Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wadahadlay Amniga iyo Maalgashiga

 

Talaado, November 11, 2025 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho Safiirka dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Sebastian Groth.

War kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in kulanka diirada lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jarmalka.

newsinsideRaysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Sebastian Groth kala hadlay arimaha amniga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey dowladda Jarmalka taageerada joogtada ah oo ay siiso dowladda fedaraalka iyo Shacabka Soomaaliyeed, isagoona xusay muhiimada ay leedahay in la sii adkeeyo iskaashiga labada dowladood.

Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Sebastian Groth ayaa dhankiisa sheegay in labada dal ay ka dhaxeyso saaxiibtinimo qoto dheer, wuxuuna carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya si loo gaaro yoolalka wadajirka ah ee lagu horumarinayo Soomaaliya.