Arbaco, November 26, 2025 (HOL) - Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Maraykanka iyo ciidanka Puntland ee la dagaalanka Argigixisada, ayaa weerar qorshaysan ku qaaday godad ay Daacishta Soomaaliya ku lahaayeen togga Baalade.
Sida aan kasoo xiganay ilo dhinaca amniga ah, qiyaastii, In ka badan 100 askari Maraykan ah oo watay diyaaradaha MH-60 ayaa la sheegay inay ku degeen halkaasi, iyadoo diyaaradaha dagaalka ee MQ-9 Reaper ay duqeymo ku garaacayeen godad ay ku sugnaayeen 10 ilaa 15 dagaalame oo Daacish katirsanaa, kuwaas oo ku sugnaa halka lo yaqaano Habarbakuuje iyo Mareero ee togga Baallade.
newsinsideWeerarka ayaa sababay dagaal toos ah oo socday laba ilaa afar saacadood, kaas oo ka dhacay godad si xoog leh Daacishtu uga dagaalamayeen, halkaas oo la aaminsan yahay inay ku jireen dagaalamayaal ajnabi ah oo ka kala yimid Suuriya, Turkiga, iyo Itoobiya.
Warbixin horudhac ah oo laga helay weerarkan ayaa sheegaya in sarkaal sare oo ka tirsan Daacish iyo gacan-yareyaal dhowr ah la dilay, iyadoo guud ahaan la xaqiijiyay dhimashada 5 ilaa 10 argagixiso. Ciidamadu sidoo kale waxay burburiyeen keydad hub iyo qalab ay kooxda u adeegsato hawlaha macdan qodista dahabka oo ay dhaqaale ka helaan.
Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu rajeynayo in gebi ahaanba la cirib-tiro Daacisha dhammaadka sanadka 2025.