Jimco, November 14, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa u diray baaq nabadeed oo degdeg ah oo ku socda bulshada ku dagaallamaysa degmada Wala-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay rabshadaha toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay Wala-weyn kuwa “aan la aqbali karin”, isaga oo ku adkeystay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo wadajirka bulshada.
newsinside“Waxaan farriin nabadeed u dirayaa dadka Wala-weyn iyo deegaannada ku dhow, kaddib dhacdooyinkii murugada lahaa ee dhacay toddobadii maalmood ee u dambeeyay,” ayuu Laftagareen yiri.
Laftagareen ayaa cambaareeyay gubista guryaha, khasaarihii naf iyo maalba lahaa, isaga oo hoosta ka xarriiqay in shacabka Koonfur Galbeed aysan marna aqbali doonin dagaal beeleed iyadoo weli ay socdaan xaalado adag oo ay ka mid yihiin abaarta, caqabadaha bani’aadannimo iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Dagaallada maalmihii u dambeeyay ka dhacay Wala-weyn ayaa u dhexeeyay beelo deegaanka ah, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo sii adkeeyay nolosha bulshada deegaanka.
Laftagareen wuxuu ugu baaqay odayaasha dhaqanka, culimada, dhalinyarada iyo haweenka in ay ka shaqeeyaan soo afjaridda colaadda, isla markaana ay taageeraan dedaalka nabadeynta ee maamulka iyo hay’adaha ammaanka.