiisiinta Geeska Afrika, oo loo bixiyay Taallada Nabadda ee Carta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti kulamo gaar ah la qaadan doona Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxda kale ee sare ee dowladda Jabuuti, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo ganacsiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo munaasabadda xuska, isaga oo kaga hadli doona guulihii iyo casharradii ay Soomaaliya ka dhaxashay shirkii dib-u-heshiisiinta Carta, iyo sida uu u horseeday dowladnimo casri ah oo ku dhisan midnimo iyo wadajir.