Arbaco, November 12, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha Gaaljecel iyo 5-ta Caleemood oo maalmahii u dambeeyay ku dagaalamaayay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Saadaad Caliyow iyo Agaasimaha Guud Caydaruus Macallin Xasan waxaana looga hadlay xaaladda deegaanada ay colaadda ka socoto iyo sidii dib u heshiisiin loogu soo dabaali lahaa.
newsinsideWasiir Cali Xoosh ayaa labada dhinac ee beelaha Gaaljecel iyo 5-ta Caleemood kala hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha keena isku dhacyada soo noqnoqday ee gaaray heerkii ugu xumaa abid ee sababa in la gubo qof nool.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xoosh ayaa ka hor sheegay labada dhinac in wax laga xumaado ay tahay khasaaradaha ka dhashay colaadda.
"Qiimaha weyn ayay Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed siiyeen ilaalinta iyo in la dhowro nafta iyo hantida, lana dhiirigeliyo nabadda, walaaltinnimada iyo wada noolaashiyaha" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh.
Wasiir Cali Xoosh ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta labada dhinac iyo cid kasta oo ka qeyb qaadan karta in la dhameeyo colaada, isagoona xusay in Wasaaraddiisa ay ka go'an tahay iney qaadato kaalinta ugu weyn ee xal u helida colaada labadaan beelood ee walaalaha ah.