9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2024
Madaxweynaha Soomaalya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray dalka Shiinaha
 

Talaado, September, 3, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Beijjing ee Caasimadda dalka Shiinaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Beijjing uga qeyb galayo shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha, iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa.

Shirkan ka furmaya dalka Shiinaha ayaa muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac ee Afrika iyo Shiinaha, waxaana shirkan lagu gorfeyn doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.

Shir madaxeedka u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika ayaa sidoo kale looga arrinsan doona fursadaha ka banaan qaaradda Afrika iyo doorka ay ka qaadan karto Xukuumadda Beijing iyo walba sida ay dhankeeda Qaaradda Afrika uga faaiideysan karto maalgelinta lagu sameynayo.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa mudada ay shir madaxeedka u joogaan Beijjing waxay halkaas kulamo gooni gooni kula qaadan doonaam madaxda kala duwan ee lagu casuumay shirkaan ka dhacaya dalkaasi Shiinaha.