Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo kaabiga ku haaya degmada Jamaame


Arbaco, November 26, 2025 (HOL) - Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa kaabiga ku haaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

Ciidamada is garabsanaya ayaa howlgalka si garbo siman ah uga wada wadada laamiga ah ee tagta magaalada Jamaame iyo jiinka Webiga Jubba.

newsinsidekooxda Al-shabaab ayaa dhankooda isku dayaya iney ka hortagaan duulaanka ciidamada iskaashanaya ku doonayan iney kula wareegaan degmada Jamaame oo ka mid ah meelaha kooxdu mudada dheer ka talinayaan.

Todobaadkii labaad oo xiriir ah ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland howlgalo culus ka wadaan deegaanada hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. 

Ciidamada waxay haatan ku dhaw yihiin buundada  Araare oo qiyaas ahaan 7KM u jirta magaalada Jamaame, halkaas oo ay kooxda Al-shabaab ku leedahay fariisin adag oo ay ka difaacdo magaalada Jamaame. 

Ciidamada is garabsanaya hadii ay la wareegaan Buundada Araare waxa fududaan doonta in ciidamadu ay markii ugu horeysay gaaraan Jamaame oo ay kooxdu ka talineyso, tan iyo sanadkii 2008, waxaana lasoo warinaya in degmadaasi uu ka bilawday barakac xoogan.

Howlgalkaan sida wadjirka ah u fulin hayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa noqon doona hadii ay gacanta ku dhigaan degmada Jamaame kii ugu weyna oo laga fuliyo gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanada maamulkaas.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.