Arbaco, January 15, 2025 (HOL) - Ciidamada amaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta howlgal qorsheysan ku qabtay gaari noociisu yahay Toyoto Probox oo lagu soo dhex qariyay Walxaha Qarxa, kaasoo lagu qabtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sameecad saarneyd gaariga lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa, islamarkaana loo soo waday gudaha magaalada Muqdisho
“Walxahan Qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah, waxaana ay ku talagaleen in si farsameysan ciidamada ku dhaafiyaan, balse waa ay u suurageli waysay maadaama Ciidamadu u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ay adeegsanayaan Khawaariijtu marwalbo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.
Talaabadaan ciidanku ku qabtaan gaarigaan walxa qarxa lagu soo qariyay ayaa kusoo aadeysa, iyadoo ciidamada amaanka magaalada Muqdisho ay kordhiyeen mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalada ay ku baarayaan gaadiidka iyo dadka saaran.
"Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah ayaa hadda ku guuleystay burburinta walxaha qarxa ee laga soo buuxiyay gaarigaa gacanta Boliiska kujira” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay aheyd mid ka nabdoon sidii hore, waxaana taasi ay ku timid howlgalada sida joogtada ah ciidamadu uga sameeyeen guud ahaan degmooyinka magaalada Muqdisho.