9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2024
Wasiir Alcadaala "Laba sano kadib majirto meel kooxda Al-shabaab Canshuur ka qaadato"
 

Talaado, September, 3, 2024 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in laba sano kadib guulo lataaban karo laga gaaray dagaalkii lala galay kooxda Al-shabaab.

Wasiir Alcadaala ayaa tilmaamay in kooxda Al-shabaab laga naafeeyay dhan walba, islamarkaana maanta aysan jirin qof shacab ah oo ka cabsanaya kooxda Al-shabaab.

"Waxaa ilaahey mahadiis ah in maanta Khawarijta xalkeedu marayo sidii loo soo afjara ee laga soo gubday waqtiyadii laga cabsan jiray oo dadka Soomaaliyeed handadi jireen, hada qof walba oo Soomaali ah ayaa ku dhiiranaya inuu sheego dhibaatada khawaarijta halka laba sano ka hor aysan jirin qof wax ka sheegi karay" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala.

Wuxuu sidoo kale xusay Wasiir Alcadaala in awoodii kooxda ee shacabka Soomaaliyeed uga qaadi jireen lacagaha baada ah ay meesha ka baxday oo aysan jirin haatan dekad iyo garoon meel ay ka qaataan lacago Canshuur ah.

"Kooxda hada majirto dekad ama garoon midna ay ka qaataan lacagahii ay awal qaadan jireen, hada Bangiyada iyo shirkadaha dalka dhamaan cabsidii cadawga way deysay oo way diideen in akoono leedahay kooxdu lacago ku dhacaan, taasina waxay ku timid dagaalka dowlada iyo shacabka la galeen Al-shabaab" ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in bogagii Warbaahinta ku laheyd kooxda oo ay ku faafin jireen wararkooda been abuurka ahaa in gabi ahaan hawada laga saaray, islamar ahaantaana hada aysan jirin bog rasmi ah oo kooxdu ku ledahay Warbaahinta.