Turkiga oo ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah, isagoo adkeeyay midnimada Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, December 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah isla markaana aan la aqbali karin.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu Istanbul kula qabtay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Recep Tayyip Erdoğan ayaa tilmaamay in horumar weyn laga gaaray dhinaca amniga Soomaaliya, inkastoo ay jireen sida uu sheegay falal khalkhal-gelin ah oo ay fuliyeen dhinacyo aan doonayn in Soomaaliya mar kale dib u soo kabato.

Erdoğan ayaa xusay in Turkigu qorsheynayo inuu bilaabo hawlgallo qodis ah sannadka 2026, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay wax weyn ka tari doonaan horumarinta nolosha iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Ankara ay ku dartay maraakiibteeda laba markab oo cusub oo qodista badda-hoose ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in xilli ay Soomaaliya wajahayo khataro ku wajahan midnimadeeda dhuleed iyo madax-bannaanideeda, ay si cad u dareentay taageerada Turkiga iyo shacabka Turkiga.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mowqifka gardarrada ah ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Netanyahu, ee ka dhanka ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya uu yahay mid aan la aqbali karin.

Israa’iil ayaa Jimcihii aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol kamid ah Soomaaliya, oo sheegta madax banaani.

Soomaaliya ayaa diiddan inay aqoonsato Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, waxayna u aragtaa inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, iyadoo heshiis kasta ama xiriir toos ah oo lala yeesho Somaliland ay u aragto xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.