Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

Jimco, December 12, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo galinkii dambe ee Shalay ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan deegaanka Dhoqor oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baledweyne. 

Howlgalkan oo ay fuliyeen xubno ka tirsan Macawiisleeyda ayaa la sheegay in lagu dilay laba xubnood oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab. 

Ragga fuliyay howlgalkaan oo la sheegay iney ahayeen sadax ruux ayaa ku guuleystay in sidoo kale horay u qaataan hubkii ay wateen labada xubnood ee ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Howlgalkan ka dhacay deegaanka Dhoqor oo ku yaala jiinka wabiga Wabiga Shabeelle, islamarkaana Baledweyne qiyaas ahaan u jira 25 KM ayaa si weyn looga hadal haya magaalada Baledweyne iyo nawaaxigeeda. 

Ma ahan markii ugu horeysay oo howlgal noocaan oo kale ah Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ku beegsadaan xubnaha kooxda Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan. 

Ugu dambeyntii howlgalkan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ay ku beegsanayaan xubnaha Al-shabaab ee dib u qabsaday inta badan deegaanada ku yaala bariga gobolka Hiiraan.