Nin lagu dilay Hargaysa iyo eedaysanihii falka geystay oo baxsaday

 

Talaado, November 11, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in xalay degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa lagu dilay Marxuum Maxamed Baashe Xasan, ka dib markii uu fal dil ah u geystay eedaysane goobta ka baxsaday.

Booliska ayaa sheegay inay fuliyeen hawlgal degdeg ah oo ay ku qabqabteen dad badan oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen dhacdada, iyadoo hadda uu socdo baadhitaan dheeraad ah si loo helo xog rasmi ah oo ku saabsan cidda ka dambeysa dilka.

newsinsideCiidanka Booliska Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka in cid kasta oo haysa xog, warbixin ama tuhun la xidhiidha eedaysanaha ay si degdeg ah ula soo xidhiidhaan saldhigga Booliska ee ugu dhow, si gacan looga geysto cadaaladda.

Sanadihii u dambeeyay waxaa magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland kusoo badanayay falalka dilalka ah ee si kas ah ama si shil ah u dhaca, kuwaas oo inta badan la xidhiidha muranno qoys, khilaafaad ganacsi, ama xaalado ama sababo kale. Inkasta oo Somaliland ay caan ku tahay nabad iyo xasillooni, hadana dilalka noocan ahi waxay abuuraan walaac iyo cabsi bulsho.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa marar badan qaaday hawlgallo lagu xoojinayo amniga, laguna raadinayo eedeysanayaasha falalkaas geysta. Boolisku waxay sheegeen inay dadaal xooggan ku bixiyaan sidii loo heli lahaa caddaalad iyo in la horgeeyo sharciga cid kasta oo ku lug yeelata dil.

 Sidoo kale, maxkamadaha iyo hay’adaha garsoorka ayaa lagu dhiirrigeliyay inay si degdeg ah u qaadaan dacwadaha la xidhiidha dambiyadaas, si loo yareeyo dib u dhaca caddaaladda. Iyada oo eedaysanayaal gaystay falal dil ah lagu xukumay dil toogasho.

Bulshada Somaliland ayaa iyaduna lagu booriyay in ay door ka qaadato sugidda amniga, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka. Booliiska  ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay qabtaan badidaba dadkii gaystay dilakii sannadkan dhacay.