Arbaco, January 15, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyay in Dowladda ay taageero nooc waliba ay diyaar ula tahay in lagu garab istaago Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish.
Ra'iisul wasaare Xamse ayaa ku amaanay ciidanka Puntland sida geesinimada leh ay ula dagaalamayaan Kooxda Daacish, waxaana uu carabka ku dhuftay in gurmad walba oo ay Dowladda uga baahdaan ay diyaar ula yihiin.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa xusay in Wasaaradda Gaashandhiga iyo Taliska Xooga dalka ay u diyaarsan yihiin gurmad walba oo looga baahdo ayna ku garab istaagi doonaan dagaalka ka dhanka Kooxda Daacish.
“Dowladda Federaalka waxa ay si buuxda u garab taagan tahay Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee dagaalka kula jira Cadowga Daacish, waxaanan ugu hambalyeynayaa guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalka cadowga” ayuu yiri Ra'iisul wasaare Xamse.
Waxa uu Ra'iisul Wasaare Xamse uu shaaca ka qaaday in shacabka Puntland ay la gudboontahay inay ciidamada ku garab istaagaan dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.
"Waxaan ugu baaqaya guud ahaan Shacabka reer Puntland, Gaar ahaan Culimada, isimada iyo Bulshada Rayidka inay Ciidanka ku garab istaagaan dagaalka Kooxaha Argagexisada waana kuwa diidan Dowladnimada iyo jiritaanka Shacabka Soomaaliyeed" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra'iisul Wasaaraha.
Hadalka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo taliska ciidanka Puntland uu sheegay inay 20 kamid ah Kooxda Daacish ay ku dileen ayna kusoo qabteen shan ajaaniib ah.