Qaramada Midoobay oo sheegtay in 148 qaxooti Soomaali ah oo kabaxay Yemen ay soo gaareen Muqdisho

 

Arbaco, November 12, 2025 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in 148 qaxooti Soomaali ah oo horey ugu noolaa dalka Yemen ay si nabad ah ku gaareen magaalada Muqdisho, kaddib markii ay ka soo duuleen garoonka caalamiga ah ee magaalada Cadan, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR).

Sida lagu sheegay qoraal ay UNHCR ku baahisay barteeda “X”, duulimaadkan ayaa qayb ka ahaa barnaamijka Dib-u-Noqoshada Ikhtiyaariga ah ee Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen (ASR) kaas oo ay maalgelineyso dowladda Sweden.

newsinsideHay’addu waxay sheegtay in qaxootiga dib ugu laabtay dalkooda ay heli doonaan taageero dheeraad ah oo gacan ka siin doonta dib u dhiska noloshooda iyo bilaabista nolol cusub.

Tani waa duulimaadkii saddexaad ee sanadkan 2025 ay UNHCR fuliso, tan iyo markii dib loo bilaabay barnaamijkaas bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, iyadoo horey laba koox oo kale lagu soo celiyey Soomaaliya, safar duulimaad oo ay sarnaayeem 148 qof, iyo mid kale oo 70 qof ah oo socdaal dhinaca badda ah.

Tan iyo markii la bilaabay barnaamijka dib-u-noqoshada sanaddii 2017, UNHCR waxay caawisay in 8,555 qaxooti Soomaali ah ay si ammaan ah uga laabtaan Yemen, waxaana keliya sannadkii hore (2024) kasoo laabtay 1,115 qof.

Warbixinno hore oo Qaramada Midoobay soo saartay ayaa sheegaya in Yemen ay martigelisay in ka badan 61,000 qaxooti iyo magangalyo-doon, intooda badanna ay yihiin Soomaali.