Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay inuu bilowday Miro-dhalka sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, December 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Istanbuul kulan gaar ah iyo shir jaraa’id la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, kaddib wada-hadallo qotodheer oo ay yeesheen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in iskaashiga labada dal uu ku saleysan yahay ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, la dagaallanka argagixisada, iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh, kuwaas oo udub dhexaad u ah horumar waara iyo hagaajinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.

“Anagoo ka shaqeyneyna ka difaacidda dalkeenna cid kasta oo isku dayaysa in ay ku xadgudubto madaxbannaanidiisa iyo midnimadiisa, weli kama mashquulin inaan u hurno horumarinta khayraadka dalka, gaar ahaan shidaalka, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iidaystaan barwaaqo iyo horumar,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee badda Soomaaliya ay soo saartay natiijooyin rajo-gelin leh, kuwaas oo calaamad u ah bilowga marxalad cusub oo ku aaddan soo kabashada dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo maalgelinta adeegyada aasaasiga ah.

“Sidii aan balanqaadnay, waxaan u hawlgalnay sidii loo ogaan lahaa, loona soo saari lahaa khayraadka dalka, gaar ahaan shidaalka. Mahadnaq Alle awgeed, maanta waxaa bilaabmay miradhalka howlahaas. Waa guul taariikhi ah oo qaran,” ayuu ku daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay in kheyraadka dabiiciga ah uu yahay mid ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana maamulka khayraadkaas uu ku dhismi doono isla-xisaabtan, caddaalad, iyo ilaalinta xuquuqda jiilasha soo socda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa sheegay in waddada ay Soomaaliya ku socoto ay tahay mid isku dheellitiran, iyadoo la difaacayo midnimada qaranka, la dagaallamayo argagixisada, isla markaana la xaqiijinayo horumar dhaqaale iyo nolol ka wanaagsan tii hore.