Jimco, November 14, 2025 (HOL) - Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe lagu qaadanayo 4,000 oo macallimiin ah, si loo fuliyo ballanqaadka dowladda ee ah in la shaqaaleysiiyo 10,000 macallin.
Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxday wasaaradda waxbarashada, 6,000 macallimiin ah ayaa la shaqaaleysiiyay wejiyadii hore, halka 4,000-ka kale ay dhawaan ku biiri doonaan.
newsinside“Macallimiinta haray waxaa la shaqaaleysiin doonaa dhawaan si loo dhammaystiro ballanqaadkan muhiimka ah ee lagu xoojinayo nidaamkeenna waxbarasho ee qaran,” ayay tiri wasaaraddu.
Qaadashada macalimiinta ayaa horey loo fuliyey laba weji: wajigii koowaad oo dhacay 2023, ayaa lagu soo qaatay 3,000 macallin, halka wejigii labaad oo dhacay 2024, lagu daray 3,000 kale.
Macallimiinta waxaa laga soo xulay gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, iyagoo maray imtixaan tartan ah iyo barnaamij tababar oo socday saddex bilood ka hor inta aysan shaqada bilaabin.
Hindisahani wuxuu ku soo beegmayaa ka hor Maalinta Macallimiinta Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar, oo lagu xuso doorka muhiimka ah ee macallimiintu kaga jiraan horumarinta qaranka.