Dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka oo markale dib uga soo cusboonaaday gobolka Shabeellaha Hoose

Jimco, December 12, 2025 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saakay wiil dhalinyaro ahaa loogu deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Ilyaas Cismaan Xasan, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Moto Fekonta.

Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa lala xariirinaya aargoosi aano qabiil ah, waxaana geystay koox hubeysan oo si deg deg ah dilka kadib goobta uga baxsatay.

Ehelada marxuum Ilyaas Cismaan Xasan ayaa dalbaday in lasoo qabto kooxdii dishay wiilkooda, islamarkaana loo soo taago Maxkamadda si cadaaladda oo mariyo.

Dilka marxuumkan dhalinyarada ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose mudooyinkan dambe xasilooneyd kadib xabad joojin la kala dhex dhigay maleeshiyo beeleed halkaasi ku dagaalamay.

Ma jirto ilaa hada war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka maamulka iyo laamaha amaanka ee deegaanka Yaaqbariweyne oo ku aadan dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka ee markale dib uga soo cusboonaaday Yaaqbariweyne.